Shaqadaydii Hore Lacag ayaan ku Leeyahay Sheegashada Lacag Shaqo
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa sidda lagu helo lacagta aad ku leedahay shaqo hore iyo sidda loo dacaweeyo haddii aysan ku siin shaqaddu lacagta aad ku leedahay.
Waa maxay sheegadka lacag shaqo?
Hadii aad ka tagtay ama ay kaa dhamaatay shaqo aana lagu wada siin dhamaan lacagtaadii shaqada oo dhan, waxa aad u ‘sheegan kartaa” lacagtaa shaqada qoladii aad u shaqeyn jirtay. Waa aad heli kartaa dhamaan lacagta aad kasbatay ka hor intii aadan joojin shaqada, xataa hadii aad xumaan ku kala tagteen qolada shaqada. Waxa dhici karta inaad u hesho lacag kale oo dheeri ah ciwaab ahaan, hadii aysan u hogaansamin sharciga ku saabsan bixinta lacagtaada shaqada ka dib kolkii joojisay shaqada.
Sharciga Minnesota waxa uu leeyahay talaabooyin la raaco si loo sheegto qaanta lacagta shaqada. Hadii aad ahayd qandaraasle madax banaan, ama aad lahayd qandaraas shaqo oo qoraal ah, waxaa dhici karta in kolkaa xeerarku kuwaasi ay ka duwan yihiin kuwa shaqada caadiga ah. Akhri nidaamka qoran ee shaqaalaha ama qandaraaskaaga. Dhamaan nidaamyada qoran ama qandaraasyadu sharci ma wada aha, kolka wac qareen hadii aad qabto su’aalo. Warqadan xogta aruursan ku jirto waxaa iska leh shaqaalaha caadiga ah ee ma ay quseeyso qandaraaslayaasha madaxa banaan.
Eeg warqadayada xogta aruursan ee Martabadaha Shaqada iyo Xaquuqdaada hadii aadan hubin.
Muddo intee le’eg ayey khasab ku tahay shaqadu inay lacagta igu siiyaan?
- Hadii shaqada lagaa eryey ama ay kaa dhamaatay, sharciga Minnesota waxa uu leeyahay waa in lacagtaada lagugu siiyaa 24-saacadood ka dib kolka aad codsato. Waa inaad codsataa in lacagtaada lagugu siiyo 24-saac gudahood. Hadii kale waxaa lacagta lagu siin kolka xigta ee qorshahu yahay in lacagta la qaato.
- Hadii aad adigu shaqada ikhtiyaarkaa uga tagtay ama aad is casishay, waa khasab in lacagtaada lagu siiyaa marka xigta ee lacagta la qaadanayo aan ka ahayn hadii mudadda ka dhiman waqtigaasi ay yar tahay 3-cisho. Kolkaa waxa aad sugi marka markaa xiga ee lacagta la qaadanayo. Waa khasab in lacagtaada lagugu siiyo 20-cisho gudahood laga bilaablo maalintii shaqada kuugu dambaysay.
Lacagta waa khasab in lagugu siiyo goobta aad badanaa ku qaadan jirtay jeegaaga, hadii aadan adigu codsan in jeegaaga ugu dambeeya shaqada boostada laguu soo dhigo.
Waxaa jira reebitaano arrintan quseeya:
- Hadii aad tahay shaqaale doolaal ah, waa khasab in lacagtaada lagugu siiyo 5-cisho gudahood hadii aad adigu shaqada ka tagtay. Hadii shaqada lagaa eryey ama ay kaa dhamaatay, xeerarku waxa ay la mid yihiin kuwa kor ku xusan – waa inay lacagtaada kugu siiyaan 24-saac gudahood kolka aad codsato lacagtaada.
- Hadii aad ka tirsan tahay urur shaqaale ama heshiis gorgortan muruq-maal waxaa dhici karta inay jiri karaan xeerar kale oo ka duwan kuwa kore.
- Hadii qolada aad u shaqeeysaa ay xareysato cayroobid ka hor inta aan lacagtaada lagu siin, ka xareyso dacwadaada sheegadka lacagta shaqada maxkamada cayrtowga. Waxaa ka jira 4 maxkamadood oo cayrtowga qaabilsan Minnesota, waxa aadna ku qori kartaa magacaaga liiska dadka u baahan in lacagtooda la siiyo.
Maxkamada cayroobidu badanaa waxa ay ka hor marisaa qaan sheegadka lacagta shaqada qaamaha kale intooda badan. Taa macnaheedu waa waxaa dhici karta inaad lacagtaada hesho xataa hadii ay u eg tahay in qolada shaqadu aysan haysan wax lacag ah oo ay bixiso. Hubi inaad sheegato qaanta lacagtaada shaqada.
- Hadii lacag ama hanti kale aad u hayn jirtay qolada shaqada, kolkaa qolada shaqada waxa ay ku qaadan kartaa ilaa iyo 10-cisho ka dib maalintii shaqada kuugu dambaysay si ay u hubiyaan xisaabaadkaaga ka hor inta aan lacagtaada aan lagu siin.
Inta Badan, qolada shaqadu lacag ugama jari karto jeegaaga shaqada lacagta wixii alaab shaqadu leedahay ah oo la xado ama wax noqda. Waa ay sameyn karaan taa hadii aad qoraal ahaan ku ogolaato ka dib kolka xatooyada ama wax noqodku uu dhacay.
Siddee ayaan u sheegtaa qaanta lacagta shaqada ee iga maqan?
U codsato wixii lacag shaqo ah ee aan la bixin sida si ugu dhaqsaha badan ka dib kolka aad ka tagto shaqadaada. Tani waxaa la yiraa dalbashada lacagtaada shaqada. Dalbashadaadu waa khasab inay qoraal noqoto laakiin ma aha inay sheegto cadadka.
Waxaa jira warqad tusmo ah oo ku saabsan dalbashada lacagta shaqada oo ku lifaaqan warqadan xogta aruursan. Ku qor warqadaa war aad adigu leedahay, saxiix, taariikhdana ku qor warqadaada. Nuqul adigu naftaada ugala har. Waydiiso qolada shaqadu inay degdeg kuu siiso dhamaan lacagtaada shaqada ee aan la bixin iyo dulsaarba.
Wixii akhbaar ah ee kale ama caawimaad ku saabsan sida loo xareysto dacwada sheegashada lacagta shaqada
Kala xirii Waaxda Shaqada iyo Meheradaha ee MN [MN Department of Labor and Industry (DLI)] ee dli.laborstandards@state.mn.us ama ka wac iyaga khadka ah 651-284-5075a ma 800-342-5354.
Ka waran hadii aysan lacagta waqtigii la rabay ugu siin?
Waxaa loo tixgeliyaa in lacagtaadii lagu siiyey waqtiga ay gacanta kuu geliyaan jeega ama waqtiga shaabada boostada ku dhagan, hadii ay boostada kuu soo dhigi jeega ugu dambeeyey.
- Hadii lacagta shaqada aan lagu bixin 24-saac gudahood ka dib kolkii aad dalbatay, waqtigii loogu talagalay in lagu bixiyana la dhaafay (ka eeg kor – Muddo Intee le’eg ayey Khasab ku tahay inay Lacagta igu Siiyaan Aniga?), sharci gobolku leeyahay ayaa kolkaa kuu ogolaanaya inaad xaq u yeelato inaad heli karto ganaax ah hal maalin lacagteed maalin walba oo qolada shaqadu ay sii haysato lacagtaada oo aysan ku siin. Ilaa iyo 15- cisho.
Si aad u ogaato cadadka lacagta ganaaxa ah ee aad helayso, marka hore soo ogow celcelin ahaan maalintii lacagta aad kasban jirtay. Si aad taa u sameyso, u qaybi lacagta shaqada tirada inta maalmood ee ku jirta mudadda lagacta lagu qaato. Ka dib tiri inta maalmood ee ay qolada shaqadu lacagta la maqnayd (ilaa iyo 15-cisho) Ka dib isku dhufo labadaa tiro si aad u hesho lacagta ganaaxa ah ee aad ku yeelanayso qolada shaqada.
Kani waa hal tusaale ah oo ah sida ganaaxa loo xisaabin karo:
Toni waxaa laga eryey shaqadeeda Juun 10keedii. Maadaama shaqada laga eryey, qolada shaqadu waxaa laga rabay inay jeegeeda boostada ugu dhigaan 24-saac gudahood kolkii ay dalbatay lacagteeda in la siiyo. Waxa ay shaqeyn jirtay 5-cisho asbuucii waxaana lacagta shaqada la siin jiray labadii asbuuc mar. Jeegeeda shaqadu badanaa waxa uu ahaa $875.00. Waxa ay dalbatay in lacagteeda shaqada la siiyo Juun 12 keedii. Qolada shaqadu waxa ay u soo diray jeega shaqada Juun 20keedii.
- Si aad u xisaabiso ganaaxa, waxa aad u baahan tahay inaad ogaato Toni maalintii celcelis ahaan lacagta ay ku shaqeyn jirtay. Marka ugu horeeysa waxa aad u baahan tahay inaad ogaato inta maalmood ee mudadda lacagta qaadidka Toni ay ka kooban yihiin.
5 cisho oo shaqo x 2 asbuuc oo mudadda lacagat lagu qaato ah = 10 cisho
halkii muddo ee lacag qaadadba.
- Marka xigta, waxa aad xisaabin Toni lacagta ay celcelis ahaan maalintii ku shaqeyn jirtay adigoo u qaybinaya cadadka lacagta jeegeeda shaqada ah tirada inta maalmood ee ku jira mudadda lacag qaadadka:
$875.00 ÷ 10 = $87.50. Kolkaa Toni celcelis ahaan maalintii lacagteeda shaqadu
waa $87.50.
- Ka dib xisaabi inta maalmood ee ay ku qaadatay shaqadu inay lacagteeda ku siiso.
Juun 20 (maalinta lacagta la bixiyey) – Juun 13 (maalinta lacagta la dalbaday ay
ahayd in la bixiyo) = 7 -cisho
Ganaaxu markaa waa:
$87.50 (celceliska lacagta maalintii lagu shaqeeyo) x 7 (tirada inta maalmood ee
ay la soo daaheen) = $612.50
- Qolyaha shaqada intooda badani kuma bixiyaan lacagta shaqada waqtiga laga rabo inay ku bixiyaan. Hadii qoladaada shaqadu aysan saa sameyn, waxaa dhici karta inaad u baahato inaad dacaweyso. Ku dacawee lababada lacagta shaqada ee lagu leeyahay iyo ganaaxa ah inaysan lacagtaa ku bixin waqtigii laga rabay inay ku bixiyaan.
Hadii lacagta shaqada marka lagu daro ganaaxa ay gaarayso $15,000 ama ay ka yar tahay, waxa aad ka dacaweyn kartaa qolada shaqada Maxkamada Dhexhexaadinta (Conciliation Court). Uma baahnid qareen. Hadii cadadku uu ka badan yahay $15,000, waa inaad hesho qareen waayo waa inaad dacwadaada aad ka xareysato Maxkamada Degmada (District Court).
- Hadii qolada shaqadu ay kuugu baaqdo in ay wax ku siiso, aad uga fakar taa ka hor inta aadan dacaweyn. Hadii aad maxkamad aado oo kolkaa maxkamadu ay go’aansato in qolada shaqadu ay bixiso kaliya wixii ay kuugu baaqday amaba ka yar, waxaa dhici karta inay khasab kugu noqoto inaad bixiso kharashka dacwada uga baxay qolada shaqada. Laakiin, hadii ay maxkamadu go’aansato inaad hesho xoolo ka badan wixii qolada shaqadu kuugu baaqday, qolada shaqadu kolkaa waa in ay iyadu bixiso wixii kharash ah ee dhanka dacwada kaaga baxay adiga.
Degdeg sidee ah ayey tahay inaan u dacaweeyo?
Waa inaad ku dacawayso 2 sanno gudahood laga bilaabo maalinta aad lacagtaada heli waydo. Tani waxa ay noqon kartaa maalinta shaqada kuugu dambaysa, ama waxa ay noqon kartaa ka hor, hadii aan lagu siin lacagtaada muddo ka hor inta aadan joojin shaqada. Mudadda aad haysato inaad ku dacawaysaa waa 2 sanno laga bilaabo maalinta jeeg walba adiga lagu siiyo. U bilow dacwadaada sida si ugu dhaqsanaha badan si aad isaga ilaaliso inay dhumaan daliilaha iyo makhraatiyaasha aad haysataa.
Wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan sharciyada Minnesota ee sheegashada lacagta shaqada, xatooyada lacagta shaqada, lacagta saacadaha siyaadaha ah iyo ilmo ku shaqeynta ka wac Waaxda Shaqada iyo Meheradaha ee Minnesota (Minnesota Department of Labor and Industry) ee ee khadkeedu yahay (651) 284-5070 ama 1-(800) 342-5354 ama gal khadka (online) www.dli.mn.gov.
Kuwani waa tusaaleyaal ah warqadaha la qoro kolka la codsanayo lacagta shaqada
Here is an example of a wage demand letter. It is important that you keep a copy of the signed letter. You should also make note of the date you send the letter. It is a good idea to send it by certified mail or ask at the post office about confirmation of delivery. That way you have proof it was sent, where it was sent and on what day.
Kani waa tusaale ah warqada dalbashada lacagta shaqada. Waa muhiim inaad nuqul kala harto warqada saxiixan. Sidoo kale waa inaad meel ku qorotaa maalinta aad warqada dirtay. Waa ra’yi fiican inaad ku dirto warqada waxa la yiraa boostada sugan ama aad waydiisato xafiiska boostada xaqiijin geynta warqada ah. Si kolkaa aad u haysato cadeyn ah in la diray, meesha loo diray iyo maalinta.
Date (Taariikhda): __________________
_________________________________________________________________
_________________________________________________________________
_________________________________________________________________
(Write your employer's name and address in this space)
(Ku qor magaca qolada shaqada iyo ciwaankooda goobtan)
Re: Wage Demand, Request for Employment File and Reason for
Termination
Tixraac: Dalbashada Lacagta Shaqada, Codsiga Galka Shaqada iyo
Sababta Shaqo Ka Eryida.
Dear (Employer’s name) (Magaca Qolada Shaqada ee Qaaliga ahay):
Please send me a copy of my complete employment file as well as the reason for my termination. Additionally, I am requesting all outstanding wages due and owing pursuant to Minnesota law to be sent to me within 24 hours from this demand. If I do not receive my wages, I will pursue all statutory penalties available for nonpayment of wages.
Fadlan iiga soo dir nuqul galkayga shaqada oo buuxa iyo sidoo kale sababta shaqo ka eryidayda. Intaa waxaa dheer, waxa aan codsanayaa dhamaan wixii lacag shaqo ee aan wali la I siin ee iga maqan ee aan leeyahay sida uu dhigayo sharciga Minnesota in la iigu soo diro 24-saac gudahood laga bilaabo waqtiga dalbashadan. Hadii aanan helin lacagta aan shaqeystay, waxaa aan raadsan dhamaan wixii ganaax ah ee sharcigu ii ogol yahay ee quseeya bixin la’aanta lacagta shaqada ee qofka shaqaalaha ah.
Please send the requested information and wages to me at the following address:
Fadlan iigu soo dir akhbaarta aan codsaday iyo lacagta shaqada aniga ciwaanka soo socda:
_________________________________________________________________
_________________________________________________________________
_________________________________________________________________
(clearly print your name and address)
Si cad ugu qor magacaaga iyo ciwaankaaga
Sincerely (Mahadsanid),
_____________________________________________
(Your signature) (Saxiixaaga)