Lacagta Shaqaalaha Shaqo La’aanta ah
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa sidda ay u shaqeeyso lacagta (manfacyada) shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo. Cidda heli karta. Sidda loo dalbado iyo waxa la sameeyo haddii cadadka lagu siiyo lagaa yareeyo ama laguu diido.
Shaqadaydii waan ka lug baxay. Ma heli karaa lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo?
Lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah waxaa la siiyaa dadka shaqadooda ka lug baxa iyagoon khaladka lahayn. Warqadan xogta aruursani waxa ay bixisaa qaar ka mid ah xeerarka ku saabsan cidda heli karta lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta noqda la siiyo. Hadii aadan hubin inaad heli karo lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo iyo in kale, waa inaad codsataa. In kastoo ay jiraan xeerar kale, waxaa jira 4 xeer oo aasaasi ah.
4 Xeer ee aasaasiga ah ee lagu helo lacagta shaqaalaha Shaqo La’aanta ah la siiyo
-
Waa khasab inaad ka kasbatay cadad lacag ah oo go’an 1 ama in ka badan oo shaqooyin ah.
- Hay’ada lacagta siisa shaqaalaha shaqo la’aanta ah waxa ay eegtaa muddo 1-sanno ah oo dhamaanta 1 ilaa iyo 6 bilood ka hor waqtiga aad codsato. Marmarka qaarkood, waa khasab inaad codsato mar labaad bil kale si aad xaq ugu yeelato.
-
Waa khasab inaad shaqadii ka lug baxday adiguna aadan lahayn khaladka ka lug bixida shaqada.
- Inta qaalibka ah, taa macnaheedu waa ma aad heli kartid lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta la siiyo haddii aad shaqadaada ka tagto ama hadii shaqada lagaaga eryo “edeb-darro” awgeed. Laakiin waxaa jira waxyaabo ka reebitaano ah oo arrintan quseeya. Marmarka qaarkood, waa aad ku heli kartaa lacagta shaqaalaha shaqola’aanta ah la siiyo sababahan hoose awgood. Hadii aadan hubin waa inaad codsato.
-
Shaqadii ma kaa dhamaatay?
-
Saacadahaagii ma la dhimay?
-
Shaqada ma uga tagtay sabab ah in shaqadaadu aysan amaan ahayn ama in qof kuugu hanjabayey ama uu wax ku yeelayey adiga?
-
Shaqada ma uga tagtay sababtoo ah cudur ama xaalad degdeg ah oo qoyskaaga la soo daristay aadna heli karin fasax?
-
Shaqada ma uga tagtay mise lagaaga eryey sabab ah isbedel ku yimid xaaladaada caafimaad ee jirka ama miyirka taa oo ka dhigtay qabashada shaqadaada wax adag?
-
Ma xanuunsatay mise dhaawacantay waxa ayna ka dhigtay shaqada wax adag taasi? Qof qoyskaaga ka mid ahi ma xanuunsaday mise dhaawacmay?
-
Ma wayday ilmo hayntaadii ama gaadiidkaagii? Qofka madaxda kuu ah ama shaqaalaha kula shaqeeyaa ma ku khashkhashaan adiga ama si xun ma kuula dhaqmaan?
-
Ma u qabatay sida ugu fiican ee aad u qaban kartay, laakiin shaqaddii ma la lagaa eryey waayo qofka madaxda ka ah ayaa waxa uu kuu arkay inaysan shaqadaadu fiican?
-
-
Waa khasab inaad shaqo raadiso kolka aad shaqaada ka lug baxdo.
- U tixgeli shaqo raadintaada sidii shaqo saacada buuxa oo kale ah. Geli ugu yaraan 30-saac asbuucii raadinta shaqo cusub. Meel dhigo qoraalada meelaha aad shaqada ka raadisay.
-
Waa khasab inaad awoodo inaad shaqayso kolka aad shaqadaada ka lug baxdo.
-
Hadii ay jiraan arrimo caafimaad ama wax kale oo aad masquul ku tahay sida (tacliinta) oo kaa xayiraya shaqo raadinta ama shaqeynta waxaa dhici karta inaadsan xaq u yeelan lacagta.
Ogow: Haddii aad qaadato lacagta naafada ee sooshal sakuuratiga (social security), waa ay adkaan kartaa inaad hesho lacagta shaqaalaha shaqo la’aant ah la siiyo. Kala xiriir xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid) ee deegaankaaga wixii akhbaar kale ah.
Ka hor inta aadan shaqadaadda ka tagin…
-
Marmarka qaarkood, waa aad heli kartaa lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo hadii lagugu khasbo inaad shaqada ka tagto. Tusaale ahaan, hadii adiga ama qof kale oo qoyskaaga ka mid ah uu qabo cudur culus ama dhaawac waa inaad u sheegtaa shaqada aadna ka codsataa maciin macquul ah. Taa macnaheedu waa waxa aad ka codsanaysaa isbedelo, si kolkaa aad u sii haysato shaqadaada. Hadii qoladaada shaqadu aysan waxba sameyn si ay u caawiyaan xaaladaada aadna shaqada ka tagto, waxaa laga yaabaa inaad awoodo inaad hesho lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah.
-
Haddii aadan sii wadi karin shaqada iyadoo sababta oo ah inaadan haysan cid ilmaha kuu haysa, waa inaad taa u sheegto qof madaxda kuu ah ee shaqada aadna ka codsato maciin ka hor inta aadan shaqada ka tegin. Hadii aadan taa sameyn, waa laguu diidi doonaa lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta la siiyo.
-
Waxaa dhici karta sidoo kale inaad hesho lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo hadii aad dareento inaad shaqada isaga tagto waayo qolada shaqadu wax kama qaban dhibaato culus oo aad soo sheegtay, sida goob shaqo oo aan xaaladeedu amaan ahayn, khashkhashaad galmada la xiriirta ama takoorid.
Hadii waxyaabo kuwan oo kale ahi ay dhacaan, waa inaad meel ku qorataa waxa dhacay iyo marka ay dhaceen, waa inay qoraal ahaadaan wixii ashtako ahi ee aad adigu sameynayso. Hubi inaad nuqul kala harto wax walba oo muhiim ah.
Xusuusnow: waa muhiim in qolada shaqadu ay og tahay dhibaatada lana siiyo waqti ay wax uga qabtaan. Hadii kale waxaa dhici karta inaadan awoodin inaad hesho lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo.
Uma badna inaad heli lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo hadii…
- Uma badna inaad heli doontid lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo hadii aad shaqadaada ugu tagto sababo adiga kuu gaar ah ama shaqada oo aadan jeclayn.
- Waxaa dhici karta in aadan helin lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo hadii qofka madaxda kuu ahi uu yiraa shaqada waxaa lagaaga eryey dhaqan-xummo aad adigu la timid. Dhaqan xummadu waxa ay noqon kartaa sida waxyaabaha sida, shaqo u googeynta ama ka soo daahida shaqada marmar badan ah. Sidoo kale waxa ay noqon karaan waxyaabaha sida xatooyada, beenta, dagaalka ku dhex sameynta shaqada ama diidida sameynta waxa uu kormeerahaagu ku waydiisto inaad sameyso. Hadii lagu yiraa waxaa ha sameyn ama hadii aad mar walba nidaamka jabinayso xataa ka dib kolkii laguu digay, qofka madaxda kuu ahi taa waxa uu ugu yeeri karaa dhaqan-xummo.
Hadii aad haysato sababo fiican oo ah jabinta nidaamyada ama sameyn la’aanta waxa uu kaa codsaday qofka madaxa kuu ahi inaad sameyso, waxaa dhici karta inaad xaq u yeelato manfaca. Sababaha fiicani badanaa waxa ay ku saabsan yihiin amaanka iyo hagaagsanaanta qofka shaqaalaha ah. Hadii aad is leedahay waxa aad sameysay waa wax xaq ah, waa inaad codsataa lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo.
Waxaa dhici karta inaad wali hesho lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta la siiyo hadii aad shaqadda u imaan wayday sababo macquul ah awgood, sida jiro, ama dhib lama filaan ah oo xagga gaadiidka ah, hadii aad ugu sheegtay qof madaxda kuu ah sidii ugu dhaqsaha badan ee aad awooday.
Waxaa iyana dhici karta inaad hesho lacagta shaqaalaha shaqada la’aanta ah la siiyo haddii qofka madaxda kuu ahi uu shaqada kaaga eryo wax la xiriira cudur madaxa ah.
Ma shaqeyn karaa inta ay ii socoto lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah?
Waa aad shaqeyn kartaa saacado yar inta aad qaadanayso lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo, laakiin cadadka lacagta aad shaqeeyso ayaa laga jari lacagta dadka shaqo la’aanta la siiyo. Tan hoose waa sida ay arrintaasi u shaqeyso:
-
Haddii aad shaqeyso in yar 32 saacadood asbuucii aadna kasbato cadad ka yar kan ay ku siiso hay’ada lacagta siisa shaqaalaha shaqo la’aanta ah, waxa aad heli kartaa qayb lacag ah.
-
Haddii aad shaqeeyso 32 ama ka badan asbuuc ama haddii dakhliga guud ee ku soo galaa asbuucii uu la mid yahay ama uu ka badan yahay cadadkaaga lacagta ah ee hay’ada shaqaalaha shaqo la’aanta lacagta siisaa ay ku siiso asbuucii, ma aad heli doontid lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo asbuucaa.
Runtii aad ayey muhiim u tahay adigu inaad u soo sheegto dhamaan wixii lacag ah oo aad kastabto oo dhan iyo dakhliyada Xafiiska Shaqaalaha shaqo la’aanta ah. Soo sheeg asbuuc walba kolka aad dalbato lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo ee asbuuclaha ah. Soo sheeg dhamaan wixii aad ka kasbato dhamaan shaqooyinka oo dhan, xataa hadii yihiin shaqooyin ku meelgaar ah ama kuwo shaqo saacado yar ah. Xataa kirada lagaaga dhimo sarta aad ku jirto ka shaqeynteeda waa la xisaabin. Soo sheeg wixii aad kasbato oo dhan xataa hadii aad is leedahay Xafiiska Shaqaalaha shaqo la’aanta ah jaa waa uu og yahay shaqada.
Hadii aadan soo sheegin dhamaan wixii aad kasbato oo dhan ama dakhli kale, lacag khalad oo dheeraad ah ayaad heli. Waana inaad dib u siiso lacagtaa khaladka lagugu siiyey Xafiiska Shaqaalaha shaqo la’aanta ah iyadoo ay weheliso dulsaar. Waxaa kaloo dhici kara inaad bixiso ganaax khaa’inimo awgeed ah.
Kiis walbaa waa ka duwan yahay kuwa kale. Wac markiiba xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid) si aad ugala hadasho kiiskaaga.
Waxa aad ka heli kartaa halkan xafiiska gargaarka sharciyada: www.lawhelpmn.org/so/providers-and-clinics.
Lacag intee ah ayaan heli?
Lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah siiyo waa qiyaastii boqolkiiba 50 lacagtii aad ku shaqeyn jirtay. Laakiin waxaa dhici karta inay intaa ka yaraato marka ay jiraan xaalado gaar ahi.
Xareysiga Lacagta Shaqaalaha Shaqo La’aanta ah
Markiiba xareyso sheegashaada lacagta. Mar walba oo aad sii sugtaa waa mar walba oo ay qaadan muddo inaad hesho lacagtaada. Wax lacag ah laguma siinayo gabi ahaanba waqtiga ku dhaxeeya maalinta shaqada kuuga dambaysa iyo asbuuca aad xareysato. Sidoo kale, waxaa jira 1 asbuuc oo sugid ah marka ugu horeeysa ka hor inta aan wax lacagta ah lagu siin.
Sida ugu dhaqsaha badan ee lagu xareysto lacagta waa khadka (online) ee http://www.uimn.org/. Waxaad sidoo kale ku xareysan kartaa telefanka. Beledyada, ka wac (651) 296-3644. Dibada baladyada ka wac, 1-(877) 898-9090. TTY: 1-(866) 814-1252.
Soo wada aruuri dhamaan akhbaarta shaqooyinkaaga:
- Lambarka sooshal sakuuratigaaga (social security)
- Magaca iyo ciwaanka qolada shaqada
- Mudadda aad halkaa ka shaqeynaysay
- Sababta shaqadu ay u dhamaatay
- Magacayada qolayaha shaqada ee aad u soo shaqeysay 18 bilood ee la soo dhaafay iyo mudooyinka aad ka shaqaysay shaqo walba
- Wixii warqada ah ee aad ka haysto qoladaada shaqada ee sharxaya sababta shaqadu u dhamaatay.
Muddo intee le’eg ayaan heli karaa lacagta shaqo la’aanta?
Badanaa waxa aad heli kartaa in u dhiganta 26 asbuuc oo ah lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta noqda la siiyo, laakiin waa inaad ku isticmaasho hal sanno gudaheed laga bilaabo maalinta aad codsato.
Asbuuc walba waxaa aad u baahan tahay inaad gasho xisaabtaada ama aad wacdo aadna codsato manfacaaga.
Waa aad qaadan kartaa racfaan hadii lacagta laguu diido, lagaa yareeyo ama lagaaba jaro. Waxaa aad heli warqad hadii manfacaada wax iska bedelaan. Waxaa aad ku diri kartaa racfaankaaga kumbuyuutar, boostada ama faaxsi. Akhbaarta arrintan sida loo sameynaya ahi waxa ay ku qoran tahay warqada aad heli doonto.
Waxa aad haysataa 20-cisho oo aad racfaanka ku qaadan karto. Ha sugin ilaa iyo maalinta ugu dabmeeysa si aad u xareysato racfaan. Hadii aad gafto mudadda la iska rabo in lagu soo xareysto racfaanka sabab kasta ha noqoto gafiduye, racfaankaaga waa la iska indho-tiri. Hubi in aad nuqul kala harto warqada racfaanka. Hay’adu waxa ay qaban balan ay telefoonka dacwadaada ku dhagaysanayso, waxa ayna kuu soo diri warqad arintaa ku saabsan. Hubso inaad siiso telefan sax ah qolada dacwada dhagaysigeeda qaadaysa. Hubi inaad telefanka ka jawaabto waqtiga dhagaysiga dacwada! Hadii aadan ka jawaabin telefanka, waxa aad waayi fursad racfaanka.
Siddee ayaan Racfaan u Qaadan Karaa?
Waxa aad qaadan kaartaa racfaan haddii lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta la siiyo laguu diido, lagaa yareeyo ama lagaa jaro. Waxa aad heli warqad hadii manfacaagu isbedelo. Waxa aad racfaan ku xareysan kartaa khadka (online) ka, boostada, faaxsi. Akhbaarta ku saabsan sida loo sameynayo arrintani waxa ay ku qoran tahay warqadda.
Waxa aad haysataa 20-cisho oo aad racfaanka ku qaadan karto. Ha sugin ilaa iyo maalinta ugu dabmeeysa si aad u xareysato racfaan. Hadii aad gafto mudadda la iska rabo in lagu soo xareysto racfaanka sabab kasta ha noqoto gafiduye, racfaankaaga waa la iska indho-tiri. Hubi in aad nuqul kala harto warqada racfaanka. Hay’adu waxa ay qaban balan ay telefoonka dacwadaada ku dhagaysanayso, waxa ayna kuu soo diri warqad arintaa ku saabsan. Hubso inaad siiso telefan sax ah qolada dacwada dhagaysigeeda qaadaysa. Hubi inaad telefanka ka jawaabto waqtiga dhagaysiga dacwada! Hadii aadan ka jawaabin telefanka, waxa aad waayi fursad racfaanka.
Hadii Dacwadayda la Dhagaysto
- Soo wada aruurso cadeymahaaga oo dhan – Akhri warqada aad ka hesho xafiiska Shaqaalaha Shaqo la’aanta ah lacagta siiyo ee ku saabsan sababta ay qolada shaqadu u qabto inaadan helin lacagta shaqo la’aanta, ama sababta manfacaaga loo yareeynayo ama loo jarayo. Faaxsi ahaan ugu soo dir xaakimka wixii ah qoraal, oraah dhaqtar ama cadeymo kale ee qoran ah. Sii qoro waxyaabaha aad doonayso inaad sheegto xilliga dacwada la dhagaysanayo, si kolkaa aadan waxba u hilmaamin.
- Ka Caawinka Sharciga – Khasab kuguma ah inaad qareen haysato, laakiin waa ay ku caawin kartaa taasi. Ugu yaraan kala tasho qareen sida ay tahay inaad adigu u qaabisho dacwo dhagaysiga. Wac xafiiska gargaarkaaga dhanka sharciyada (legal aid) si aad caawimaad ama u gudbin qolo kale aad uga hesho.
Hadii racfaankaaga aadan ku guulaysan, waxaa dhici karta in lacag siyaado ahi ku raacday. Taa macnaheedu waa inaad dib u bixiso wixii lacag ah ee aad heshay.
Wixii akhbaar kale ee ku saabsan racfaanada, ka eeg shabakada (online) http://www.uimn.org/ ama wac (651) 296-3795.
Akhbaar quseeysa Muhaajiriinta
Ma aad HELI KARTID lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta la siiyo haddii aadan haysan ogolaansho aad uga shaqeyn karto wadanka United States.
Haddii aad haysato ogolaansho aad ku shaqeyn karto, waxaa aad HELI kartaa lacagta shaqaalaha shaqaalaha shaqo la’aanta la siiyo. Waa aad cadeyn kartaa inaad haysato warqad shaqo oo aad ku shaqeyn karto haddii aad:
-
tahay qof ku leh sharci degnaansho wadanka
-
aad haysato warqada ruqsadda shaqada, ama
-
haysato warqadda ogolaanshaha shaqadda.
Marka ay xisaabinayso lacagta la siiyo shaqaalaha shaqo la’aanta ah, dowladdu kaliya waxa ay xisaabisaa wixii shaqo ah ee aad qabatay intii aad haysatay warqada shaqada.
Manfacyada shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo ma xisaabiyaan wixii cayr ah ee la qaato (public charge rule).