Tirtirida macnaheedu waa ka masaxida diiwaaanada dadweynaha kiiska. Si aad u hesho kiis tirtirid, maxkamadu waa khasab inay xukunto in:
- Kiiska qolada gurigu “uusan si ku filan sal iyo baar ugu lahayn xaqaaiqa ama sharciga,”
- Tirtiradu waa “ay cadahay inay tahay maslaxada cadaaladda,” iyo in
- “maslaxada cadaaladdu” aysan ka cuslayn “maslaxada guud ee ah ogaanta diiwaanka.”
Maxkamadu waxa ay tirtiri kartaa guri ka saaridaada kaliya hadii xaakim uu is yiraa qolada gurigu waa ay ku khaldanayd inay xareysato dacwada, ayna xaq-darro tahay in looga tago diiwaankaaga. Tusaaleyaal arrintaa ahi waxa ay noqon karaan:
Tirtirida kiiska waa wax muhiim ah in lagu daro heshiiska xal helida ah. Marmar badan qoladdu gurigu waa ay ogolaataa tirtirida kiiska haddii aad sameyso wax walba oo aad ku balan qaaday inaad ku sameyn doonto hesiiska xal helida ah – sida ka guurida ama bixinta dhamaan lacagta waqtigii loo qabtay in la bixiyo.