U diyaarinta Daliilo hay’adda USCIS
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa dukumiintiyadda ay dhici karto inaad u baahato inaad u dirto hay’adda (USCIS) ee Muwaadinka iyo Adeegyadda Laanta Socdaalka (Immigration) ee Mareykanka (U.S.). (Citizenship and Immigration Services (USCIS). Waxaad dhici karta inaad u baahato inaad dirto dukumiintiyo haddii aad dalbanayso qaar ah noocyadda sharciga ah ee ay bixiso laanta socdaalku ama warqad shaqo. Waxaa kaloo iyana dhici karta inaad u baahato inaad u soo qaadato daliilo waraysiga uu ku waraysanayo sarkaal ka socda laanta Socdaalka (immigration) oo kugu waraysanaya xafiiska hay’adda USCIS.
U soo aruurin Daliilo Hay’adda USCIS
Waa maxay daliili?
Daliilahu waa dukumiintiyo, sawiro, iyo waxyaabo kale oo kaa caawiya inaad cadeyso waxa aad oronaysaa inay run yihiin. Waxa aad u baahan inaad u dirto daliilaha hay’adda USCIS si aad u cadeyso inaad xaq u leedahay martabadda sharciga ah ee aad codsanayso.
Waxa aad ka cosdan hay’adda USCIS:
- Sharciga ilaalinta ku meelgaarka ah(TPS)
- Magangelyo haddii haddii aadan ku jirin masaafurin
- Dhalasho Qaadasho (muwaadinimo)
- Deganaasho rasmi ah
- Ogolaansho shaqeyn. Tan waxaa la yiraa “warqadda shaqada.”
Haddii aad u diro codsi hay’adda USCIS, waxaa laga yaabaa inaad u baahato sababta:
- Ay tahay inay kuugu ogolaadaan inaad sii joogto wadanka Mareykanka (U.S.).
- Ah in aysan amaan ahayn inaad ku noqoto wadanka aad u dhalatay.
- Aad xaqqa ugu leedahay nooc martabada sharciga ee ay laanta socdaalku (immigration) ama manfaca aad codsanayso.
Waxaa kaloo laga yaabaa inaad u bahaato inaad cadeyso:
- Qofka aad tahay
- Meesha aad ku nooshahay
- Sidda aad qaraabadda ula tahay xubnaha qoyskaaga
Ma u baahnahay inaad u diro daliilo hay’adda USCIS kolka aan dirayo codsi?
Haa. Waa khasab inaad la dirto noocyo kala duwan oo daliilo ah codsi walba oo aad u dirayso hay’adda USCIS. Haddii aadan dirin daliiladda saxda ah, codsigaaga waa la diidi karaa. Taa macnaheedu waa hay’adda USCIS waxa ay dib kuugu soo celin codsigaaga iyadoon go’aan ka gaarin. Siddoo kale waa la diidi karaa. Haddii codsigaagga la diido waayo ma aadan dirin daliilaha saxda ah ee loo baahan yahay, waxa aad waayi kartaa wixii lacag ah ee aad u dirtay inay noqoto khidmada xareynta codsiga. Gal “Sidda loogu diro Daliilahaaga USCIS” oo qaybta warqadan xoga aruursan ah si aad uga hesho tilmaamo ku saabsan sidda loo diro daliilahaaga.
Daliilo noocee ah ayaan u baahnahay inaad u diro hay’adda USCIS?
Codsi walbaa waa ka duwan yahay kuwa kale. Foom walba oo codsi waxa uu yiraa waxa ay khasabka ay tahay inaad dirto. Qaar waxay u baahan yihiin dukumiintiaddii asalka ahaa, qaar waxay aqbalaan nuqulo (copies). Foomamka qaarkood waxaa lagu sameyn karaa khadka (online).
Jaantuska hoose waxa uu hayaa tusaalayaal ah daliilaha laga yaabo in haya’dda USCIS ay rabto.
Waxyaabaha USCIS ay Dhici karto inay ku waydiiso inaad Cadeyso ama Tusaalayaal ah Daliilaha loo Diro Hay’adda USCIS
Aqoonsigaaga.
Tusaalayaal ah dukumiintiyadda Aqoonsiga:
- Dal-ku-gal (Passport) leh sawirkaaga, magacaaga iyo taariikhdaadda dhalashada.
- Warqad dhalasho haddii ay leedahay sawirkaaga. AMA warqad dhalasho IYO aqoonsi (ID) sawir leh.
- Fiise (Visa) ay bixisay qunsulad ajnabi ah.
- Dukumiiti Aqoonsi (ID) oo heer Qaran ah oo leh sawir iyo/ama sawir farood.
Sawir dhawaan la qaaday.
Marmarka qaarkood hay’adda USCIS waxa ay waydiisaa in lala soo diro 2 sawir oo kuwa dal-ku-gal ah (passport) codsiga.
Sawiradda Dal-ku-galka (Passport) waa khasab inay yihiin:
- 2 hiish (inches) x 2 hiish (inches) baaxadoodu.
- Cusub. Waa khasab in la qaaday 6 dii bilood ee la soo dhaafay.
- Sawir cad oo wajigaaga iyo garbahaaga kaliya ah. Waa khasab inaad toos u eegto kaamaradda. Ma dhoola cadeyn kartid. Mana xirnaan karid ookiyaale.
- Asalka. Ha soo dirin sawir nuqul ah (copy). Ha bedelin sawirka adigoo isticmaalaya kumbuyuutar aab telefan ama miirayaal.
Waxa aad isaga qaadi kartaa sawiradda dal-ku-galka (passport) Walmart, Walgreens, ama farmashiyeyaal kale oo badan oo kuwada tafaariiqda ah gada ah.
Aad qaraabo la tahay xubin cayiman oo qoyska ah.
Taa macnaheedu waa waxa aad u baahan tahay inaad cadeyso in qof uu yahay waalidkaa, ilmahaaga, ama xilahaaga.
Tusaalayaal ah dukumiintiyadda la isticmaali karo:
- Warqadaadda dhalashadda oo magaca waalidkaa uu ku qoran yahay.
- Warqadda dhalashada ee ilmahaaga oo magacaagu ku qoran yahay inaad tahay waalidka ilmahaa.
- Warqad guur oo leh magacaaga iyo magaca xilahaaga.
- Amar furiin oo maxkamadeed oo leh magacaaga iyo magaca xilahaagii hore.
Aad ku noolayd wadanka United States dhowr sanno.
Dukumiintiyadda cadeynaya inaad ku noolayd Mareykanka (U.S.):
- Heshiisyo (lease) guri kiraysi oo leh magacaaga iyo waqtiyadda aad halkaa ku noolayd.
- Canshuur celinta dowladda dhexe iyo tan gobolka ee sannad walba ee aad bixisay canshuur.
- Cadeymo Shaqo muujinaya shirkadda aad u shaqeysay iyo waqtiyadda aad u shaqeysay.
- Warqad boosto oo kuuga soo dhacay Mareykanka (U.S.). Warqadahaa boostaddu waa khasab in ay taariikhaha iyo ciwaanku meesha loo diray ay ku qoran yihiin.
- Qoraalo tacliineed oo muujinaya inaad iskuul ka gashay wadanka Mareykanka (U.S.). Waa kkhasab inay lahaadaan magacaaga. Waa khasab sidoo kale inay lahaadaan taariikhaha aad iskuulka dhiganaysay.
- Qoraaladda Caafimaad oo miijinaya taariikhda iyo goobta aad ugu tagtay dhaqtarka.
Waxa ay u keeni kartaa qaxar aad u weyn qof ehel ah haddii lagu masaaafuriyo.
Taa macnaheedu waa haysato ilmo ama uu jiro qof ehel ah oo jiran oo aan haysan cid kale oo haynaysa.
Soo uruurinta dukumiintiyadda cadeynaya:
- Inaad tahay qof haya qof ehel ah oo qaba cudur aad daran. Kuwaasi waxa ay noqon karaan qoraalo caafimaad. Waxay sidoo kale noqon karaan warqad uu oo qoray dhaqtar ama hawl-wadeen bulsho.
- Haddii aad tahay qofka inta badan haya ama siiya gargaar dhaqaale ilmo ah muwaadin Mareykan ah (U.S.) ama haysta deganaansho rasmi ah (green card). Tani waxay noqon kartaa warqadda dhalashada ee ilmahaaga iyo cadeyn ah martabadda sharciga ah ee ay haystaan. Waxay kaloo noqon kartaa amar maxkamadeed xukun ilmo haysi ah ama mid mas’uul ka noqosho ah. Waxay noqon kartaa warqad uu soo qoro macalin, dhaqtar, ama cid kale oo xirfadle ah.
- Sababta qoyska oo dhan aan loo masaafurin karin. Tani waxa ay noqon kartaa dukumiinti cadeynaya in dawo aan laga heli karin wadanka aad u dhalatay. Waxay kaloo noqon kartaa warqad dhalasho ee ilmo ku dhashay Mareykanka (U.S.) oo aad tahay qofka inta badan haya
Lahaansho habdhaqan suuban.
Taa manacheedu waa waxa aad caawisaa qoyskaaga iyo beeshaada. Sidoo kale macnaheedu waa waxa aad u hogaansantaa sharciga.
Soo aruuri dukumiinti cadeynaya:
- Tabarucid beeshaada. Taasi waxay noqon kartaa warqad laga keeno, kaniisad, sinigaag, Masjid, ama urur samafal ah.
- Ha lahaan dambi ku helidyadda qaarkood. Taa macnaheedu waa warqad bilaysku soo qoro oo aaminid ah oo laga soo qoro magaalo walba oo aad ku noolaan jirtay. Waxay noqon kartaa magac baarid laga baarayo diiwaanka maxkamadda dambiya qofka magaciisa ee gobol walba ee aad ku noolaatay. Waxay kaloo noqon kartaa baafinta hay’ada FBI ay sameyso.
- Gargaarid Ilmahaaga ah. Tani waxay noqon kartaa warqaddo ay soo qoraan macallimiinta ilmahaagu. Waxay noqon kartaa cadeyn ah in ilmahaagu ay adiga kula nool yihiin. Waxay kaloo noqon kartaa cadeyn ah inaad bixiso wixii la iska rabo ee masaariifid ilmaha ah ama u dirid lacag ilmahaaga haddii aysan adiga kula noolayn.
- Bixinta Canshuurta. Tani waxay noqon kartaa nuqulo (copies) canshuur-celinta dowladda dhexe ama mida gobolka.
- Aad ka soo kabanayso isticmaal khamro ama mukhaadaraad. Tani waxay noqon kartaa warqad dhaqtar ama barnaamij daryeel uu soo qoro.
- Amaan dadka beeshu sameeyaan. Taasi waxay noqon kartaa warqado ay soo qoraan dadka beeshaadu oo oronaya sidda ay kuu yaqaanaan iyo sababta aad u tahay qof fiican. Asxaab, ehel, iyo daris ayaa qori kara warqadahaas.
Waa khatar in aad adigu ku noqoto wadankaaga aad u dhalatay.
Taa macnaheedu waa lagugu jir dili ama waa laguguba dili karaa haddii laguu diro wadankaaga.
Soo aruuri dukumiintiyadda cadeynaya:
- Daliilo ah xaaladaha ka jira wadankaaga. Waxay noqon karaan warbixino sharxaya xaaladaha ka jira wadankaaga. Warbixinadaasi waxa ay ka imaan karaan dowlad iyo ururo samafal ama maqaalo wargaysyadda lagu soo qoro.
- Daliilo ah waxyaalo horey laguugu gaystay wadankaaga. Taasi waxay noqon kartaa warbixino bilays ama qoraalo caafimaad. Waxay noqon karaan nuqulo (copies) hanjabaadyo aad heshay. Waxay kaloo noqon kartaa warqad dhaar (affidavit) ay soo qoraan ehel iyo asxaab oo orayanaysa in sheekadaadu ay run tahay. Warqadda dhaartu (affidavit) ku waa warqad sharci ah oo qof qoro si ay ula wadaagaan waxay arin ka og yihiin maxkamad. Waa inay qofkaasi uu ku hor saxiixo warqadda qof kale oo la yiraa Nootaayaale si warqaddu u noqoto mid sharciyeysan.
- Daliilo waxyaalo loogu gaystay wadankaaga dad adiga oo kale ah. Tani waxay noqon kartaa maqaalo wargays ama warbixino ururo samafal oo aan dowladi ahayn. Waxay kaloo noqon kartaa warqado ay soo qoraan khibradlayaal ama xirfadlayaal.
Aad raadisay daryeel ka dib dambi ku soo eedayn.
Haddii lagugu soo eedeeyey ama lagugu helay dambi, cadeyn ah talaabooyinka aad qaaday inaad ka soo kabato taa aadna sharciga adeecdo.
Soo aruuri dukumiintiyo cadeynaya inaad qaaday talaabooyin ah inaad sharciga adeecdo sidda:
- Qoraalo caafimaad oo muujinaya inaad daryeel u heshay arrimo caafimaadka madaxa ah oo ku haystay ama qabatin maan-dooriyeyaal.
- Cadeyn ah inaad bixisay dhamaan ganaaaxyadii oo dhan.
- Nuqul (copy) diwaanadda maxkamada ee kiiskaaga ah oo muujinaya inaad ka baxday borobaashinkii.
Waa maxay daliilaha fiican?
Wixii daliilo ah ee aad u dirto USCIS waa khasab inay ka soo baxaan shuruudahan soo socda:
1. Daliilahu waa inay ku taxaluqaan waxa codsigaagu ku saabsan yahay.
2. Daliilahu waa khasab inay noqdaan af-Ingriis ama loo turjumo af-Ingriis.
Haddii qoraalka asalka ahi uusan ahayn Ingiriis, waa khasab in qof turjumo. Uma baahnid inaad isticmaasho turjumaan ama tafsiite xirfadle ah. Qof labada afba yaqaan oo ehelkaa ah, saaxiib, ama qof aad istaqaanaan ayaa sameyn kara. Waa khasab in uu qofkaasi buuxiyo foomka turjumaha ee oranaya waa uu karaa inuu turjumo qofkaas afka ku qoran dukumiintiga. Waa khasab siddoo kale inuu yiraa qofkaa turjumiddu waa sax. Ka hel foomka tujumaanka oo banaan mareegta: lawhelpmn.org/sites/default/files/2025-02/Immigration Certificate of Translation.pdf
3. Daliilahu waa inay noqdaan ‘ilo koowaad” kolka ay suurtgal tahay.
Ilaha koowaad waa asalka, dukumiintiyadda sharciyeysan ee cadeeya in wax dhaceen. Ilaha asalka ahi waa noocyadda ugu fiican daliilaha.
Tusaalooyin ilaha koowaad waa:
- Warqad dhalasho oo dowladdi bixisay
- Warqad guur oo dowladdi bixisay
- Warqaddo caafimaad oo isbitaal bixiyey
- Warbixino bilays
Haddii aadan haysan ilo koowaad ah waxood, waxa aad soo diri kartaa “ilo labaad.” Ilaha labaad waa qoraalo aan sharciyeysnayn oo dhacdo ku saabsan.
Tusaalooyin ilmaha labaad ah waa:
- Qoraal guur oo ay bixiyeen urur diimeed ama mid iimaaneed
- Warqaddo dhalasho oo ay bixiyeen urur diimeed ama mid iimaaneed
Waxaa aad soo diri kartaa 2 waraqadood oo dhaareed (affidavit) haddii aadan haysan ilo kowaad iyo kuwa labaad midna. Warqadda dhaartu waa warqad sharci ah oo qof qoro si ay ula wadaagaan waxa ay og yihiin hay’adda USCIS. Waa inay qofkaasi uu ku hor saxiixo warqadda qof kale oo la yiraa Nootaayaale si warqaddu u noqoto mid sharciyeysan.
Tusaale: Maria uma ay hayso warqad dhalasho oo dowladdi bixisay wiilkeeda Carlos. Sidoo kale ma jiraan wax warqad dhalasho ah oo laga keeni karo urur diimeed. Waxa ay u soo diri kartaa 2 warqadood oo dhaar ah oo ka soo qortay dad ogaa dhalashadii Carlos daliil ahaan.
4. Daliilahu waa khasab inay ka yimaadaan “ilo sumcad” leh.
Tusaalooyin ilaha fiicani waa:
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee U.S. (U.S. State Department)
- Dowladdo wadamo kale
- Ururo aan dowladi ahayn (sidda, Ururadda aan dowladdi ahayn, ururadda xaquuqda aadanaha, Human Rights Watch, the United Nations, Amnesty International)
- Warbixink bilays
- Qoraalo caafimaad
- Qoraalo shaqo.
Tusaalooyin ilo xunxun:
Wikipedia
Sidda loogu Diro Daliilahaaga USCIS
Nuqulo ka samee dhamaan daliilaha oo dhan ka hor inta aadan u dirin USCIS. Haysana nuquladaa adigu!
Waa muhiin inaad nuqulo kala harto wax walba oo aad u dirto hay’adda USCIS. Waxa aad ka heli ogaysiiska iyo warqado kale oo ah helida wixii aad dirto ah USCIS oo ku saabsan kiiskaaga. Ku wada hay dukumiintiyaa oo dhan hal meel oo amaan ah.
Goorma iyo xaggee ayaan ku siiyaa daliilahayga hay’adda USCIS?
Waxaa jira 4 mar oo ah marmarka ay dhici karto inaad siiso daliilo hay’adda USCIS.
01 - Kolka aad u dirto codsi hay’adda USICS.
Soo aruuri dukumiintiyadda gargaaraya kiiskaaga lana dir foomka codsigaaga oo buuxsan. Waxa aad dhigi kartaa boostadda foomka codsigaaga buuxsan iyo dukumiintiyadda gargaaraya. Haddii aad ku buuxiso codsigaaga khadka (online) ka, waa khasab inaad geliso (upload) kumbuyuutarka dukumiintiyadda daliilaha ah.
- Ku dar warqad dabool ah. Haddii aad boostadda u dhigayso codsiga iyo daliilaha hay’adda USCIS, qor warqad dabool ah iyana. Waxaa jirta tusmo warqad dabool oo ku jirta qaybta “Tusmo Warqad Dahaar” ee warqadan xogta aruursan ah.
- Helida ciwaanka boostadda ee saxda ah. Nooc walba oo codsi ah waxaa loo diraa ciwaan ka duwan kuwa kale. Eeg barta uscis.gov si aad u ogaato meesha loo diro codsigaaga iyo daliilaha gargaaraya. Baar akhbaarta nooca codsiga ah ee aad xareynayso. Bogga codsigaa ayaa haya ciwaanka boostadda.
02 - Kolka aad tagto balanta waraysiga sarkaalka ka socda laanta socdaalka (immigration) ee fadhiya xafiiska USCIS.
Waxaa dhici karta inaad ugu tagto waraysi sarkaal ka socda laanta socdaalka (immigration) ka horta inta aysan hay’adda USCIS gaarin go’aan ku saabsan noocyo ka mid ah codsiyadda. Hay’adda USCIS waxa ay boostadda kuu soo dhigi warqad leh taariikhda iyo waqtiga waraysigaaga.
- La imow daiilaha ay hay’adda USCIS ku waydiisatay inaad la timaado wareysiga. Warqadaas waxaa ku qoran liis dukumiintiyo ah oo aad u baahan tahay inaad la timaado. Waxaad kaloo keeni kartaa wixii daliilo ah ee aad doonayso in hay’adda USCIS ay hesho.
03 - Haddii aad ka hesho warqad hay’adda USCIS ku waydiinaysa akhbaar kale.
USCIS waxaa dhici karta inay kuu soo dirto warqad ku waydiisa dukumiitiyo kale oo badan oo gargaaraya codsigaaga. Warqadan waxaa loogu yeeri karaa “ Codsi Daliilo” ama “Ogaysiiska sii Dib U Dhigida.” Tani waxa ay dhacdaa haddii aad u dirtay hay’adda USCIS akhbaar ku filan si loo bilaabo dib u eegida kiiskaaga, laakiin akhbaar aan ku wada filnayn in go’aan la gaaro. Warqadani waxa ay imaan kartaa ka hor ama ka dib waraysiga sarkaalka laanta socdaalka.
- U dir daliilaha ay ha’adda USCIS ku waydiisatay. Warqaddu waxay kuu sheegi daliilaha cayiman iyo dukumiintiyadda ay ha’adda USCIS ay doonayso inaad u dirto. Waxay kaloo ku siin mudadda ugu dambeeysa ee aad soo diri daliilahaa. Haddii aadan soo dirin dhamaan akhbaarta ay ku waysiisteen inaad u soo dirto waqtiga ugu dambeynta ah ee ay ku siiyeen, codsigaaga waa la diidi karaa.
- Ciwaanka boostada. Warqaddu waxa ay kuu sheegi meesha loo dirayo daliilaha.
04 - Haddii codsigaaga la diido adana doonayso inaad racfaan ka qaadato go’aanka.
Marka hay’adda USCIS ay diido codsigaaga, waxa ay kuu soo diri kartaa ogaysiis diimadda ah. Waxa aad ka qaadan kartaa racfaan go’aankaa ama waxa aad soo diri kartaa daliilo kale si aad u cadeyso inay ahayd in la ansaxiyo codsigaaga. Warqadda diidmada ahi waxa ay ku siin waqti ugu dambayn ah waxa ayna kuu sheegtaa meesha loo dirayo akhbaartaa kale.
Ciwaanka boostada. Warqadda diidmada ahi waxa ay ku siin waqti ugu dambayn ah waxa ayna kuu sheegtaa meesha loo dirayo akhbaartaa kale.