Shaqadaada: Soo Baarida, Baaritaanada Caafimaadka iyo kuwa Maandooriyeyaasha iyo waxyaabo kale
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa waxa ay tahay akhbaarta shaqaddu ay ku waydiisan karto kolka aad codsanayso shaqadda iyo waxa ay ku waydiisan karaan ka dib kolka shaqada lagu qoro.
Maxay qolada shaqaddu i waydiisan kartaa?
Shaqadaadu waxa ay ku waydiisan kartaa waxyaabo badan oo akhbaar ah oo adiga kugu saabsan. Waxa ay ku waydiin karaa tixraacyo, diiwaanada kiridhidyada iyo kuwa dambiyada. Waxa ay ku waydiin karaan su’aalo si ay u eegaan inaad shaqada qaban karid iyo kale xataa waxa ay ku waydiisan karaan inaad imtixaano marto. LAAKIIN shaqadu kuma waydiin karaan su’aalo cid takoori kara. Aan ka ahayn inay jirto sabab sharci ah oo loo sameynayo taa, waxaa jira waxyaabo aysan qolada shaqadu kugu waydiin karin wareysiga ama codsiga shaqada.
Kuma waydiin karaan:
- da’daada
- xaalada guurkaaga (kali, guur, furiin)
- sinjiyadaada
- cidda aad la galmoodo
- lab ama dhadig midka aad tahay
- sinjigaada
- midabkaada
- caqiidadaada
- diintaada
- wadanka aad ka soo jeedo
- qaadashada gargaarada dowlada
- naafanimadaada
- uur
- xaaladaada qoys (in aad caruur ama uur leedahay)
Eeg warqadayada xogta aruursan ee Takoorida iyo Khashkhashaadaha Goobta Shaqada
SOO BAARIDA
Tixraacyada
Shaqooyinka waxa ay u baahan karaan wax la yiraa tixraacyo – dad aad horey ugu shaqaysay ama ku yaqaan.
Diiwaanada Kiridhidyada
Shaqooyinku waxa ay ka soo heli karaan diiwaanadaada kiridhidyada hay’adaha kiridhiyada loo gudbiyo. Marka hore waa inay adiga kuu sheegaan inay taa sameynayaan AYNA ogolaanshahaaga oo qoran ay kaa helaan. Waa inay kuu sheegaan hadii wax waxbixinta kiridhidka ku qoran loo isticmaalay inay adiga
wax ku yeelaan kolka la qaadanayey go’aanka shaqo qorida. Waa inay ku siiyaan nuqul warbixinta ah iyo guudmar xaquuqdaada ah.
Waxa aad xaq u leedahay inaad saxdo ama aad ka mudacdo akhbaarta warbixinta. Eeg warbixintayada xogta aruursan ee Warbixinta Sumcadda Deyn Bixinta.
Diiwaanada Dambiyada
Qolada shaqooyinku waxa ay soo baari karaan diiwaanada dambiyada. Uma baahna ogolaanshahaaga si ay u helaan diiwaanada degmada iyagu, laakiin waxa ay u baahan yihiin ogolaanshahaaga hadii ay isticmaalaan shirkad dadka u soo baarta. Sidoo kale iyana waa inaad ogolaansho siiso hadii ay rabaan inay eegaan diiwaanada FBI daama kuwa hay’ada BCA ee gobolka. Hadii aad ku tiraa maya, ma soo baari kartaan waxa ay kuu diidi karaan shaqada.
Sharcigu waxa u yiraa shirkadaha shaqada ee gaarka loo leeyahay, kuma waydiisan karaan adiga diiwaankaaga dambiyada ama kuma ay marin baaritaan taariikhdaada dambiyada ah ilaa iyo inta lagu waydiisanayo in lagu mariyo waraysi shaqada ah ama shaqo shuruudo lagu xiran siinteeda laguugu baaqo. Codsiyada hore ee shaqada ma lahaan karaan santuukh la calaamadiyo oo ku waydiiya inaad waligaa horey dambi u gashay iyo in kale.
Qolyaha shaqadu waa in ay u soo sameeyaan baaritaano dambiyada ah qaar ka mid ah shaqooyinka sida shaqaalaha daryeelada caafimaadka, shaqaalaha dugsiyada dowlada iyo maamuleyaasha guryaha saraha ah. Waa inay isticmaalaan uun dambi ku helida haddii ay jirto sababo hawleed. Qolada shaqadu kuguma khasbi karto inaad bixiso kharashka soo baarida dambiyada.
Runta ka sheeg taariikhdaada dambiyada. Aad bay u xun tahay inaad been ka sheegto dambiyada horey laguugu helay. Waxaa roon inaad marka horeba runta laga sheego lana sharxo wixii aad sameysay wixii kolkaa dambiga lagugu helay ka dambeeyey ee aan noloshaada ku hagaajisay. Hadii aadan runta ka sheegin taariikhdaada dambiyada shaqadana lagaa eryo, waxaa dhici karta inaadan helin lacagta shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo.
Shaqada Dowlada: Tan macnaheedu waa u shaqeynta dowladaha magaalada, gobolka, iyo degmada iyo hay’adaha. Sharciga Minnesota waxa uu leeyahay dambi ku helid kaama hor istaagi karo helida shaqooyinka dowlada ama helida shatiga gobolka aan ka ahayn in dambigu uu toos ula xiriiro shaqada. Xataa kolkaa, ma aha in shaqada laguu diido hadii aad cadeyn karto inaad shaqada qaban karto aadna is dhaqancelisay.” Dhaqan-celinta macnaheedu waa inaad isbedeshay aysana u badnayn inaad dambi gaysato mar kale.
Shaqooyinka dowladdu ma adeegsan karaan akhbaar ku saabsan xirida, dambiyo ku helida la buriyey ama la tirtiray iyo dambiyada yaryar kolka aad codsato shaqo dowladeed ama shati sida shatiga timo-jarraha.
BAARIDA
Ka hor inta aan shaqada lagu qaadan
Shaqooyinku waxa ay adeegsan karaan jiribaado ah dhanka dabeecada ama madaxa si ay u baaraan codsadayaasha shaqada, laakiin kaliya uun ka dib baaq shaqo. Waxay kaloo adeegsan karaan aalada la yiraa been ogaadaha ama dheecaan baarid.
- Baaritaanada Maandooriyeyaasha iyo Khamriga
Hadii qolo shaqo ay kaa rabto inaad marto baaritaan maandooriye ama khamri waa inaad ka heshaa ogaysiis qoraal ah. Kaliya waxa aad mari kartaa baarida ka dib kolka ay kuugu baaqaan shaqada. Cid walba oo loo sheego inay shaqada helayaan hadii ay ku baasaan baaridu waa khasab in la mariyo baaritaan isku mid ah.
Qolada shaqadu waa ay kaala noqon kartaa shaqada ay kuugu baaqday hadii aad diido inaad marto baaritaanka ama hadii aad ku dhacdo. Hadii ay kaala noqdaan shaqada ay kuugu baaqeen, waa inay kuu sheegaan sababta ayna ku siiyaan ogaysiis qoraal ah oo ku saabsan xaquuqdaada si uu kuugu sharxo ama aad ugu mudaco natiijooyinka. Hadii baaritaanku uu kaa helo maandooriyeyaal ama khamri, waxa aad codsan kartaa in mar kale dib laguu baaro, laakiin qolada shaqadu waxa ay oran kartaa waa inaad adiga kharashka baaritaanka aad la baxdo. Hadii aad doonayso in mar kale dib laguu baaro, waa inaad qolada shaqada ugu sheegtaa 5-cisho gudahood laga bilaabo maalinta qolada shaqadu kuu sheegto inaad ku dhacday baaritaankii koowaad.
- Baaritaanada Caafimaad
Qolada shaqadu kaliya waxa ay kugu oran kartaa inaad marto baarid caafimaad ka dib kolka ay ku siiyaan shaqo ugu baaqid. Dhamaan codsadayaasha kale ee shaqada la midka ah taada waa khasab in la waydiisto inay maraan isla imtixaanka aad adigu marayso. Qolada shaqadu waa in ay bixiso kharashka baaritaanka caafimaad. Hadii uu imtixaanku muujiyo inaadan qaban karin waajibaadka waaweyn ee shaqada, waa ay kaala noqon karaan shaqada ay kuugu baaqeen. Waa inay kuugu sheegaan sababta go’aankooda 10-cisho gudahood kolka ay gaaraan go’aankooda kama dambaysta ah.
- Naafanimada iyo Cudurada Jirka
Qolada shaqadu waa ay kaala noqon kartaa shaqo ay kuugu baaqeen hadii aadan awoodi doonin inaad gudato qaybaha waaweyn ee shaqada iyadoo sababtu tahay cudurka jirka ah ama mid miyirka ah. Hadii aad naafo tahay laakiin aad qaban karto shaqada hadii laguu fidiyo ‘maciino macquul ah” qolada shaqadu kolkaa waa inay kuu fidiso maciinadaa. (Ka eeg hoose.) Laakiin qolo shaqo waa ay la noqon kartaa shaqo ay kuugu baaqday hadii naafanimadaadu ay khatar weyn gelinayso caafimaadka iyo amaanka goobta shaqada.
- Maciinada Macquulka ah
Hadii aad naafanimo aad leedahay, qolada shaqadu waa khasab inay kuu fidiyaan “maciino macquul’ ah hadii loogu baahdo inay kaa caawiyaan inaad shaqada qabato. Maciinadu ma noqon karaan kuwa ku noqda “qaxar aan laga bixi karin” qolada shaqada. Taa macnaheedu waa qolada shaqadu waa inay ku sameyso isbedelo goobta shaqada ama xeerarka shaqada.
Tusaale ahaan, hadii aad u baahan tahay waqti aad ku isticmaasho musqusha ama aad u baahato inaad wax uga bedesho jadwalkaaga shaqada balamaha dhaqtarka. Hadii aad gudan karto shaqada waajibaadkeeda muhiimka ah, shaqo laguugu baaqay lagaalama noqon karo naafanimada awgeed.
Ka Dib Kolka aad Shaqada hesho
- Baaritaanada Maandooriyeyaasha iyo Khamriga
Qolada shaqadu waa ay kugu khasbi kartaa inaad marto baaritaano lagaaga baarayo maandooriyeyaal sharci-darro ah ama khamri. Waa khasab inay lahaadaan xeer qoran oo ku saabsan baarida maandooriyeyaasha iyo khamriga. Ina badan, qolada shaqadu waxay u baahnaan kartaa baarida maandooriyaha iyadoo qaybka ah baaritaanada jirka, laakiin aan ka badnayn sannadkii hal mar. Shaqooyinka intooda badan, qolada shaqadu waa inay ku siiso ogaysiis qoran oo 2 asbuuc ah oo kuu sheegaya in lagu baari doono.
Xeerarka shaqooyinka amaankooda sida gaarka looga taxadarro sida, wadida baasaska ama tagaasida ama ku shaqeynta qalabka mashiinada cul-culus ahi waa ka duwan yihiin kuwa kale waxa ayna noqon karaan kuwa ka adag kuwa kale. Baaritaanada khamriga iyo maandooriyeyaasha waxaa lagu sameyn karaa iyadoon la bixin digniin hore (bakhtiyaa-nasiib) shaqaalaha shaqooyinka amaankooda sida gaarka ah looga taxadarro.
Hadii aad isticmaasho laysinada darawalada gawaarida ganacsiga ee waaweyn si aad shaqadaada u qabato waxaa dhici karta in sharci dowlada dhexe leedahay uu ku quseyn karo adiga. Sharciyada dowlada dhexe waxa ay leeyihiin nidaamyo u gaar ah oo ku saabsan baarida maandooriyeyaasha iyo khamriga.
Wax kasta ha noqoto shaqada aad qabataaye, qolada shaqadu waxa ay kugu khasbi kartaa inaad marto baarid moondooriye ama khamri iyadoon lagu siin ogaysiis hore, hadii:
- Hadii qolada shaqadu ay ka shakido in jirkaaga ay ku jiraan khamri ama maandooriye inta aad shaqada joogto.
- Aad jabiso xeerka qoran ee shaqada ee mamnuucaya gadida, haysashada ama isticmaalka maandooriyeyaasha iyo khamriga xilliga shaqada aad ku jirto.
- Wax kugu gaaraan ama aad qof kale oo shaqaale ah aad wax ku gaarsiiso shaqada.
- Aad kalifto shil shaqada la xiriira oo dhaca ama aad ku shaqeyso qalab mashiin ah oo ku lug leh dhacdo shil ah oo shaqada ka dhacday.
Waxa aad leedahay xaq ah inaad ka hesho nuqul natiijada baarida. Waxaad kaloo leedahay xaq ah saamiga la baaray in dib loo baaro mar kale.
Hadii saamiga dib loo baaray marka labaad laga helo maandooriyeyaal ama khamri, waa ay ku ganaaxi karaan qolada shaqadu. Shaqada caadiyan kaaga eryi karaan marka ugu horeeysa ee lagaa helo maandooriyeyaal ama khamri inta aad u shaqeynayso wali iyaga aan ka ahayn inay kuugu baaqaan fursad ah in laguu diro dabiibid oo aad diido inaad aado ama aadan u soo wada dhamaysan dabiibida si najax ah. Waxaa dhici karta inaad adigu bixiso kharashka qiimeynta iyo wixii dabiib ah ee lagu taliyo hadii aysan bixin qorshaha gunooyinka shaqaalahu. Laakiin qolada shaqadu waa ay kaa joojin KARTAA shaqada iyadoon lacagta shaqada ku socon inta la sugayo natiijooyinka baarida hadii qolada shaqadu ay aaminsan tahay in ay jirto sabab dhanka amaanka ah oo taa loo sameynayo.
Hadii aad ku gudubto baarida ama dib-u-baarida, shaqadaadu waa inay shaqadaadii kugu soo celiso ayna ku siiso lacagta waqtigii shaqada lagaa fariisiyey aad shaqaysan lahayd.
- Baritaanada caafimaad
Qoladaada shaqadu waxa ay ku marin karaan baaritaan caafimaad hadii ay jirto sabab shaqada la xiriirta oo loo sameynayo. Qoladaada shaqada waa in ay iyagu bixiyaan kharaskha baaritaanka.