Diiwaanadda taariikhda dambiyaddu dhawaan waxaa soo gaari doona ogaysiis ah in dambiyadda la xiriira kaanabasku ay xaq u leeyihiin tirtirid sidda uu dhigayo xeerka cusub ee Sharciga Isticmaalka Dadka Waaweyn ee Kaanabiska (Adult-Use Cannabis). Cayimaadaha ku saabsan sidda ay u shaqeyaan arrimahani iyo qaabka saxda oo u sharcigu dhigayo wali fahamkeeda waa laga shaqeynayaa.
Maxkamadda iyo hay’adda BCA ayaa ka shaqeeya tirtirida kiisaska xaqqa u leh. Qiyaastii 66,000 oo dambiyo hoose oo kaanabiska la xiriira oo ku jira hay’ada (BCA) da Habkeeda Taariikhda Dambiyadda [Criminal History System (CHS)] ayaa xaq u leh inay iskood u tirtirmaan. Waxaa jira iyana 230,000 diiwaano ah oo ah dambiyadda darajadda dhexe iyo kuwa kaab’irka ah oo uu iminka eegaayo Golaha Tirtirida Dambiyada Kanabiska . Dambiyaddu waa ay ku sii jiri doonaan diiwaanka eedaysanaha ilaa iyo inta hay’adda (BCA) ay ka dhamaynayso cusboonaysiinteeda farsamo ee habka (CHS) ka.
Sidda uu dhigayo sharcigu, hay’adda (BCA) du waa inay ogaysiiso hay’adaha sharci ilaalinta iyo xafiisyadda xeer-ilaaliyeyaasha arrintan. LAAKIIN khasab kuma aha inay ogaysiiso eedaysanaha tirtiridda. Taa macnaheedu waa haddii dambi yar oo mariwaanadda ku saabsan lagugu helay, laguma soo ogaysiinayo kolka lagaa tirtiro.
Maxkamaddu waxa ay qorshaynaysaa inay soo geliso akhbaar ku saabsan habraacan shabakadda Minnesota Judicial Branch (Laanta Cadaaladda ee Minnesota). Waxa aad ka eegi kartaa horukaca BCA da ee ku saabsan soo cusboonaanta farsamo boggooda Tirtiridaha Expungements page.