Digniinaha Muhaajiriinta
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa waxyaabaha muhaajiriinta sharciga aan lahayni ay sameyn karaan si ay uga caawiyaan aakhirka ka helida sharci wadanka.
Ma sameyn karaa waxyaabo iminka si ay iiga caawiyaan ka helida aakhirka sharci wadanka (US)?
Haddii aad haysato ogolaansho ku meelgaar ah oo aad ku joogto Mareykanka (U.S.), ama haddii aad Mareynka (U.S.) joogto adigoon ogolaansho haysan, waxa jira wax aad samayn karo si aan u badiyo fursadahaaga helida martabad sharci hadhow.
Haddii aad Mareynka (U.S.) joogto adigoon ogolaansho haysan, waxaa aad jabinaysaa sharciga laanta socdaalka ee Mareykanka (U.S.). Siddoo kale waxa aad jabinaysaa sharciga haddii xaakim ama mas’uul ka tirsan hay’adda ICE uu ku amray in lagu masaafuriyo aadna haysato “amar saarid ah.” Waxaad ku jirtaa khatar ah inay ku xirto (ICE) iyo in lagu masaafuriyo.
Ogow xaquuqdaada Kana fogow dhibka
Ha ka qayb qaadan arrin dambi ah. Waxay kaa ilaalin kartaa inaad sharci heshid iyo inay dhacdo in lagu ba masaafuriyo. Iska ilaali la xiriir boolis ama hay’ada sharci ilaalinta hadii aysan lagama maarmaan ahayn. Hubi inaad wadato laysinka darawalka. Eeg warqadayada xogta aruursan ee, Sidda Lagu Codsado Laysinkaaga Darawalka ee Minnesota (Laysinka Darwaladda ee Cid Walba la Siinayo).
Hubi in gaari walba oo aad wadato uu caymis markaa leeyahay. Siddoo kale hubi inaad taqaan meesha ay taal cadeynta caysmiskaasi kolka aad gaari wadato. Hubi inay fududahay inaad soo qabsato. Meelaha qaar, booliska xaafadu waxay la shaqeeyaa mas’uuliyiinta laanta socdaaalka, iyo waxa dhici karta inay wacaan ICE hadii ay u maleeyaan inaad sharci daro tahay.
Hadii uu ku joojiyo boolis:
Xaq waxaad u leedahay inaad Aamusnaatid. Hadii aad rabto aamusnaan, U sheeg askariga. Minnesota, waa sharci inaad is sheegtid cida aad tahay. Marka sii sarkaalka magacaaga sharciga oo buuxa iyo warqada aqoonisga. Haddii aad haysto aqoonsiga gobolka (ID) ama laysinka darawalka, u dhuub askariga. Taasi ayaa ka fiican isticmaalka dal-ku-gal (passport) ama noocyo kale oo aqoonsiyo (ID) ah oo aad kala timid wadankaagii. HA isticmaalin dukumiintiyo been ah.
Hadii uu boolis ku su’aalo martabadaada sharci ee wadanka:
Xaq waxaad u leedahay inaad Aamusnaatid. Qasab kugu ma aha ka jawaabid goobta aad ku dhalatay, Inaad muwaadin Mareykanka (U.S.) tahay, ama sida aad ku soo gashay United States. Waxa aad xaq u leedahay inaad codsato turjubaan haddii aad u baahan tahay mid.
Waxa aad xaq u leedahay inaad diido baarid. Xataa haddii aad diido, boolisku korka ayey kaa baari karaan haddii ay ka shakiyaan inaad hub wadato. Boolisku waa ay baari karaan gaarigaaga haddii ay arkaan daliil dambi. Wali ra’yi wacan inaad diido baarid si aad u xadido daliilaha ha dhow adiga laguu isticmaali karo. Waxa aad xaq u leedahay inaad waydiiso, “xor ma u ahay inaan baxo?” Waxaad kalood waydiin kartaa su’aashaa adiga oo adeegsanaya turjubaan haddii aad u baahan tahay mid.
Haddii bilaysku uusan hayn akhbaar ku filan si ay kuu qabtaan, waa inay ku fasaxaan. Hadii bilaysku kuu kaxeeyo xabsi Qasab kugu ma aha ka jawaabid su’aalaha ku saabsan martabada sharcigaaga, Qasab kuguma aha iyana inaad la hadasho hay’ada (ICE). Waxa aad xaq u leedahay inaad wacato qareen aadna hal mar kaliya wacato qof deegaanka jooga oo ehel ah ama saaxiib ah oo aad aaminsan tahay.
Laakiin, waa inaad wacdaa bilayska iyo adeega xaalada deg-dega hadii aad u baahan tahay, sida soo sheegid dambi, ama caawimaad ugu hesho dab, ama helida daryeelo caafimaad. Dhibanayaasha dambiyada qaar waxa suurto gal ah inay helaan xaalada gooni ah dhanka sharciga ah hadii ay soo sheegaan dambi ayna la shaqeeyaan hay’adaha sharci ilaalinta si ay u baaraan dambiga dacwadna u oogaan.
Hadii aad leedahay taariikh dambi, Ka raadso talo qareen socdaal, ka hor inta aadan dalban martabad sharci ah gudaha Mareykanka (U.S.)
Ha Isticmaalin, Hana Haysan, ama Ha Gadin Maan-dooriyeyaal – Oo ay Ku Jirto Marawaanaddu
Isticmaalka maandooriyeyaasha sharci-darrada ahi muskulooyinka dhanka sharciga (immigration) ah ayuu kuu keeni karaa. Waa muhiin inaad iska ilaaliso isticmaalka ama gadida maandooriyeyaasha, oo ay ku jirto marawaanaddu, (kanabas). Minnesota waa sharci in dadka ka weyn da’da 21 sanno jirku ay haystaan ayna isticmaalaan cadad kooban oo marawaano ah oo naftooda ay u isticnaalayaan. LAAKIIN sharciga dowladda dhexe wali waa uu mamnuucaa haysashada iyo isticmaalida marawaanadda. Sharciga dowladda dhexe wuxuu sidoo kale mamnuucaa ka shaqeynta gadida kanabaska. Aad ayey muhiim u tahay cid walba oo aan muwaadin ahayn inay iska ilaaliso, isticmaalka, gadida, ama haysashada kanabaska, marawaanadda, iyo iwm. Xataa in kastoo ay sharci ka tahay taasi MN ciqaabaha dhanka sharciga muhaajiriinta (immigration) ee arrintaassi waxa ay noqon kaaraan kuwa aad u daran.
Haddii uu bilaysku ku xiro ama ku siiyo tigir ka dib kolka maandooriyeyaal lagugu qabto, la hadal qareenka dhanka sharciyada laanta socdaalka (immigration) yaqaan ka hor inta aadan bixin tigirka lacagtiisa ama aadan xalin wax kiis maxkamadeed ah.
Hadii bilayska ama hay’adda ICE ay gurigaaga ama ganacsigaaga ay yimaadaan:
Khasab KUGUMA aha inaad u ogolaato inay gudaha soo galaan haddii aysan wadan amar maxkamadeed oo shaqeynaya oo saxiixan. Amarku waa dukumiinti uu xaakim saxiixay oo u ogolaada bilayska ama hay’adda ICE inay cid soo xiri karaan. Wuxuu kaloo amarkasi siin karaa inay goob wada baaraan ama ay baaraan qayb. Haddii ay cid oranaysa waxa aan ahay bilays ama hay’adda ICE ay timaado albaabkaaga, waydii inay haystaan amar maxkamadeed oo shaqeynaya oo saxiixan. Haddii ay haa yiraahdaan, albaabka hoostiisa ha ka soo dusiyaan ka dibna sawir ka qaad.
Khasab kuguma AHA inaad bilayska ama ICE aad u ogolaato inay soo galaan guriga haddii:
- Haddii AAN la saxiixin,
- Haddii la saxiixay laakiin UUSAN saxiixin xaakim
- Haddii uusan ku qornayn ciwaankaagu (iyo lambarka guriga haddii uu mid leedahay) AMA
- Haddii aysan ku qornayn magaca qof ku nool gurigaaga,
Haddii ay ku qabato hay’adda ICE, wac qareenkaaga ama qof aad aaminsan tahay markiiba kolka ay kuu ogolaadaan inaad cid wacato. Haddii aad ka baqayso inaad ku noqoto wadankaaga aad u dhalatay, u sheeg mas’uuliyiinta laanta socdaalka. Haddii aad tiraahdo waa aan ka baqayaa inaan ku noqdo wadankayga, caadiyan inta badan waa inay ku siiyaan “Waraysiga Cabsidda Dhabta ah” la yiraa ama “ Wareysiga Cabsidda Macquulka ah.” Ka ogow wax badan oo ku saabsan arrintan iyo inaad heli karo adigu adigoo ka akhrinaya barta Wadiiqadda Magangeliyadda (A Path to Asylum).
Ka Taxadar Wax ku Xardhida Jirka (Tattoo)
Dowladda Mareykanka (U.S.) waxaa dhici karta wax ku xardhida jirkaaga inay u aragto sidii daliil ah inaad gaangis ka tirsan tahay ama aad lug ku leedahay fal-dambiyeeyo. Haddii jaa aad leedahay xardhanaan jirka (tattoo) ah oo mid ama wax ka badan ah, diyaar u ahow inaad sharaxdo kolka aad xardhanaanta jirka aad sameysay iyo macnaha ay adiga kuu leedahay. Ka fakar inuu jiro jid aad ku cadeyn karto waxa xardhanka jirka (tattoo) macnihiisu yahay. Tusaale ahaan, haddii aad leedahay xardhanaan jirka (tattoo) oo ka hadlaysa, maalintii uu ilmahaagu dhashay, waa inaad haysato warqadda dhalashadda ee ilmahaaga oo diyaar ay kuu tahay.
Haddii aad ka fakarayso xardhid jirka ah, ka taxadar tixgelina inaad sugto inta aad ka noqonayso muwaadin. Marmarka qaarkood, dowladdu si khalad ah ayey u safirtaa xataa xardhidda jirka ee iska caadiga ah.
Ha Gafin Dacwo Qaadid Laanta Socdaalka Ah (Immigration)
Haddii aad hesho ogaysiis oranayna waa inaad tagto maxkamad Laanta Socdaalku leedahay, aad ayey muhiim u tahay inaad tagto. Ogaysiisku waxa uu qoraa waqtiga, taariikhda, iyo ciwaanka goobta dacwo qaadida. Haddii aad gafto balan dacwo qaadida maxkamadda laanta socdaalka ah, waa hubaal inay amri maxkamadaasi in lagu masaafuriyo. Laakiin haddii aad tagto maxkamadda dacwo qaadida, waxaa aad u sharxi kartaa xaaladaadda xaakimka waxa aadna u heli kartaa jawaabo su’aalahaaga. Siddoo kale, xaakimku waxa uu sharxi talaabooyinka xiga ee kiiskaaga xaaladiisa ah. Tusaale ahaan: waxa aad rabtaa inaad qabsato qareen kaa caawiya difaaca adiga masaafurinta. Laakiin ma aadan helin qareen kuu raaca maxkamadda. Xilliga dawo qaadida, waxa aad u sharxi kartaa xaakimka inaad jeclaan lahayd inaad hesho waqti kale oo dheeraad ah oo aad ku hesho kuna qabsato qareen. Waa sii wadi kartaa inaad tagto maxkamada dacwada qaadaysa xataa haddii aadan helin qareen. Haddii aadan heli karin ama aadan awoodin inaad qabsato qareen, xaakimku waxa uu kuu sharxi doonaa sidda kaligaa loo soo bandhigo kiiskaaga iyo sidda loo waydiisto Maxkamaddu inaysan ku masaafurin.
Akhbaar kale oo, Eeg warqadayada xogta aruursan ee:
- Waxa la sameeyo haddii aad hesho ogaysiiska uga Yeerida Maxkamadda Laanta socdaalka (immigration)
- Waxa La Fili Marka Kuugu Horeeysa ee aad Tagto Maxkamadda Muhaajiriinta (Immigration) ee Minnesota.
- Waxa al sameeyo haddii aad gafto dacwo Qaadid laanta Socdaalka ah (Immigration) (Sida loo xareysto Codsi Dib u Furida ah)
- Sidda loogu wareejiyo dacwo qaadidaada laanta socdaalka (immigration) maxkamad kale (Bedelid Goobta)
Xeerarka Is-diiwaangelinta ee Muhaajiriinta
Laga bilaabo bisha Abriil 2025, Mareykanku (U.S) waxa uu soo saaray xeer cusub oo ah in qaar ka mid ah muhaariinta aan sharciga lahayni ay khasab tahay inay iska-diiwaan geliyaan, dowlada. Si aad wax badan uga ogaato arrintaa, akhri warqadda xogta aruursan ah ee Rugta Qaranka ee Sharciyadda Muhaajiriinta (National Immigration Law Center), qaybta Ogow Xuquuqahaaga: Is-diiwaangelinta Dadka Aan Muwaadiniinta ahayn: (Know Your Rights: Noncitizen Registry).
Haddii Aad Haysato Martabada Ilaalinta ee ku Meelgaarka ah (TPS)
Dowladda Mareykanku (U.S.), ayaa go’aansata wadamadda ku Jira liiska TPS (TPS list) iyo marka ay wadamadaasi ka baxayaan liiska, haddii aad haysato martabadda ku meemgaarka ah (TPS) ayna dowladdu ka saaro wadanka aad u dhalatay liiska, degdeg qareen ula tasho! Waxaa dhici karta inaad xaq u yeelato noocyo kale oo sharci ah inaad hesho. Qareenku waxa uu kaala hadli karaa waxyaabaha aad kala dooran karto. Qareenkaagu siddoo kale waxa uu kaala hadli karaa haddii ay jiraan wax dacwo ah oo dib u dhigta ama joojin karta dhamaadka (TPS) ka ee wadankaaga. Wixii akhbaar ah ee ku saabsan Martabadda Ilaalinta ku Meelgaarka ah, ka eeg warqadda xogta aruursan ee ku jirta barta, Sidda loo Codsado Martabadda Ilaalinta ku meel Gaarka ah.
Haddii aad haysato Saamixida Dal Galka
Haddii laguu saamaxo wadanka inaad gasho ayna Laanta Socdaalka iyo Muwaadinku ee United State [United States Citizenship and Immigration Services (USCIS)] ay kuu soo diro warqad oronaysa ogolaanshihii wadanka laguu ogolaaday waa lagaala ‘noqonday’ ama waa la (joojiyey), degdeg qareen ula tasho. Waxaa dhici karta inaad xaq u yeelato noocyo kale oo sharciyo laanta socdaalku bixisa ah. Qareenku waxa uu kuu sheegi karaa waxa aad kala dooran karto.
Haddii wadanka laguugu ogolaaday barnaamijka ay xaqqa u leeyihiin wadamadda Cuba, Haiti, Nicaragua, iyo Venezuela (CHNV), degdeg ula tasho qareen! Qareenku waxa uu ku siin karaa akhbaarta ugu dambaysa ee soo kororta ee ku saabsan Barnaamjika Wadan Gelida ee (CHNV) waxa uuna kuu sharxi karaa waxa aad kala dooran karto.
Haddii aad haysato sharciga “Saamixida Bini’aadanimadda” ee CBP One app: dowladdu waxa ay kaala ‘noqon’ kartaa (joojin) saamaxaadaadda. La tasho qareen si aad u ogaato inaad xaq u leedahay noocyo kale oo sharciyo laanta socdaalku bixiso.
Maxaa dhaci haddii wadanka aad ka baxdo kolka lagaala noqdo saamaxaadaadda?
- Hadii aad baxdo iyadoo dowladdu isku dayeyso inay ku masaafuriso (waxa aad ku jiraa “nidaamka saaridda”), waxayna u badan tahay in dowladdu ay amarto in lagu masaafuriyo “maqnaansho” (adigoo maqan). Taa macnaheedu inta badan waa in aadan si sharci ah ugu soo noqon karin Mareykanka (U.S.) 10 sanno.
- Haddii aad wadanka ka baxdo, iyadoo wali codsigaagga laanta socodaalku ay hawshiisu soocto, dowladdu waxa ay tiraa kolkaa waa ‘cidlaysay’ codsigaaggii. Kolkaa martabaddii sharciga ahayd ee aad ka codsatay laanta socdaalka (immigration) ma aad heli doontid.
Haddii aad ka fakarayso inaad wadanka ka baxdo, degdeg qareen ula tasho! Waxa uu kuu sharxi karaa waxyaabaha aad kala dooran karto, waxa uuna kuu sheegi inaad xaq u leedahay inaad codsato sharci, khataraha ka imaan kara bixida ama joogida wadankan.
Ka taxadar hadii aad ka baxso Mareykanka (U.S.)
Haddii aad sharci leedahay
Xataa haddii aad sharci leedahaya [sidda, magangelyo helid, ama deganaansho rasmi ah (green card)], khatar ayey noqon kartaa inaad wadanka ka baxdo iminka. Dowladdu waxaa dhici karta inaysan kuu ogolaan inaad Mareykanka (U.S.) dib ugu soo noqoto.
Khatarta aad ku jiri kartaa waa ka sareysaa intaa haddii waligaa lagugu soo eedeeyey ama lagugu helay wax dambi ah ama ku lug lahaasho wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah. Si aad u fahamto heerka khatartaada, ka hor inta aadan qorsheysan inaad wadanka ka baxdo. Wixii akhbaar ah ee kale, ka eeg barta ururka ACLU ee Ogow Xaquuqdaadda: Ka Qabashada Dada Gegida Diyaaradaha. Know Your Rights: Enforcement at the Airport.
Haddii wadanka Mareykanka (U.S.) aad joogto ogolaansho la’aan
Sharciga laanta socdaalku wuu ciqaabaa dadka qaarkood ee ka baxa Mareykanka (U.S.) ka dib kolkii ay halkan ku joogaan muddo ogolaansho la’aan ama haddii lagugu hela yqaar ka mid ah dambiyada. Hadii aad ku soo gashay Mareykanka (U.S) si sharci ah ama aad joogtay Mareykanka (U.S.) in ka badan intii la rabay inaad joogi karto, waa waxaa loo tixgeliyaa joogitaan sharci-darro. Haddii aad wax fal-dambiyeed ah horey u gashay, ka hel talo qareen khibrad u leh sharciyada laanta socdaalka ah ka hor inta aadan u safrin dibada wadanka United States.
Joogitaan sharci-darro marka kaliya ee laguu xisaabiyaa waa hadii uu dhacay ka dib April 1, 1997, iyo hadii aad jirtay 18 sano markii u dhacay.
- Hadii aad ku joogtay Mareykanka U.S ogolaansho la’aan 6-12 bilood oo isku xiga, ka dibna aad baxdo, waxaa lagu saari mamnuuc ah 3- sanno.
- Hadii aad ku joogtay U.S ogolaansho la’aan 12 bilood oo isku xiga, ama ka badan, ka dibna aad baxdo, waxa lagu saari mamnuuc ah 10- sanno.
Hadii aad heysato 3 ama 10-sano oo mamnuuc ah, uguma soo laaban kartid Mareykanka (U.S.) si sharci ah, ama ma heli kartid martabad sharci muddo 3 ama 10 sano.
Hadii aad leedahay xaas ama waalid si sharci ah u degan ama ah muwaadin Mareykanka (U.S.) waxaad dalban kartaa “Saamixid,” ama baajinta mamnuuc 3 - ama 10-sanno. Ma sahlana helida baajinta waxaa kaliya oo laguu ogo’laanayaa hadii aad cadayn karto dhib daran oo ku dhacay qaraabadaada.
Dadka kale ee ku joogo si sharci-darro ah Mareykanka (U.S.) waxa suuro gal aha inay haystaan Mamnuuc abid ah. Waxaa suuro gal inaad hayso mamnuuc abid ah hadii:
- Aad ku joogtay Mareykanka (U.S.) ogolaansho la’aan muddo waqti oo gaaraysa 1 sanno ama ka badan, ka baxday wadanka, ka dibna aad soo laabatay ama aad isku dayday inaad ku soo laabato si sharci-darro ah,
AMA
- Lagaa masaafuriyey Mareykanka (U.S.) ka dibna aad soo laabatay ama is ku dayday inaad ku soo laabato si sharci-darro ah.
Dadka haysta mamnuuca abid ah kuma gali karaan Mareykanka (U.S.) si sharci ah ama kama qaadan karaan sharci wadanka. Ma saamixi kartid mana baajin kartid mamnuuca abidanka ah, laakiin waxa aad dalban kartaa inaad ku soo noqoto Mareykanka (U.S.) hadii aad dibada wadanka ka joogtay muddo 10 sanno ah.
Mamnuuc abidanka ah, laanta socdaalku way xisaabisaa waqtiga joogiista gudaha U.S. xataa ilmaha ka yar 18. Waxaa jira qaababka lagu saamixi karo mamnuucan. Tusaale ahaan, hadii aad u xaq u yeelato fiisaha U.
Ha sheegan inaad tahay muwaadin Mareykan ah (U.S.) Hana Codeynin
Hadii aadan ahayn muwaadin Mareykan (U.S.), Marnaba ha oran waxaan ahayn muwaadin sabab kasta ha noqotee. Tan waxa loogu yeeraa been abuur sheegasho muwaaadinimo. Hadii aad sheegato inaad muwaadin Mareykan (U.S.) tahay adigoon ahayn, waxa suurto gal ah inaadan waligaa helin sharci, iyo lagu masaafuriyo.
- Codeynta ama isu diiwaan-galinta codeynta waxaa loo tixgaliyaa sheegasho muwaadinimo.
- Isticmaalida dukumiintiyada muwaadin Mareykanka ah (U.S.) ah ama u sheegashada muwaadinimada shaqo darteed ama wax kale oo socdaal ama manfacyada dowlada federaalka ama gobolka bixiyo awgood sidoo kale waa been abuur sheegasho muwaadinimo.
Bixinta Canshuurta
Dadka ka shaqeeya gudaha Mareykanka (U.S.) waa laga canshuuraa wixii ay kasbadeen. Canshuurtu waxay bixisaa adeegyada dowlada badanaana waxa laga soo jaraa jeeggaga.
Hadii aad ka shaqeeya gudaha Mareykanka (U.S.) aadna kasbato cadad ka badan tiro macruuf ah, waa inaad xaraysaa canshuur-celinta labada canshuur celin, tan dowlada dhexe iyo tan gobolka, xataa hadii aadan haysan sharci daganaansho joogta ah. Hadii aad ka codsato martabad sharci wadanka mustaqbalka, waxaa dhici karta in lagaaga baahdo inaad keento nuqulada canshuur-celinadaadii hore. Inaadan xareynin wax canshuur-celin ahi waxay adkayn kartaa helida sharci.
Bishii Abriil ee 2025, Waaxda Canshuurta Daakhilku [Internal [Revenue Service (IRS)] waxa ay tiri waxa ay bilaabi doontaa inay la wadaagto akhbaar dadka qaarkii hay’adda ICE. Haddii aadan sharci lahayn, hay’adda ICE waxaa dhici karta inay u istcimaasho akhbaarta canshuurtaadda si ay kuu ogaato ayna isku daydo inay ku masaafuriso.
- Haddii AADAN waligaa horey canshuur uga xarayn wadanka Mareykanka (U.S.): la hadal qareenka sharciga laanta socdaalka (immigartion) ka hor inta aadan xareynin.
- Haddii AAD ka xareysay canshuur wadanka Mareykanka (U.S.) UUNA kugu furan yahay kiis dambi baarid ah ama amar kama dambayn ah oo masaafurin ah lagu siiyey: la hadal qareenka sharciga laanta socdaalka (immigartion) ka hor inta aadan xareynin.
- Haddii AAD ka xareysay canshuur wadanka Mareykanka (U.S.) laakiin wax kiis dambi baarid ahi UUSAN kugu furnayn AADANA haysan amar kama dambayn ah oo masaafurin ah oo lagu siiyey: xareysiga canshuurta mar labaad uma badna inay kordhinayso khatarta aad u tahay in lagu masaafuriyo.
Siddee ayaan u xareystaa canshuurta?
Canshuur-celintu waa hab lagu ogaado in ay dawladu ku leedahay lacag canshuur kale iyo in kale.
Waxaa dhici karta in laguu soo celiyo qaar ka mid ah canshuurtii jeegaaga laga gooyey. Xataa hadii aysan ahayn inaad xarayso canshuur iyadoo sababtu tahay in aadan kasban wax kugu filan, wali waa aad xareynsan kartaa canshuur si aad u hesho lacagta canshuur celinta.
Canshuur- celiska dowlada waa in la xareeyaa ka hor April 15 sannad kasta. Haddii aadan doonayn inaad u isticmaasho ciwaanka gurigaagga foomamka canshuurta, waxa aad isticmaali kartaa santuukh boosto (PO Box).
Hadii aad u baahan tahay canshuur-celin aadana haysan lambarka sooshal sakuutariga (social security), waxaad dalban kartaa Lambarka Aqoonsi Canshuur bixiyaha (ITIN). ITIN ku wuxuu u sahlayaa dadka ka shaqeeya Mareykanka (U.S.) iyagoon sharci lahayn inay canshuur-celin xareystaan.
Waad ka dalban kartaa ITIN Hay’ada Adeega Canshuurta Gudaha (IRS), ee shabakadeedu tahay www.irs.gov/, ama waxa aad wici kartaa 1-800-829-1040. Haddii aadan rabin inaad u isticmaasho ciwaanka gurigaaga ITIN, waxa aad isticmaali kartaa santuukh boosto (PO Box).
Kala har nuqulo aad naftaada u haysato qoraalada
Waa muhiim inaad haysato nuqulada qoraalada iyo warqadaha cadaynaya inaad ku noolayd gudaha Mareykanka (U.S.), iyo cadeyn ah inaad leedahay dad qaraabo dhow ah oo muwaadiniin Mareykan (U.S.) ah ama deganaansho rasmi ku leh wadanka, sidda waalid, xilo, ama ilmo. Qoraaladaadi waxay muhiim u noqon karaan ka codsiga sharci laanta socdaalka mustabalka. Kala har nuqulo (copies) dukumiintiyadda ka hadlaya intii aad ku noolayd Mareykanka (U.S.) oo dhan, xataa haddii aad wadanka soo gashay waqti hore ka hor.
Haddii aadan haysan sharci deganaansho rasmi ah (sidda, green card): Haddii aadancadeyn inaad Mareykanka (U.S.) joogtay ugu yaraan 2 sanno, dowladdu waxaa dhici karta inay ku musaafiriso iyadoon maxkamad lagu saarin (Saarida Degdega ah). Haddii aad cadeyn karto inaad joogtay Maryekanka (U.S.) ugu yaraan 2 sanno, waxa aad u sheegi kartaa xaakin laanta socdaalka ah sababta aad xaqqa ugu leedahay inaad sii joogto Mareykanka (U.S.).
Si aad u cadeyso inta aad joogtay Mareykanka (U.S.), meel dhigo nuqulo ah warqadaha:
- jeegta dabadooda
- daynta guryaha ama qandaraasyadda kiradda iyo rasiidhada kirada,
- canshuur-celin & warqadaha W2,
- warqadaha kharashaadka,
- warqada dhalashada & guurka,
- diiwaanka dhaqtarka,
- Aqoonsi Sawir (I.D.)
- rasiidhada iyo warqadaha dowlada
- qoraalada la xiriira kiis dambi
- warbixinada bilayska
- amarka xukunka maxkamada
- ashtakooyinka
- waxkasta oo la xiriira kiiskaaga laanta socdaalka, iyo
- dukumiintiyada magacaagu ku qoran yahay iyo taariikhda.
Qaadashada Manfacyadda Dowladda
Ku qaadashada cayr ama manfacyo kale oo dowladeed wadanka Mareykanka (U.S.) waxa ay noqon kartaa wax aan dhib lahayn, laakiin waxa ay saameyn kartaa codsiyadaada sharciyada mustaqbalka aad ka codsanayso laanta socdaalka (immigration). Si ay uga helaan sharci degaansho rasmi ah wadanka Mareykanka (U.S.), dadka qaarkii waa khasab inay cadeeyaan inaysan noqon doonin “cayr qaate.” Cayr qaate waa qof ku dambeeya qaadashada barnaamijyada manfacyada dowladda mustaqbalka.
Mar walba waad ugu heli kartaa manfacyo magacooda ilmahaaga muwaadiniinta Mareykan (U.S.) ah, wax kasta ha noqoto sharciga laanta socdaalka ee aad adigu dalbanaysaa.
Waxaa jira dad badan oo aan u baahnayn inay ka walwalaan qaadashada cayrta qaarna waa inay ka walwalaan. Kuwaasi aad ayey u kala duwanaan karaan iyadoo hadba ku xiran nooca codsiga iyo cidda la siinayo. Kolkaa, waa muhiim inaad la hadasho qareen haddii aad qabto su’aalo.
Qaxootiga, magangelyo codsadayaasha, iyo dadka codsanaya Fiisayaasha U (U visas), Fiisayaasha T (T Visas) iyo Sharciga Gaarka ah ee Kuraysa Muhaajiriinta ah la siiyo inta badan ma aha inay ka walwalaan arrintan. Haddii aad tahay mid ka mid ah dadka noocyadaas ah, waa u heli kartaa si amaan ah manfacyadda dowladda ee aad sharciyan xaqqa u leedahay. Laakiin haddii aad codsanayso mid walba oo ka mid ah manfacyadaas aadna sidoo kale codsanayso sharci laanta socdaalku ay bixiso oo kale isla markaa waxaa aad soo hoos geli sharciga cayr qaataha quseeya.
Qaxootiga iyo megan-gelyo helayaasha ma aha inay ka walwalaan arrintan. Hadii aad tahay qaxooti ama magan-gelyo hele, waxa aad si amaan ah u heli kartaa manfacyada haddii aad u baahan tahay. Hubi inaad siiso degmadda dhamaan akhbaarta ay ku waydiistaan kolka ay go’aamiyaan inaad xaq u leedahay manfacyada dowladda. Waxa aad kala kulmi kartaa mushkulooyin laanta socdaalka (immigration) haddii:
- aad siiso dowladda akhbaar khalad ah kolka aad codsanayso manfacyadda. Tan waxaa ku jirta inaadan siin akhbaar buuxda oo ku saabsan dakhliga qof walba oo qoyskaaga ka mid ah ama
- aadan la socodsiin isbedelo ku yimi dakhligaaga ama inta qof ee uu qoyskaagu ka kooban yahay
Eeg waraqadayada xogta aruursan ee Fahmida Ku Tiirsanaanta Cayrta.
Dhaqaale ahaan masaariif ilmahaaga
Hadii lagugu amray bixin masruuf ilmo, bixi taa waqtigii loogu talo galay. Hadii aad ka habsaanto bixinta masruufka ilmaha ama lagugu leeyahay lacag masaariif hore oo kugu baaqatay, la gal qorshe heshiis dib u bixineed ah degmada si aad u wada bixiso.
Hadii aadan la noolayn ilmahaaga, aadana haysan amar ah bixin masruuf ilmood, hubi inaad dhaqaale ahaan gargaarto ilmahaaga. Xafido qoraada ah si aad u taageerto ilmahaaga, sida risiidhada iyo nuqulada jeegaga. Hadii aadan bixin masruufka ilmood ama dhaqaale ahaan aadan si kale u gargaarin ilmahaaga si kale, waa suuro gal in ay dhib ku noqoto helida sharciga.
Iska diiwaan geli adeega shaqada qaranka
Labka jooga gudaha Mareyknka (U.S) ee da’doodu u dhaxayso 18-25 waa qasab inay iska diiwaan geliyaan adeega shaqada qaranka. Waxaa jira dhowr waxyaabood oo laga reebo arrintan. Hadii ay da’daadu u dhaxayso 18 iyo 25, waa inaad isku diiwaan gelisaa 30 maalmood gudahood Mareykanka (U.S.). Raga aan sharciga ku lahayn wadanku xataa waa inay iska diiwaan geliyaan adeega shaqada qaranka.
Akhbaarta laga soo uruuriyo Adeega Shaqada Qaranka waxaa loo isticmaali karaa hadii Mareykanka (U.S.) uu bilaabo inuu dad u qafaalo adeega ciidanka awgeed. Akhbaarta laga soo uruuriyo adeega Shaqada Qaranka lalama wadaago hay’ada ICE.
Iska diiwaan geli adeega shaqada qaranka adigoo isticmaalaya khadka ( on-line) ah www.sss.gov/ ama tag Xafiisyada ay leedahay Boostada Mareykanku (U.S. Post Office).