SSI waa barnaamij dowladda dhexe ay leedahay oo ay fidiso hay’adda Maamulka Sooshal Sakuuratigu (Social Security Administration) oo siiya manfacyo bil walba ah dadka danyarta ah. OGOW: barnaamijka SSI waa uu ka duwan yahay barnaamijka Sooshal Sakuuratiga ee Naafadda, ama SSDI. Waxa aad heli kartaa SSDI kaliya uun haddii aad muddo waqti cayiman ah aad shaqeysay aadna kasbatay cadad lacag ah oo cayiman.
Hadaba si’aad u heshid SSI, waa inay da’daadu tahay 65 sano ama aad ka wayn tahay ama aad tahay qof naafo ah oo aan shaqaysan karin. Waxaa jira shuruudo iyo sharciyo badan oo kaa hor istaagi kara lacagtan hadii aadan haysan Dhalashada wadanka. Xataa waxaa laga yabaa in adiga oo haysta deganaanshaha rasmiga ah ee Maraykanka da’daaduna ugu yaraan tahay 65 sano ama aad naafo tahay in laguu diido lacagta SSI.