KHALAD! Macluumaadka la soo dhigo faysbuuggu, Twitter, Instagram, TikTok ama aaladaha (apps) kale si fudud ayuu booliska ama maamulka iskoolka gacanta ugu geli karaa. Waxaa dhacday in arday laga hakiyey iskoolkii ama laga mamnuucay cayaaraha dugsiga sare waayo qof baa helay sawirradooda ayagoo khamro cabbaya ama daroogo isticmaalay. Sawirrada khamro cabbida, ka hadalka hubka, ka hadalka waxyeellayn qof kale, ama farriimo xoogsheegasho ama khashkhashaya ardada kale waxaa lagugu gayn karaa xafiiska maamulaha!
Waxyaalaha la soo dhigo faysbuuggu waxay kale oo dhibaatayn karaan shaqada ama saaxiibtinimada. Internetku xusuus dheer bay leedahay, haddaba ka taxaddar waxa aad soo dhigaysid. Waxaa ugu roon inaad ka soo qaado in wax walba oo aad soo geliso khadka (online) ay arki karto cid walbaa waligoodba, xataa haddii aysan mar walba taasi dhicin.