Xeerarka Canshuurta ee Ilmaha Korsiga loo Qaato, Dadka Dowlada Ilmaha u Haya Iyo Ehelada Ilmaha Korisa
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa qaababka kala duwan ee lagu helo lacagta canshuurta ee ilmaha ku soo nqota xataa hadii aadan ahayn waalidka ilmahaa dhalay.
Hadii lacag la igu siiyo haynta ilmo, ma waxaa loo xisaabin lacagta dakhli ahaan?
Lacagta lagugu siiyo, mid walba oo ka mid ah waxyaabahan soo socda, LOOGUMA xisaabiyo dakhli ahaan canshuurtaada.
- Lacagaha lagugu siiyo kharashaadka daryeelka
- Lacagaha “daryeelada dhibka badan” (lacagta siyaada ah ee aad ku hesho hadii aad dowlada u hayso ilmo jir ahaan, madax ahaan, ama caadifad ahaan naafo u ah)
- Gargaarida ilmaha korsiga loo qaadanayo ee bixiya kharashka haynta ilmaha
- MFIP (Barnaamijka Maalgelinta Qoysaska Minnesota), iyo SNAP (cunto)
- Aad hayso 10 ama in ka yar oo ilmo ah hadii lacagta la bixinayaa ay ka imaanayso hay’ad samafal hagaagsanaanta ilmaha ka shaqeysa oo ku shaqeysa qandaraas ay dowlada gobolka la leedahay.
Waa aad u isticmaali kartaa lacagahaa si aad u ogaato cadadka loo ogol yahay Qoysaska Danyarta ah ee Minnesota iyo lacagta canshuurta guryaha la isugu soo celiyo.
Lacagta aad ka hesho mid walba oo ka mid ah waxyaabahan soo socda WAXAA loo canshuuri dakhli ahaan waxaana loogu xisaabin dakhli inay tahay canshuurtaada.
- Daryeelida in 10 ilmood oo aad dowlada u hayso
- Sariir u diyaarinta xataa hadii aan la isticmaalin
- Lahaanta Deegaan Dadka lagu hayo (group home)
- Daryeelida in ka badan 5 qof oo ka weyn 19-sanno jiro
Kharashaadyada aan jeebkayga uga bixiyo daryeelka ilmahu ma loo xisaabin karaa inay yihiin lacag u “Jarmaysa samafalid”?
Hadii aad bixisay waxyaabo caawinaya daryeelka, gargaarayana ilmaha la hayo, aysana lacagtaa kuu soo celin dowladu (dib u siin), kolkaa waxaa dhici karta inaad u sheegato lacagtan sidii “deeq samafalid” ah oo kale aadna bixiso canshuur ka yar intii aad bixin lahayd. Waxa aad u baahan tahay inaad buuxiso warqada Jaan-goynta A, ee Jarida Mid-midka ah.
Wixii lacag ah ee aad ku kharash garaysay, laakiin ay KUU soo celisay dowladdu LOOMA sheegan karo inay tahay wax u “Jarmaysa Samafalid” ahaan oo kale oo kale.
Mas’uuliyiinta Sharciyeysani uma sheegan karaan inay uga jarmaan sidii jaritaan samafalid oo kale wixii kharashaad ah ee ay jeebkooda ka bixyaan oo lagu daryeelayo laguna gargaaraayo ilmaha.
Ku Xareysiga Qofka Canshuurtaada
Waxaa jira xeerar ku saabsan cidda aad sheegan kartid. Xeerarka “ilmaha xaqqa u leh” iyo “qaraabadda xaqqa u lehi waa ay kala duwan yihiin. Caadiyan, dad ka badan ilmaha oo qoyskaaga ah ayaa lagu tiriyaa inay yihiin qabaabo xaq u leh.
Ilmaha Xaqqa u leh
Ilmaha xaqqa u leh:
- Ilmahaaga, ilmaha xilihaagu dhalay, ilmo la hayo oo xaq u leh, walaal, walaalay, walaalkaa aabe, walaashaa hooyo, ama cid ka soo farcantay mid ka mid ah qaraabadaa. Taa waxaa ku jira ilmo laguugu keenay inaad korsato, xataa haddii aysan wali arrintaa ilmahaasi aysan gabagaboobin. Ilmaha la hayo ee xaqqa u lehi waa ilmo walba oo ay kuu keentay hay’ada meeleyn ah oo la aqoonsan yahay ama maxkamad.
- Ilmahu waa khasab inuu kula noolaadaa canshuur-bixiyaha in 6-bilood oo sannadka ka mid ah wadanka Mareykanka (U.S.). Si ku meel gaar ah ugu maqnaanta iskuul, fasax, daryeel caafimaad, adeeg ciidan, ama u jira xabsiyada kurayda waxaa lagu xisaabiyaa waqtiga guriga ku noolida.
Waxaa jira arrimo kuwaa laga reebo oo quseeya waalidka is-fura ama kala baxa. Ka reebidu waxa ay u ogolaataa waalidka aan ilmaha la noolayn in ka badan sannadka barkii inuu sheegan karo inuu ilmaha wax taro kuna xareysan karo canshuurta ilmaha si uu u helo lacagta canshuurta ilmaha la isagu soo celiyo. Laakiin labada waalid mid uun baa si buuxda u sheegan kara ilmaha oo ku xareysan kara canshuurta. Ka reebidani MA quseeyso martabada xareysiga canshuurta ee qofka ah madaxa qoyska ama Lacagta Canshuurta ee Dakhliga la Kasbado (EITC).
- Ilmahu waa inuu ka yar yahay qofka canshuur-bixiyaha ah aan ka ahayn kolka uu ilmahu buuxda ah oo rasmi ah uu naafo u yahay. Waxaa jira xadidaadyo da’da ku xiran oo kala duwan oo uu ay leeyihiin nidaamyada lacag soo celintu:
- Ku Xisaabinta Canshuurta Kharashaadka Daryeelida Ilmaha– ilmahu waa inuu ka yar yahay 13-sanno jir kolka daryeelka la siinayey ama da’ kasta ayuu jiri karaa ilmahu hadii u naafo yahay uusana awoodin in asagu uu naftiisa daryeelo.
- Lacagta Canshuurta Ilmaha uga soo noqota – Waxa aad ku heli kartaa kiridhid canshuureed oo ilaa iyo $3,600 ah ilmo walba oo 5 jir ah ama ka yar aakhirka 2021, iyo $3,000 ilma walba oo da’diisu u dhaxeeyso 6 ilaa iyo 17 aakhirka 2021 oo aad canshuurta ku xaraysatay.
- Maratabada Canshuur Xareysiga Madaxa Qoyska iyo Lacagta Canshuurta uga soo noqota Dakhliga la kasbado (EITC) – ilmaha xaqqa u yeelanayaa waa inuu 19-sanno jir ka yar yahay ama uu yahay arday waqti buuxa iskuul dhigta oo ka yar 24-sanno Deseembar 31, 2021, ama da’ kasta jiri kara laakiin si rasmi ah oo buuxda naafo u ah.
- Ku Xisaabinta Canshuurta Kharashaadka Daryeelida Ilmaha– ilmahu waa inuu ka yar yahay 13-sanno jir kolka daryeelka la siinayey ama da’ kasta ayuu jiri karaa ilmahu hadii u naafo yahay uusana awoodin in asagu uu naftiisa daryeelo.
- Ilmahu uusan isagu naftiisa siin karin in ka badan bar gargaarka ay naftiisu u baahnayd sannadka. Taa waxaa la yiraa jiribida gargaarka. Manfacyada Sooshal Sakuuratiga (Social Security) ga ee uu ilmahu helay isagoo ah cidda xaq u leh waalidka dhinta ama naafada ah xaqiisa waxaa loogu xisaabiyaa dakhli uu ilmahu leeyahay oo kale. Tijaabada gargaarka ma quseeyso kolka la ogaanayo in canshuur-bixiyahu uu haysto ilmo xaq u leh lacagta ilmaha la isugu soo celiyo ee (EITC).
- Hadii ilmaha ay u sheegan u karaan labada waalidba sidii ilmo xaq u leh in canshuurta lagu xareysto, laakiin labada waalid uusan midna sheegan ilmaha kolkaa, CID KALE ma ay sheegan karto ilmaha aan ka ahayn kolka Dalkhliga Guud (AGI) ee qofka sheeganayaa ilmaha uusan ka badnayn wadarta Dakhliga Guud (AGI) ee labada waalid ee ilmaha dhalay. Xaaladan oo kale waxa ay dhacdaa kolka dad ehel ah oo badani ay meel ku wada nool yihiin.
- Hadii ilmo ay xaq u leeyihiin inay canshuurta ay ku xareyan karaan in ka badan hal qofi, aysana ku heshiin karin cidda sheeganaysa ilmaha labada waalidi, kolkaa waalidka ilmaha waqtiga ugu badan la noolaa sannadkaa waa inuu sheegtaa ilmaha. Hadii ilmahu uu la noolaa waqti is le’eg labada waalidba, kolkaa labada waalid kan dakhliga badani waa inuu sheegtaa ilmaha.
Hadii ilmahu:
- uusan labada waalid midna la noolayn,
- uu yahay ilmo xaq u leh in canshuurta ay ku xareysan karaan dad ka badan hal qof
- dadkaa canshuur-bixiyayaasha ahina aysan isku raacin kara cidda sheeganaysa ilmaha, kolkaa canshuur-bixiyaha dakhliga ugu badan leh ayaa sheeganaya oo ku xareysanaya canshuurta ilmaha.
kolkaa canshuur-bixiyaha dakhliga ugu badan leh ayaa sheeganaya oo ku xareysanaya canshuurta ilmaha.
Ehelka xaqqa u yeelan Kara ku Xareysiga
Ehelka xaqqa u yeelan kara ku xareysigu waa qof:
- muwaadin Mareykan ah (U.S.) ama ku noolaan jiray United States, Canada ama Mexico, iyo
- xubin ka ahaa qoyskaaga sannadka oo dhan, (xataa hadii uusan qofkaasi qaraabo kula ahayn), ama waa
- qof qoyska ka tirsan oo ay dhici karto inuu kula noolaa ama uusan kula noolayn adiga sida:
- ilmahaaga, ilmo aad awoowe ama ayeeyo u tahay, ama xilahaagu dhalay
- walaalkaa, walaashaa, walaalhaaga aabe, walaashaada aabe,
- waalidkaa, awoowe, ayeeyo, qofka hooyo ama aabe ay isqabaan
- eedadaa iyo adeerkaa, ama ilmaha aad adeerka ama eedada u tahay,
- sodogaa, sodohdaa, ninka gabadhaada qaba, gabadha wiilkaagu qabo,
- seedigaa, ama dumaashidaa,
Ilmo iyo qof caadiyan ma noqon karaan qaraabo xaq u leh haddii:
- qof isqabaan ayna qofkaas canshuurta u wada xareystaan sdii dadka isqaba oo kale.
- ay soo gashay qof lacag ka badan $4,300 sannadka 2021. Laakiin, hadii qofku uu yahay ilmo aad adigu dhashay oo ka yar 19-sanno jir ama arday ka yar 24-sanno jir, waa uu noqon karaa qof aad mas’uul ka tahay waana ay kasban karaan lacag ka badan $4,300.
- Aad siisay wax ka yar bar gargaarkooda mudadda sannadka (jiribida gargaarka).
Xeerarkaa ah cidda ay tahay ilmaha ama qaraabadda xaqqa u lehi waxay quseeyaan canshuurta dowladda dhexe. Minnesota waxa ay u isticmaashaa xeerar kuwaas oo kale ah canshuurta gobolka iyo tan dhulka. Waydii qofka canshuurta kuu xareeya caawiyaad ku saabsan garashada cidda qoyskaaga ka midka ah ee ah ilmaha iyo/ama qaraabada xaqqa u leh.
Ka soo Bixida Shuruudaha Jiribida Gargaarka
Daabicida IRS ee 501 (IRS Publication 501) waxa ay leedahay qoraalo caawin kara fahmida in ilmo ama qofi (ilmo xaq u leh) ama adiga (qaraabo xaq u leh) aad ka soo baxaysaan shuruudaha jiribida gargaarka. Waxaad kaloo la wici kartaa IRS ta khadka ah 1-800-TAX-1040 ama gal shabakadooda (website) ah www.irs.gov si aad u hesho qoraaladda. Waxa aad ka heli kartaa foomka halkan https://www.irs.gov/pub/irs-pdf/p501.pdf.
Dadka dowladda ilmaha u haya ee sheegta “uga jarida samafalid” qaar ka mid ah kharashaadku (ka eeg hoos) uma isticmaali karaan isla kharashyadaa si uga soo baxaan shuruudaha gargaarida ee la isaga rabo.
Lacagta Canshuurta ee Ilmaha ku soo Noqota
Haddii aad ka soo baxdo shuruudaha sheegashada ilmaha, ilmahu waa inuu noqdaa mid ka yar 17 jir, waana inaad kasbatay ugu yaraan $2,500 oo dakhli ah, kolkaa waxaa dhici karta inaad hesho lacagta Canshuurta ee Ilmaha ku Soo Noqota taa oo noqon karta ilaa iyo $2,000 ilmahiiba. Xataa haddii aan lagugu lahayn canshuur intaa le’eg, waxa aad heli kartaa ilaa iyo $1,400 oo $2,000 ka mid ah oo ilmo walba ah oo xaq u leh lacag ahaan lagaaga soo celiyo. Hadii aadan xaq u yeelan Lacagta Canshuurta ee Ilmaha, waxaa dhici karta inaad xaq u yeelato Lacagta Dadka Kale ee aad Mas’uulka ka tahay la isugu soo celinayo taa oo noqon karta $500 oo la isku siiyo halkii qof oo aan mas’uul lka tahayba.
Ma u sheegan karaa ilmaha sidii ilmo xaq u leh ku xareysiga Canshuurta Dakhliga La Kasbaday (EITC) iyo Lacagta Canshuurta looga soo celiyo Qoysaska Danyarta ah ee Shaqeeya ee Minnesota (WFTC)?
Haa, hadii ilmahaasi uu ka soo baxo shuruudaha “ilmaha xaqqa u leh” in canshuurta lagu xareysan karo ee bogga koowaad ee warqadan xogta aruursan. “Ehelka xaqqa u leh” laguma sheegan karo barnaamijyada (EITC) ama (WFTC).
Kharashaadka haynta ilmaha ku baxa ma loo xisaabiyaa sidii wax kaa jarmaya oo kale?
Waxaa dhici karta inaad hesho Lacagta Dowlada dhexe ee Daryeelka iyo Mas’uuliyada Ilmaha ama tan Minnesta ee Daryeelka iyo Mas’uuliyada Ilmaha, hadii ilmahu uu
- xaq u leeyahay inuu noqdo ilmo mas’uul laga noqon karo,
- ka yaraa 13-sanno jir xilligii sannad-canshuureedka, UUNA
- hayey qof kale (oo aad lacag ku siisay) intii aad shaqo jirtay ama aad shaqo raadiska ahayd.
Hadii ilmahu uu ahaa 13-sanno jir ama kuu ka waynaa, uuna naafa ahaa oo uusan awoodin inuu naftiisa daryeelo, kolkaa waxaa dhici karta sidoo kale inaad hesho lacagahaa.
Qaar badan oo qoysaska danyarta ah oo aan sheegan karin lacagta ay dowlada dhexe bixiso, waxa ay sheegan karaan lacagta uu gobolka Minnesota bixiyo.
Waa maxay Lacagta Canshuurta la isaga soo Celiyo Ilmo Korsigu?
Lacagta Canshuurta la isaga soo Celiyo Ilmo Korsigu waa lacag la isugu soo celiyo kharashaad ku galay adiga xilligii hawsha ilmaha aad korsanayso aad ku jirtay. Lacagta ugu badan ee soo noqon kartaa waa $14,440 ilmahiiba. Kharashaadka lagu xisaabiyo hawshan waa waxyaabaha sida
- kidmadaha la isaga qaado ilmo korsiga
- kharashaadka maxkamada
- khidmadaha qareenka
- kharashaadka caafimaad
- kharashaadka safarada
Ilmahu waa khasab inuu ka yaraado 18-sanno jir uuna jir ahaan iyo maskax ahaanba uu naafo u yahay. Hadii aad u qaadato inaad korsato ilmo baahi gaar ah leh, waxaa dhici karta inaad hesho lacagta oo dhan xataa hadii aadan kharash garayn cadadkaa oo dhan. Si aad u hesho lacagta, ilmaha baahida gaarka ah lehi waa khasab inuu muwaadin Mareykanka (U.S.) ah uu yahay, hay’ada ilaalinta hagaagsanaanta ilmaha ee gobolkuna waa khasab inay go’aansatay in gargaar ilmaha korsiga loo qaadanayo ah aadan adigu ka maarmayn inaad hesho si aad u soo dhamaystirto nidaamka ilmo korsiga.
Ogow: Kharashaadka lagu bixiyo korsiga ilmaha xilahaagu uu dhalay xaq UMA laha.
Ma sheegan karaa lacagta iigu soo noqota kharashaadka tacliinta ee aan galay?
Hadii aad ilmaha canshuurta ku xareysan karto oo aad mas’uul ka tahay, uuna ilmahu uu ku jiro tacliin sare oo ka dambaysa dugsiga sare, (sida kuleej) oo kale, kolkaa waxaa dhici karta inaad awoodi karto inaad sheegayo in lacag canshuurta lagaaga soo celinta arrintaa awgeed ama laga jaro lacagta ku soo gashay iyadoo lagu salaynayo khidmada tacliineed ee la bixiyey. Si aad u heshid akhbaar kale oo ku saabsan lacagaha canshuurta ee dowlada dhexe ku bixiso tacliinta iyo kuwa la iska jaro, ka eeg qoraalada hay’ada IRS ee 970. Wac khadka 1-800-TAX-1040 ama gal shabakada www.irs.gov. Waxa aad kaheli kartaa Daabacaadda 970 (Publication 970) khadkan https://www.irs.gov/pub/irs-pdf/p970.pdf.
Hadii ilmahu uu yahay ilmo xaq u leh ku xaraysiga Lacagta Canshuurta ee Dakhliga la Kasbado (EITC), uuna ku jira fasalada u dhexeeyea Uulada ilaa iyo fasalka 12aad, waxaa dhici karta inaad hesho lacagta Canshuurta ee gobolka Minnesota soo celiyo, ama ka jiritaan dakhliga guud ee ku soo gala laga jaro kharashaadka tacliinta ku baxa. Waa aad heli kartaa lacagta xataa hadii aan wax dakhli ah ku soo gelin. Waxa aad heli kartaa inay kuu soo noqdaan kharashaadka xaqqa u leh lacagtoodu ilaa iyo 75% hadii qoyskaagau dakhligiisu uu ka hoseeyo $37,500 aadna haysato 1 ama 2 ilmoood oo ah kuwa xaqqa u leh.
Hadii aad haysato ilmo kale oo xaq u leh lacagtan, cadadka ugu badan ee qoyska loo ogol yahay wuxuu kor aadaa $2,000 ilmihiisa. Ma walba waa isticmaali kartaa jaritaanada lacagta laga jarato lacagta ku soo gasha dakhligaagu intii u rabo ha noqdee.
Kharashaadka xaqqa u leh waxaa ku jira
- barnaamijyada tacliineed ee iskuulka ka dib la galo
- casharada muusikada
- xeryaha tacliinta ee xilliga xagaagga la aado
- aaladaha kumbuyuutaradu ku shaqeeyaan (software) (ugu badnaan $400)
- qalimada,warqadaha, qalin rasaaska iwm.
- khidmadaha iskuulada gaarka loo leeyahay (tani kaliya waxa ay noqon kartaa jarid ee ma aha lacag soo noqonaysa).
Xusuusnow! waa khasab inaad haysato qoraalo sida rasiidyo ama warqadaha kharashaadka (invoice) si aad u cadeyso inaad bixisay kharashaadyo xaq u leh in laguu soo celiyo.
Eeg warqadayda xaqaa’iqa ee: Xasuusinta Cashuurta marka Dib loogu noqonayo Dugsiyada: Waxbarashada Minnesota Ku Kordhin Iyo Ka Saarid.
Hadii aadan wali Xareysan Canshuurtii, Xareyso Iminka!
Lacagta Canshuurta ee Dakhliga la Kasbado (EITC) iyo lacagaha kale ee canshuurta la isaga soo celiyaa waxaa la sheegan karaa ilaa 3-sanno ka dib kolkii la rabay in la xareysto. Hadii aadan canshuur xareysan qaar ama dhamaan 3-dii-sanno ee la soo dhaafay, hadda waa aad xareysan kartaa waana aad sheegan kartaa lacagta (EITC) da iyo lacago kale oo kuu soo noqon kara. Foomamka iyo cadadka lacagta ah ee la ogol yahay waa ay isbedbedelaan sannad walba. Hubi inaad isticmaasho foomka loogu talagalay sannadka aad xareysanayso! Foomamka si aad u hesho ka wac hay’ada (IRS) telefanka hoose ama waxa aad ka heli kartaa iyaga shabakadooda (website) ah, www.irs.gov. Hadii aad canshuur xaraysatay laakiin aadan wada sheegan lacago hadda aad is leedahay inaad sheegatay ahayd, waxa aad xareysan kartaa cusboonaysiinta Foomka 1040X (Form 1040X) (dowlada dhexe) ama kan M1X (Minnesota) mid walba oo ka mid ah 3-dii-sanno ee la soo dhaafay.
Su’aalaha canshuurta dowlada dhexe, ka wac (800) TAX-1040.
Su’aalaha canshuurta Minnesota, ka wac (651) 296-3781.
Caawimaad Canshuurta ah oo Bilaash ah
Canshuur bilaash loogu xareeyo ayey heli karaan dadka danyarta ah, ama naafada ah, ama waayeelka ah. Si aad u hesho rug caawimaad fidisa oo ku dhow, ka wac khadka ah (651) 297-3724 ama ka wac hay’ada United Way, lambarkeeda gobolka oo dhan ah ee 2-1-1, ama ka wac telefan gacanta ah lambarka (800) 543-7709. Waxaad kalood ka heli kartaa akhbaarta caawimaadaha bilaash ah ee deegaankaaga shabakada www.irs.gov/vita.
Xogta aruursan ee warqadani waxa ay quseeysaa uun canshuurta sannadka 2021. Canshuur-celinta waa in la xareystaa ugu dambayn bisha Abriil 15th, 2022