Inaad la kulanto wax ciqaab ah oo ku salaysan wicidaadda 9-1-1, sida soo sheegida heshiis jabin, ogaysiis guri ka bixida ah ama joojinta liiskaaga guriga aad ku degan tahay, waa sharci-darro.
Isticmaal foomka halkan ku lifaaqan si aad ugu sheegto qolada guriga xaquuqdaada sharcigu kuu ogol yahay ee aad ku wacan karto bilayska ama gargaar degdeg ah sababtoo ah dagaal qoyska dhexdiisa ka dhaca, xoogid, ama wax kale oo fal ah oo xun. Warqadu waxa ay ka codsataa qolada gurigu inay ka noqdaan ciqaabta ama falka xun ee ay damacsan yihiin.
Ogow: Haddii wax adiga ama martidaaddu sameysay uu xad gudub ku yahay heshiiska liiska guriga, kolkaa qoladda guriga waxaa dhici karta inay adigu kuu isticmaasho taa si ay wax kuu yeelaan, laakiin uma ay isticmaali karaan wicitaanka bilayska ama adeegyada gargaarka degdeg ah inay sabab uga dhigaan inay guriga kaa saaraan ama ay ku ganaaxaan.