Haddii aadan ku raacsanayn go’aanka soo baxa ka dib dacwo qaadidda ama dib u tixgelinta ka dib, waxa aad racfaan u qaadan kartaa Maxkmadda Degmada. LAAKIIN U FIIRSO-inta badan dacwadaha lagu guuldareysto dhageysiga DHS ma aha kuwo ku wanaagsan racfaan ka qaadasho. Racfaanka Maxkamada Degmada laguma helo ra’yi cusub. Kuuma ogolaaneyso in aad dhageysi cusub dib u soo bilowdo.
Maxkamadda Degmadu waxa ay eegtaa oo kaliya khaladaad waaweyn dhacay oo wax ka bedeli kara go’aankii hore. Hadii racfaanka DHS uu u dhaco si cadaalad ah iyo sida sharcigu dhigayo, Maxkamaddu Degmadu ma bedesho go’aanka.
Racfaaan ka qaado oo kaliya haddii:
- Ay jirto sabab sharci ah. Sida inaad soo bandhigi karto in go’aanka DHS ama DCYF yahay mid aan sharciga la raacin. Ama xaakimku waxa uu sameeyey khalad habraaca ah oo ka dhigay in kiisku noqodo mid adiga kaa dhan noqda.
AMA - Aad heyso cadeyn cusub. LAAKIIN waa in ay jirtaa sabab muujineysa in cadeynta aadan heysan amarkii hore.
Sababtaas darteed, isku day in aad la tashato qareen ka hor inta aadan racfaan ka diiwaan gelin Maxkamadda Degmada. In aad la tashato waxa ay ku caawineysaa marka aad dacwad xoog leh heysato oo racfaan loo qaadan karo. Waxa kale oo qareenku kaa caawinayaa inuu kaala taliyo in aad racfaan qaadato iyo in kale.
Xafiiska dhanka sharciyada (legal aid) ee deegaankaagu waxaa dhici karta inuu awoodo inuu ku siiyo talo ama gudbin. Si aad u hesho kan deegaankaaga, wac 1-(877) 696-6529. Ama ka raadi caawimaad barnaamijyada kale ee ku jira barta www.lawhelpmn.org/so/providers-and-clinics.