Helida Masaariifta Ilmaha
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa masaariifta ilmaha. Sidda lagu helo, sidda looga helo caawimaad dowladda, bedelida cadadka aad hesho iyo faahfaahino kale.
Waa maxay Masaariifta ilmahu?
Hadii aad ilmo hayso maxkamadahu waxa ay ku khasbi karaan waalidka kale inuu bixiyo lacag caawiso bixinta kharashaadka ilmaha. Arritan waxaa loogu yeeraa masaariifta ilmaha. Waxa aad heli kartaa amar masaariifta ilmaha ah xilliyada furiinka, kala baxa sharciga ah, kiisaska xaqiijinta aabaha, kiisaska dacwada haynta ilmaha ama iyadoo qayb ka ah Amarka Amaan Siinta (OFP). U gadida Hadiyadaha, dhar, ama cunto ilmaha looma xisaabiyo masaariif ilmo ahaan.
“Masaariifta Ilmahu waxa ay ka kooban yahay 3 qaybood:
- Masaariifta aasaaska ah – Waa qaybta kharashaadka ilmaha sida cuntada, dharka, guryaha, iyo gaadiidka
- Gargaarka haynta Ilmaha – Waa qaybta kharashaadka haynta ilmaha (childcare) kolka aad shaqada jirto ama aad iskuul aad aado
- Gargaarka Kaarka Caafimaadka – Dhamaan ama qayb ka mid ah kharashaadka kaarka caafimaadka ama iyo kharashyo kale oo caafimaad oo ilmahaagu leeyahay
Hubi inaad waydiiso hawl-wadeenkaaga ama qareen ama xaakimka arrinta haynta ilmaha iyo caawimaada daryeelada caafimaadka ee ay tahay in laga helo waalidka kale.
Gargaar intee le’eg ayey tahay in la bixiyo?
Minnesota waxa ay leedahay habraacyo ku saabsan inta uu le’eg tahay gargaarka ay tahay in la bixiyaa. Waxaana la yiraa saamiga dakhliga. Saamiga Dakhligu waxaa uu gooyaa masaariifta ilmaha isagoo eegaya dakhliga guud ee labada waalid. Dakhliga guudi waa dakhliga oo dhan ka hor inta aan canshuurta laga jarin.
Wuxuu kaloo sharicgu eegtaa waxyaabaha sida ilmo kale ama gargaarada xilaha, iyo waalidka ilmihiisa kale ee la nool.
Masaariifta aasaasiga ah: Ka dib kolka waalid walba dakhligiisa la ogaado, labadooda dakhli waa la isku daraa. Wadartooda ayaa waxaa la barbar dhigaa habraac shaxan oo muujiya inta ay le’eg tahay lacagta waalidiinta heerka dakhligaa leh ay ku kharash garaynayaan ilmahooda. Lambarka shaxanka ayaa ka dib loo qaybiyaa labada waalid. Waxaa la qaybiyaa iyadoo lagu salaynayo waalid walba boqolkiiba inta dakhligiisu yahay taa oo isku wada noqonaysa wadarta guud ee dakhliga. Tusaale ahaan, waxaa dhici karta in waalidka midkii uu dakhligiisu yahay 60% wadarta guud ee dakhliga, kan kalena uu yahay 40% uun. Lambarka shaxanka waxaa loogu qaybin 60% iyo 40%.
Sidee ayuu waqtiga ilmaha la haystaa uu u saameeyaa cadadka masaariifta ilmaha ee la bixinayo:
- Mar walba oo waalidka uu habeenkii ilmahu la hoydo waa mar walba oo waalidkaas ay ka yaraanayso lacag masaariifta aasaasiga ah ee bixinayo.
- Hadii labada waalid ilmaha ay waqti is le’eg ay haystaan dakhligooduna uu is le’eg yahay kolkaa wax masaariif ilmood ah oo la bixinayaa ma jiraan.
- Hadii dakhliga labada waalid uusan is le’kayn, kolkaa waalidka dakhliga badan leh waa inuu waalidka kale siiyaa wuxuun masaariif ilmood ah.
- Hadii labada waalid midkood uu ilmaha haysto waqti ka badan kan kale, waalidka ilmaha waqtiga yar haysta waa inuu bixiyaa masaariifta ilmaha xataa hadii uu dakhligiisu uu yar yahay kan waalidka kale.
Gargaarka Kaarka Caafimaadka: Masaariifta aasaasiga ah ka sakow, labada waalid waxa uu mid walbaa mas’uul ka yahay qayb ka mid ah kharashka daryeelada caafimaad ee ilmahooda. Mar labaad cadadka waxaa la ogaadaa iyadoo la eegayo dakhligooda.
Hadii waalidka aan ilmaha hayn dakhligiisu uu ka hooseeyo heerka loo aqoonsadan yahay saboolnimada, waxa ay bixiyaan amarka ugu yar ee gargaarka ilmaha. Amarka ugu yari waa $50 bishii 1 ka ama 2 da ilmood, $75 bishii, 3 da ama 4 ta ilmood, iyo $100 bishii 5 ta ama wixii ka badan ee ilmo ah.
Hadii aad og tahay inta ay tahay lacagta soo gasha waalidka kale, waxa aad ka heli kartaa fikrad ah inta ay tahay lacagta masaariifta ilmaha ah ee ay maxkamadi amri karto adigoo isticmaalaya xisaabiyaha khadka (online) ee Minnesota ee http://childsupportcalculator.dhs.state.mn.us. Akhri tilmaamaha. Waxa ay kuu sheegi sida loo isticmaalo iyo waxa ay tahay akhbaarta aad u baahan tahay. Mar walba oo aad buuxin karto meelahu waa mar walba oo ay saxnaan doonto akhbaartu. Waxaa dhici karta in lagu wareero laakiin waxa ay ku siin kartaa ra’yi ah waxa aad ka fili karto maxkamada inay ka dhacaan.
Gargaarku mar walba ma waxa uu u hogaansamaa habraacyada?
Masaariifta ilmaha waxaa la goyn karaa iyadoo ka sareeysa ama ka hooseeysa habraacyada iyadoo hadba ku xiran:
- Dakhliga, hantida, kharashyada, iyo baahida labada waalid, iyo,
- Baahida iyo kharashyada ilmaha.
Hadii labada waalid mid uu dib u guursaday ama uu qof kale ay guri wada kireystaan, maxkamadu kolkaa ma xisaabiso dakhliga xilaha cusub ama dakhliga qofka guriga la kireysta waaldka.
Sidee ayaan u bilaabaa helida masaariifta ilmaha?
Degmo walbaa waxa ay leedahay xafiis masaariifta ilmaha u qaabilsan. Xafiiskaasi waxa kaloo loogu yeeraa Qaybta IV-D (IV-D Unit) “Qaybta Afraad ee D” (“Four D Unit”).
Qaybta IV-D (IV-D Unit) waa khasab inay kaa caawiso helida masaariifta ilmaha. Waxa aad ka heli kartaa Qaybta IV-D (IV-D Unit) shabakada www.mn.gov/dhs.
- Hoosta “People We Serve” (Dadka aad u Adeegno) (ee liiska kore) riix “Children and Families” (Ilmaha iyo Qoysaska)
- Liiska dhinaca bixid Riix “Services” (Adeegyada)
- Qayba weyn ee bogga riix “Child Support” (masaariifta ilmaha)
- Riix “Contact Us” (Liiska la Soo Xiriirida)
- Aakhirka sadarkan, riix “conty child support office” (xafiiska masaariifta ilmaha ee degmada)
Degmada Hennepin, khadka Qaybta IV-D (IV-D Unit) waa (612) 348-3600.
- Hadii aad qaadato gargaarka la yiraa MFIP, uma baahnid inaad codsato caawimaada degmada ee Qaybta IV-D (IV-D Unit). MFIP waxa ay u dirtaa kiiskaaga Qaybta IV-D (IV-D Unit). Waa inaad siiso wuxuun akhbaar ah Qaybta IV-D (IV-D Unit) hadii aysan jirin wax dagaal ah oo qoyska ka dhex dhacay.
- Hadii aadan qaadan MFIP, waa khasab inaad codsato. Kolkaa Qaybta IV-D (IV-D Unit) waxa ay bilaabi inay ka shaqeyso kiiskaaga. Si aad uga codsato Degmada Hennepin gargaar wac khadka ah (612) 348-3593.
Waa siddee habka soo goynta masaariifta ilmahu?
Hadii Qaybta IV-D (IV-D Unit) ay ku caawinayso, waxa ay isticmaalaan, Habka Gargaarka ee Degdega ah (Dhaqso). Waxyaabaha kale sida booqashooyinka ama haynta ilmaha qaabkan laguma go’aansan karo. Habka Masaariifta ilmaha ee Degdeg ahi waxa uu ka caawiyaa waalidka inay si degdeg ah oo fudud ay u xaliyaan khilaafaadka masaariifta ilmaha.
Qaybta IV-D (IV-D Unit) waxa ku bilowdaa hawsha iyadoo u gaysa labada waalidba warqadaha waxa la yiraa u Yeerid iyo Asktako. Warqadahaasi waxa ay sheegaan labada waalidba dakhligooda iyo kharashaadkooda, waxaana dhici karta sidoo kale inay codsadaan cadad cayiman oo masaariifta ilmaha ah.
Hadii Qaybta IV-D (IV-D Unit) ay caawiso kiiskaaga iyo hadii kaleba, waa khasab inaad u gaysto waalidka kale aadna xareyso warqada dhaarta dhaqaalaha. Waxa aad ka heli kartaa foomka dhaarta shabakada (website) Waaxda Adeega Bulshada (Department of Human Services). Waxaa jira waxyaabo muhiim ah oo ay khasab tahay in lagu lifaaqo warqada dhaarta dhaqaalaha, sida
- Jeegta shaqada dabadooda ee 3-dii bilood ee ugu dambaysay
- Oraah ah rasiidyda iyo kharashyada, hadii aad iskaa u shaqaysato
- Nuqul ah canshuur xaraysigaagii ugu dambeeyey oo ay ku jiraan Foomamka (W-2, 1099), oraahda lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo, iyo mida xaqqa shaqaalaha shaqada ku dhaawacma la siiyo.
- Wixii kale oo dukumiinti ah ee cadeeyn kara dakhli kale.
Hadii aadan xareysan warqada oraahda dhaarta, maxkamadu waxa ay goysaa masaariifta ilmaha ee aad bixinayso, iyadoo ku salaynaysa daliilaha kale ee la hayo. Laguuma ogola inaad makamada afka uga sheegto dakhligaa hadii aysan maxkamadu go’aamin in aadan heli karin dukumiintiada cadeynaya dakhligaaga.
Hadii waalidku aysan ka soo jawaabin warqadaha loo soo diray ama aysan codsan dacwo dhagaysi, kolkaa Qaybta IV-D (IV-D) waxa ay ka codsan kartaa maxkamada in ay amarto masaariifta ilmaha iyadoo lagu salaynayo akhbaarta ku qoran warqadaha.
Hadii labada waalid midkood ama Qaybta IV-D (IV-D) ay codsato, kolkaa waqti dacwada la dhagaysanayo ayaa la qaban. Dacwada dhagaysigeeda waxaa qaadi qaali ama xaakim qaabilsan soo jarida masaariifta ilmaha. Degmada Hennepin waxa ay isticmaashaa qaali qaabilsan masaariifta ilmaha. Kolka dacwada la qaadayo, labada waalid waxa ay heli fursan ay ku soo gudbiyaan xaqaa’iq ku saabsan dakhligooda iyo kharashaadkooda.
Ka dib kolka uu dhagaysto daliilaha maxkamada la hor keenay, qaaliga ama xaakimka qaabilsan soo jarida masaariifta ilmahu waa khasab inuu ku soo diro amar maxkamadeed 30-cisho gudahood. Laakiin hadii labada waalid midkood uusan ku qanacsanayn amarka, waalidkaasi kolkaa waxa uu ku codan karaa dib u eegid kiiska ah 20-cisho gudahood kolka uu helo amarka.
Waalidku waxa ay ka heshiin karaan arrinta masaariifta ilmaha markii ay rabaan, Qaybta IV-D (IV-D) waxay idin ka caawin karaa u rogida heshiiska waalidka mid amar qoran ah.
Ma u baahanahay qareen?
Maya. Laakiin hadii kiiskaagu maxkamad qaadid uu u gudbo, waxaa dhici karta inaad u baahato. Hawl-wadeen iyo qareen ka socoda Qaybta IV-D (IV-D) ayaa imaan kara maxkamada dacwada dhagaysanaysa codsana kara gargaar laakiin hawl wadeenka (IV D) iyo qareenku wakiil kama aha labada waalid midna.
Qaybta IV-D (IV-D) Ma sida kaliya ee lagu heli karaa masaariifta ilmaha?
Maya. Maxkamadu waxa ay ku amri kartaa masaariifta ilmaha dacwadaha kale:
- Haysashada
- Waqtiga waalidka (booqasahda)
- Qaybinta Hantida
- Dagaalka Qoyska Dhexdiisa ka dhaca
Kuwan waxaa ku jira furiinka, kala baxa sharciga ah iyo Amarada Amaan Siinta ah.
Sidee ayaan ku heli kordhinta kharashka nolol-maalmeedka awgii ah?
Dhamaan amarada masaariifta ilmaha oo dhan waxaa ku jira qawimid ah kharashka nolol-maalmeedka (COLAs). Maxkamadu waxay ka tagi kartaa waxaa la yiraa (COLA) kaliya uun hadii waalidka midna uusan bixin kordhimo ama hadii Maxkamadu ay amarto kordhimo kale oo joogta ah oo gargaarka la xiriira.
Cadadka (COLA) ah ee la bixinayaa waxa uu ku xiran yahay sicir-bararka. Waxa aad heli kartaa kordhin 2 dii sannaba hal mar ah. Hadii aad isticmaalayso Qaybta IV-D (IV-D), iyaga ayaa durbadiiba kuu soo dhicin. Hadii aadan isticmaalayn Qaybta IV-D (IV-D), waa inaad maxkamad aad tagtaa si aad u hesho kordhinta lacagta.
Siddee ayaan ku heli karaa caawimaad ah soo qaadida masaariifta ilmaha?
Waxa aad qabsan kartaa qareen adigu aad wadato si uu kaaga caawiyo soo qaadida masaariifta ilmaha, laakiin khasab kuguma aha. Qaybta IV-D (IV-D) du waa in ay kaa caawiso adiga:
- Soo helida waalidka aan la hayn
- Xaqiijinta Aabaha hadii loo baahdo
- Soo helida amar maxkamadeed oo soo gooya cadad cayiman oo masaariifta ilmaha ah.
- Soo qaadida gargaaryada hadda iyo gargaaryadii mudooyinkii hore ee ka soo dhaafay la rabay in la bixiyo. (Xataa hadii waalidku uu ku nool yahay gobol kale)
- U helida amar maxkamadeed kaarka caafimaadka hadii waalidka kale uu ku heli karo qiimo macquul ah.
- Soo qaadida lacagta xaqqa xilaha (meher) hadii maxkamadi ay amartay
- Bedelida amarka masaariifta ilmaha (mararka qaarkood)
- Oofinta amarka masaariifta ilmaha
Adeegydaa waxaa heli kara dhamaan qoysaska oo dhan, qofkuu rabo ha noqdo qofka ilmaha haystaaye.
6-bilood ka dib kolka aad hesho amarka waxa aad ka codsan kartaa maxkamadu inay qabato dacwo dhagaysi si loo hubiyo in waalidka kale uu bixiyo masaariifta. Maxkamadu waxa ay ku lifaaqi nuqul foomka ah amarkaaga. Waa khasab inaad buuxiso foomka aadna u soo dirto maxkamada iyo qofka kale si aad u codsato dacwo dhagaysi.
Sidee ayaa masaariifta ilmaha ee iminka socota loo soo qaadaa?
- Hadii aad qaadato MFIP ama gargaarada kale ee dowlada:
Qaybta IV-D (IV-D) waa u khasab inay kaa caawiso soo qaadida masaariifta iyadoon wax lacag ah aan kugu soo dalacayn. Kolka ay maxkamadi amarto masaariif, qaybta IV-D (IV-D) waa inay soo qaado masaariifta ilmaha iyadoo ka reebaysa jeega shaqada ee waalidka kale. Hadii aad qaadato MFIP ka lacagta cadaanka ah, waa aad heli masaariifta markaa socota, laakiin MFIP waa la yareyn 2-bilood ka dib iyado laga jarayo cadadka masaariifta ah ee aad heshay.
Waxa aad qaadan kartaa masaariif ilmood oo ilaa $100 bishii 1 kii ilmood, iyo ilaa $200 bishii 2 dii ilmood ama ka badan, iyadoon MFIP kaaga aan lagaa yareyn.
Hadii aad qaadato MFIP, caawimaada haynta ilmaha ee degmada, ama Kaar Caafimaad [Medical Assistance (MA)], Qaybta IV-D (IV-D) waxa ay la hartaa qayb lacagta masaariifta ilmaha ah ee loogu talagalay in lagu bixiyo haynta ilmaha ama daryeelada caafimaad.
- Hadii aadan qaadan MFIP ama gargaaro kale oo dowladeed:
Qaybta IV-D (IV-D) waa khasab inay ku caawiso hadii aad haysato amar masaariifeed. Waa inaad codsataa caawimaada. Wac xafiiska Qaybta IV-D (IV-D) ee degmada si aad u codsato. Waxa ay heli amar maxkamadeed oo ay masaariifta ilmaha uga soo goyn karaan jeega shaqada ee waalidka kale ayna ugu diri karaan Qaybta IV-D (IV-D). Kolkaa ka dibna adiga ayey kuu soo diri. Waxa ay ugala hari 2% wixii ay soo qaadaan khidmad maamul ahaan.
Waxa aad ka codsan kartaa maxkamada in waalidka kale uu toos adiga lacagta kuu siiyo hadii:- Lacagihii hore lagu bixin jiray waqtiga loo qabtay in lagu bixiyo
- Maxkamadu ay xukunto in toos adiga u siinta lacagta masaariifta ilmahu ay tahay maslaxada ilmaha iyo in
- Waalidka kale uu ogolaado, ayna maxkamadu ansaxiso heshiiskiina
Dedeg sidee ah ayey Qaybta IV-D (IV-D) du ay u shaqaysaa?
Kolka ugu horeeya ee aad ka codsato caawimaad:
- Hadii aad tagto xafiiskooda, waa khasab inay ku siiyaan codsi maalintaa.
- Waa khasab inay qabtaan codsigaaga maalinta aad soo buuxiso aadna bixiso khidmada.
- Hadii aad telefan ku wacdo, waa khasab inay kuugu soo diraan codsi 5-cisho oo maalmaha shaqada gudahood ah.
Ka dib kolka ay helaan codsigaaga ama ay ka helaan kiiskaaga hawl-wadeenka MFIP ka:
- Qaybta (IV-D) waxa ay haysataan 20-cisho oo ay kuugu furi kiis dacwo adiga.
- Waqtigan isaga ah, Qaybta IV-D (IV-D), waa khasab inay go’aansato waxa ay tahay caawimaada aad u baahan tahay ayna hesho xogaha loogu baahan yahay dacwada wadida. Waa khasab inay go’aansadaan inay u baahan yihiin inay helaan waalidka kale iyo in kale, ay xaqiijiyaan aabaha ama ay helaan amar masariifta ilmaha ah.
- Waxa ay leeyihiin waqti xadidan oo la rabo in lagu sameeyo talaabo walba. Tusaale ahaan, degmaddu waxaa khasab inay maxkamad ka xareysato dacwo si ay u hesho amar maxkamadeed 90-cisho gudahood ka dib kolka ay soo hesho waalidka aan la hayn ama ay xaqiijiso aabaha.
Degdeg sidee ay ayey khasab ku ah in Qaybta IV-D (IV-D) ay iigu soo dirto aniga masaariifta ilmaha?
Qaybta IV-D (IV-D) waa khasab inay kugu siiso lacagta masaariifta ilmaha 2-cisho gudahood ee maalinta ay helaan. Waa inay kuu soo diraan ogaysiis bil walba sheegaya kolka ay soo gaartay masaariiftaadu iyo inta ay ahayd. Hadii aad ku arago khalad, waxa aad u baahan tahay inaad ku codsato dib u eegid arrintaada ah 30-cisho gudahod.
Ka waran hadii aan dhib ku qabto Qaybta IV-D (IV-D) da?
- Warqad u qor madaxa hay’ada degmadaada ee masaariifta ilmaha (IV-D). Si khaas uga hadal waxyaabaha ay khaladka u sameysay Qaybta IV-D (IV-D) iyo sababta. Ku dar warqada ciwaankaaga, kuna qor taariikhda iyo lambarka kiiskaaga. Nuqul kala har warqadaada.
- Hadii dhibaatada aan lagu sharxin ama wax looga qaban 30-cisho gudahood, warqad u qor:
DHS: Child Support Enforcement Division
P.O. Box 64946
St. Paul, MN 55164-0946
- Hadii ay taasi shaqeyn waydo, u qor warqad:
Administration for Children and Families
Child Support Enforcement
233 N. Michigan Ave., #400
Chicago, IL 60601-5519