Haddii kiradii lagugu leeyahay, aadna khatar u tahay in guriga lagaa saaro, isku day inaad caawimaad hesho markiiba. Haddii qoladda guriga aad uga jirtaa ay rabto inay kaa xareysato adiga dacwo guri ka saarid ah oo kiro bixin la’aan awgeed ah, waa khasab inay ku siiyaan 14-cisho oo ogaysiin ah ka hor inta aysan xareysan dacwo guri ka saarid ah. Ogaysiisku waa khasab inay ku jiraan cadadka dhan ee lacagta ah ee la iska rabo iyo liis ay ku qoran yihiin waxyaabaha cayiman ee kale ee la iska rabo. Qoladda gurigu waa khasab inay gacanta kaaga keenaan ama ay boostadda kuu soo dhigaan ogaysiiska. Waxa aad u isticmaali kartaa ogaysiiska inuu kaa caawiyo inaad heshid gargaar dhanka kiradda ah. Qaar ka mid ah magaalooyinku waxa ay u baahan yihiin bixin ogaysiis intaa ka dheer ka hor inta aysan qoladda gurigu xareysan dacwo. Magaalooyinka, Minneapolis, Saint Louis Park, Brooklyn Center, haddii adigoo ku nool kiro lagugu yeesho, qoladda guriga aad uga jirtaa waa inay ku siiso 30-cisho ka hor inta aysan xareysan dacwo guri ka saarid ah.
Ogow: Brooklyn Park waa 30-cisho oo ogaysiis ah inay bixiso ilaa bisha Abriil 15, 2026. Richfield waa 30-cisho oo ogaysiis ah inay bixiso ilaa bisha Maajo 18.
Haddii aad bixin karto cadadka lacagta ah ee qoladda gurigu ay tiraa waa inaad bixiso waa aad ka badbaadi karaa xareynta dacwadda guri ka saarida ah ee adiga kaa dhanka ah ee kiro bixin la’aanta ah. Beeshaaddu waxaa dhici karta inay leedahay ururo dadka ka caawiya kiro bixinta. Dadka waydii taa.
Haddii aadan bixin karin cadadka lacagta ah ee ay yiraahdaan waa lagugu leeyahay ka hor aakhirka mudadda ogaysiiska iyo/ama haddii aadan ku raacsanayn cadadka lacagta ah ee ay leeyihiin waa lagugu leeyahay, waxa aad isku dayi kartaa inaad kala shaqeyso waanwaan qoladda guriga si kolkaa aysan uga xareysan dacwo guri ka saarid ah maxkamad.
Haddii aad heshiis waanwaan ah aad wada gaartaan qoladda guriga, qoraal ka dhig taa. Hubi in adiga iyo qoladda gurigana aad saxiixdaan.
Haddii qoladda aad guriga uga jirtaa ay xareysato dacwo guri ka saarid ah ka hor inta aan heshiiska la dhamaynin, keen heshiiska maxkamadda maalinta maxkamaddu dhacayso. Waydii maxkamaddu inay ansaxiso heshiiska. Waa inaad siddoo kale isku daydo in aad hesho in diiwaanka kiiska dacwada la masaxo (tirtirid) iyadoo taasi ay qayb ka tahay heshiinta. Maxkamadda ha u goyn, xataa haddii aad heshiis la sameysay qoladda guriga. Qoladda gurigu waa ay tagi karaan maxkamadda, haddii aadan adigu joogina, xaakimka waxaa dhici karta inuu amro guri ka saaridda.
Haddii aad danyar tahay, ka wac xafiiska gargaarka dhanka sharciga (legal aid) ee deegaankaaga khadka ah 1-(877) 696-6529. Waxa aad ka heli kartaa khayraadyo badan, xafiisyo gargaarka dhanka sharciga (legal aid) ah, iyo caawimaadyo kale oo badan khadka (online): http://www.lawhelpmn.org/so. Uma baahnid qareen inuu heshiis kala shaqeeyo qoladda guriga, laakiin waa ay ku caawin kartaa taasi haddii aad mid hesho. Waa inaad taqaan sharciga iyo xuquuqdaadda.