Dhowrista Carruurta
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa adeegyada ilaalinta ilmaha, waxa ay sameyn karaan iyo sidda loola dhaqmo iyaga.
Waa Maxay Dhowrista Carruurtu?
Dhowrista carruurtu waa hay’ad degmada (kawntiga) hoos timaadda oo muraajacaysa warbixinnada ku saabsan daryeelxumada, ka dibna go’aan ka gaarta tillaabadii laga qaadi lahaa warbixintaas. Haddii warbixinta ay ka muuqato in ilmo khatar ku jiraan, baaritaan bay sameeyaan si ay u ogaadaan in ay dhacday daryeelxumo. Waxay kale oo go’aan ka gaaraan haddi qoysku u baahan yahay adeegyo. Mararka qaarkood, Dhowrista Carruurtu waxaa dhici karta in ay xereeyaan kiis maxkamadeed oo ay dalbadaan in carruurtaada loo geeyo qoys ku meelgaar ah.
Haddii warbixinta aysan ka muuqan in ilmo khatar ku jiraan, faylka ayay xiri karaan ama hadday u arkaan in aad caawimaad u baahan tahay, waxay soo bandhigi karaan in ay qiimayn ku sameeyaan qoyska. Haddii aad aqbashid qiimaynta qoyska, shaqaalaha bulshada (social worker) oo ku takhasusay dhowrista carruuta ayaa kula shaqaynaya si aad u heshid adeegyada aad u baahan tahay oo aad rabtid.
Waa maxay Daryeelxumadu?
Daryeelxumadu waa waxyeelidda ama dayacaadda ilmaha
Waxyeeliddu waa dhib jirka ama dareenka ilmaha loo geysto oo aan si khalad ama shil ah aan ku dhicin. Waa waxyaalaha ay ka midka yihiin:
- Lafo jaban iyo barar
- Gubasho
- Garaacid aan ahayn edbinta caadiga ah
- Dhib jinsiga ah noocay doontaba ha ahaatee
- Dhibaatayn dareenka ah
Dayacaaddu waa markii ilmuhu aysan helin waxyaalaha lagama maarmaanka ah sida:
- Cunto
- Dhar
- Hoy
- Waxbarasho
- Daryeel caafimaad
- Ilaalin
- Ka dhowrista waxyeellada
Shaqaalaha Dhowrista Carruurtu muxuu samayn karaa?
Inuu u soo Bandhigo Qiimaynta Qoyska
Qiimaynta qoyska macnaheedu waa in uu kula kulmo shaqaalaha bulshada oo qaabbilsan Dhowrista Carruurta si uu kaala hadlo warbixinta daryeelxumada. Markii qoys aqbalo Qiimaynta Qoyska, Dhowrista Carruurtu samayn mayaan baaritaan. Go’aan ka qaadan mayaan in daryeelxumo dhacday iyo in kale. Waxaa meeshaas u joogaan in ay kaa caawinaan sidii aad adiga iyo ilmuhuba u heli lahaydeen adeegyo si dhibaatooyinku u fududaadaan.
Laakiin, haddii aad la shaqayn weydid Qiimaynta Qoyska oo ilmahana mustaqbalka dhibi soo gaari karto, Dhowrista Carruutu waxay kiiskaaga u wareejin karaan in baaritaan lagu sameeyo.
Baaritaanka
Shaqaalaha Dhowrista Carruurtu baaritaan ayay sameeyaan markii warbixinta daryeelxumada ay ka muuqato in ilmo khatar ku jiraan ay sababtay waxyeello iyo/ama dayacaad.
Baaritaanka waxaa ku jiri kara:
- Wicitaanno taleefan ama kulammo lala yeesho qofka lagu tuhmay waxyeellada
- Gurigaagoo la soo booqdo
- Ilmaha oo la waraysto
- Dad kale oo la waraysto sida dhakhtarrada ama macallimiinta
Markay dhammeeyaan baaritaanka, Dhowridda Carruurtu waa in ay 2 go’aan gaaraan:
- Ilmaha waxyeello ma loo geystay mase la dayacay?
- Qoysku ma u baahan yahay adeegyo?
Hadii hay'ada iilaalinta ilmahu ay go'aansato in qoysku uu u baahan yahay adeegyo, Sidoo kale waa inay go'aansadaan waxa ay yihiin adeegyada ilaalin doona ilmaha xasilini kara qoyska.
Go’aaminta in Daryeelxumo Dhacday
Markii shaqaalaha Dhowrista Carruurtu dhammeeyo baaritaanka, shaqaalahaasi waa in uu go’aamiyo in daryeelxumo dhacday iyo in kale. Haddi shaqaalahaasi uu rumaysan yahay in waalidku dalyeelxumo ku sameeyey ilmaha, shaqaalahaasi wuxuu samaynayaa go’aamin dalyeelxumo.” Waxaad heli doontaa warqad kuu sheegaysa go’aankaas. Warqaddu waxay kuu sheegaysaa in aad xaq u leedahay racfaan qaadasho iyo sidaad racfaankaas u qaadan lahayd. Waxaad haysataa 15 maalmood si aad racfaan u qaadatida.
Racfaan qaadashadu waxay noqon kartaa mid aad muhiim u ah maadaama go’aaminta daryeexumadu ka muuqanayo markii dib-u-baarid lagugu sameeyo. Waxay taasi keeni kartaa in lagu siin waayo ama aad haysan kari waydid shaqooyinka daryeelbixinta la xiriira.
Waa shaqooyinka sida:
- Shaqaalah daryeelka carruurta
- Kaaliyaha macallinka
- Darawalka baska
- Kalkaaliye caafimaad ama daryeel qof loo sameeyo
- Laguu dhiibo carruur si ku meelgaar ah (foster parent)
Mararka qaar shaqaalahaasi wuxuu go’aamiyaa daryeelxumo ayagoo aan ku siin karin wax adeeg ah.
Haddii aadan racfaan qaadan, go’aaminta daryeelxumadu rikoorka ayay kuugu jiraysaa xataa haddii uu dhammaado wixii kiis maxkamad ay geeyeen Dhowrista Carruurtu.
Eeg warqadayda xoga aruursan ee Waa Maxay Si Xun Ula Dhaqan Sidee Ayeyse U Saameyn Kartaa Shaqadeyda?
Siinta adeegyada
Haddii ilmaha la waxyeelleeyey, ay u badan tahay in la waxyeelleeyo, ama la dayacay, Dhowrista Carruurtu waxay furi karaan gal kiis ah. Ka dibna waxay soo bandhigi karaan adeegyo sida daryeel carruurta oo qoys kale (foster care), daaweynta dadka daroogada qabatimay, daaweyn, iyo la talin. Waxay soo bandhigi karaan adeegyo ayagoon aadin maxkamad haddii waalidku oggolaado in uu la shaqeeyo.
Ku-talin ka Qaadidda Ilmo
Shaqaaluhu guriga kama saari karaan ilmo ayada oo aan waalid aqbalin ama aysan haysan amar maxkamadeed. Haddii shaqaaluhu uu dareemo in ilmo ay ku jiraan khatar deg-deg ah, waalidkana ay ka waayaan aqbalaad, waxay wacayaan boliiska. Boliis ayaa ilmaha kuriga ka wadi kara ayagoo geynaha hoyga guud (shelter).
Waa in maxkamaddu dhegeysataa kiiska 72 saac gudahood (fasaxa usbuuclaha iyo ciiduhu kuma jiraan) si ay u go’aamiso in ilmaha laguu sii hayo daryeelka ku meelgaarka ah (foster care)
Maxkamadda tag
Dhowrista Carruurta shaqaalaheedu waxay waydiisan karaan maxkamadda da’yartu in ay oggolaato in ilmaha laga kaxeeyo guriga uu joogo waalidka lagu tuhmay waxyeellada ama dayaca. Ilmaha waxaa loo gayn karaa qaraabo, daryeelka ku meelgaarka ah, ama xarun degaan.
Xaaladaha badankooda Dhowrista Carruurtu waa in ay ka shaqeeyaan siday isugu soo celin lahaayeen qoyska. Haddiise ay u muuqato in ilmuhu uusan si ammaan ah ugu laaban karin guriga, Dhowrista Ilmuhu waa in ay caddaymo soo ururiyaan taageeraya in ilmaha laga kaxeeyo waalidka waxyeelay ama dayacay.
Maxaan sameeyaa haddii Dhowrista Carruurtu ila soo xiriiraan?
- Qor magaca iyo nambarka shaqaale walba oo kula soo xiriira. Wac markii aad u baahatid macluumaad la xiriira kiiskaaga.
- Qoraal ka samee shaqaalaha kulammadooda oo dhan sida taariikhda, yaa joogay, wixii lagu wada hadlay.
- La shaqee daacadna ahaw, laakiinse taxadar, markaad la hadlaysid shaqaalaha. Xusuusnow in hadalladaada laguu adeegsan karo maxkamadda horteeda. Sharci ahaan, kuguma khasbi karaan in aad la hadashid. Haddiise aadan la hadlin waxay arrinkaas u qaadan karaan shaki.U soo wado saaxiib, u-doode ama qareen kulammada haddaad awooddid. Xaq waxaad u leedahay in maxkamaddu ku siiso qareen bilaash ah haddii dakhligaagu yar yahay mase aha ilaa inta Dhowrista Carruurtu ay:
- Samaynayaan qorshe geynta ilmaha daryeelka ku meelgaarka ah ama
- Xeraynayaan kiis maxkamadeed
- Warqadaha Dhowrista Carruurta oo dhan koobbi ka hayso. Haddii shaqaaluhu ogaado in aysan jirin waxyeello ama dayacaad, waxay kuu soo dirayaan warqad sheegaysa sidaas. Warqaddu waxaa kale oo ay sheegaysaa in aad dooran kartid in faylkaas oo dhan la baabi’iyo. Marar badan, waxaa fiican in shaqaalaha la waydiisto in ay hayaan faylka, si haddi mustaqbalka wax su’aalo ahi ka yimaadaan wixii dhacay aad haysatid warbixin.
- Warqadaha Dhowrista Carruurta oo dhan koobbi ka hayso. Haddii shaqaaluhu ogaado in aysan jirin waxyeello ama dayacaad, waxay kuu soo dirayaan warqad sheegaysa sidaas. Warqaddu waxaa kale oo ay sheegaysaa in aad dooran kartid in faylkaas oo dhan la baabi’iyo. Marar badan, waxaa fiican in shaqaalaha la waydiisto in ay hayaan faylka, si haddi mustaqbalka wax su’aalo ahi ka yimaadaan wixii dhacay aad haysatid warbixin.
- Xaq waxaad u leedahay in aad ka qayb qaadatid qorshaynta kiiska caawinaya adiga iyo qoyskaagaba. Daacad ahaw! U sheeg shaqaalaha waxyaalaha caawini doona qoyskaaga si dhibta loo xalliyo, markaas baad helaysaa kiis qorshe wanaagsan.
- Qorshaha kiiska raac. Haddii aadan raacin, shaqaaluhu wuxuu aadayaa maxkamad.
- Aad kulammada oo dhan iyo garnaqsiga maxkamadda.
- Waxaad la xiriiri kartaa qareen khaas ah ama qareenka dadka sharciga ka caawina si aad ula tashatid. Caadiyan, qareen bilaash ah lagu siin mayo ilaa garnaqsiga maxkamadda ugu horreeya la gaaro.
- Qareenka maxkamaddu idiin qabato wuxuu u matali karaa labada waalidba marka ay tahay garnaqsiga ugu horreeya. Haddii aad dareemaysid in dantaadu ka duwan tahay tan waalidka kale, waa in aad u sheegtid qaalliga. Markaas baad heli kartaa qareen gaar kuu ah. Haddaad is leedahay qareen bilaash ah baa lagu siin karaa, wac maxkamad oo qaalli waydii in uu kuu qabto qareen taasoo waafaqsan sharciga Minnesota 260c.163, qaybta 3 iyo Nidaamka Dhowrista Da’yarta Xeerka 25.02, qaybta2.
- Haddii aad tahay awoowe/ayeeyo oo ilmuhu kula noolaa xilli ka mid ah labadii sano ee la soo dhaafay, waxaad xaq u leedahay in aad kiiska ka noqoto “xubin” adigoo “faragalinaya.” Taas macnaheedu waa in aad maxkamadda waydisatid in ay kuu oggolaato in aad xubin ka noqotid habsocodka maxkamadda. Aabbe aan hadda ahayn “xubin” baa asaguna soo faragashan kara. Foomamka aad u baahan tahay waxaad ka heli kartaa aqalka maxkamadda.
- Waxaad kaloo la heli kartaa foomamka maxkamada ee aad u baahan tahay court forms you need si aad “u fara-gashato” www.mncourts.gov.
- riix Hel Foomamka (Get Forms) ee kor bogga uga taal
- Riix ilaalinta ilmaha (Child Protection) ee liiska soo baxa
- Riix Arjiga Fara-gelinta (CHIPS Motion to Intervene)
- boor [Packet]. Waxa ku jira wax walba oo aad u baahan tahay. Si taxadar leh u akhri tilmaamaha!
Kiisas maxkamadeed oo noocee ah ayay Dhowrista Carruurtu xerayn karaan?
Kiisaska Carruurta u baahan dhowrista ama adeegyada (CHIPS).
Waxay xerayn karaan kiiska CHIPS haddii ay rumaysan yihiin in ilmahaagu aysan ammaan ku qabin daryeelkaaga ama aad la shaqayn wayday adigoo diidaya adeegyo loogu talo galay badqabidda ilmaaga.
Degmadu waa in ay ku dadaasho in ay kuu soo celiso ilmaha. Fursad baad u haysataa in aad kala shaqaysid degmada samaynta qorshaha kiiska. Waxaad haysataa 6 ilaa 12 bilood in aad ku dhammaysid qorshahaas.
Haddi ilmuhu weli joogo daryeelka ku meel gaarka ah (foster care) oo aad raaci waydid qorshaha kiiska, degmadu waxay xereynaysaa kiis joogtayn.
Kiisaska Joogtaynta. Baabi’inta Xuquuqda Waalidnimada (TPR) ayaa ah joogtaynta la jecel yahay in loo doorto waalidka aan daryeelka carruurta loo soo celin karin.
Wixii kale ee akhbaar ah ka eeg wrqadayada xogta aruursan ee Xaquuqdaada uu Dhigayo Sharciga Hagaajinta Hindida ah iyo Aabanimada iyo Haysashada Ilmaha iyo Waa maxay qofka maslaxada ilmaha ka wakiilka ahi? Your Rights Under the Indian Child Welfare Act, and Aabanimada iyo Hayshada Ilmaha, and Waa Maxay Mas’uulka Ka Caawiya Dacwadda?
Markii kiisku maxkamad gaaro, qaalligu wuxuu ilmahaaga u magacaabaa ilaaliye inta kiisku socdo ah (GAL). Ilaalilyuhu (GAL) warbixin ayuu maxkamadda siiyaa ku saabsan ilmaha dantooda sida ugu habboon. Ilaaliyuhu ma aha qareenka ilmaha. Haddii ilmuhu 10 jir ama ka weyn ay yihiin waxay xaq u leeyihiin qareen gaar ah oo maxkamaddu u qabatay. Haddii ilmuhu ka yaryahay toban, maxkamaddu qareen u qaban mayso. Qareenka degmada ayaa ah qareenka Hay’adda Dhowrista Carruurta.
Daryeelaha ah waalidka ku meelgaarka ah ama qaraabada si ku meelgaar ah u daryeelay ilmaha way imaan karaan garta maxkamadda, waxayna qaalliga weydiisan karaan oggolaasho si ay uga hadlaan sida ay u arkaan sida u wanaagsan ilmaha.
Geynta Meel aan ahayn Guriga
Ilmaha 2 qaab ayaa loo geyn karaa daryeelka ku meelgaarka ah (foster care):
- Geyn aan ahayn ikhtiyaari. Kuwaasi waa Geynta Meel aan ahayn Guriga oo maxkamaddu amartay hataa haddaan waalidku ku raacsanayn.
- Heshiisyo Geyn ikhtiyaari ah. Markii ay waalidku aqbalaan in danta ugu wanaagsan oo cunuggooda ay tahay in la geeyo daryeelka ku meelgaarka ah (foster care) ama daaweyn xilliyeysan, ayaa degmada iyo waalidku wada galayaan Heshiis Geyn Ikhtiyaari ah. Heshiiska waxaa ku jira macluumaad ku saabsan adeegyada la siinayo waalidka iyo ilmaha oo u oggolaanaya in ilmuhu ku soo noqdaan guriga.
Waalidku way ka noqon karaan geynta ikhtiyaariga ah, ayagoo dalbanaya in ilmaha guriga lagu soo celiyo. Degmadu waa in ay soo celisaa ilmaha illaa ay maxkamad aadaan mooyaane, ayagoo caddaynaya in ilmuhu uusan amni ku helayn guriga.
Muxuu noqonayaa xaalka ilmahayga dhaqankooda iyo diintoodu?
Haddii ay noqoto in ilmo guriga laga wado, waa in loo geeyo qoys ama guriga ku meelgaarka ah ayadoo la isku afgartay ilmaha singiyadda iyo dhaqanka ay ka soo jeedaan, hadday arrintaasi suurto gal tahay. Waalidku wauxuu dalban karaa in ilmaha la geeyo guri ku meelgaar ah (foster home) ay isku diin yihiin.
Nidaamka dhaqanka ee carruurta Hindidu waa ka duwan yahay kuwa kale. Eeg warqaddayada xogta aruurinsan ee Xaquuqdaada uu Dhigayo Sharciga Hagaajinta Hindida ah Your Rights Under the Indian Child Welfare Act.