Waxaad qaadan kartaa racfaan haddii aadan ogolayn go’aan ay degmadu gaartay. In aad racfaan qaadato, waxaad haysataa 30 maalmood laga bilaabo taariikhda aad ogaysiinta heshay. Ka wac markiiba xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid) ee deegaankaaga 1-(877) 696-6529.
Waxaad heli kartaa gargaarka oo dhamaystiran inta lagu jiro racfaanka, haddii aad racfaan qaadatay.
- 10 maalmood gudohood laga bilaabo taariikhda degmadu kuu soo dirtay ogaysiinta ama
- Ka hor taariikhda joojinta ama jaridu bilaabato.
Hadii ay jirto “sabab macquul ah” oo di b ugu dhacday, waxaad racfaanka qaadan kartaa 90 maalood kadib ogaysiinta. Waxaa sabab macquul ah noqon kara addiga oo jiranaa ama magaalada ka maqnaa markii ogaysiintu timid.
Waxaa jira 2 siyood oo aad u diri kartid racfaankaaga.
Si xiriirsan (toos ah):
Waxaad kari kartaa fill out a form and submit your appeal xiriirsan.
Waxaa kaloo jira timaan bixin haddii aad rabto in aad akhriso . Si tadaxar leh u akhri foomka, si dhamaystiran u buuxi, kadibna guji “Dir” ‘Submit” dhanka midig ee hoose. Waxaa wanaagsan in aad koobi ka daabacatid.
Boostada ama fakis:
Haddii aadan rabin in si toos ah (xiriir) ah u samaysid racfaanka, qor warqad aad ku sheegayso waxa aad u malaynayso in khalad ku jiro sheegashada bixinta siyaadada ah. Ku qor warqadda tirsiga dacwadaada. Koobi kala har.
U dir warqadda : MN Department of Human Services
Appeals Office
PO Box 64941
St. Paul, MN 55164-0941
AMA fakis ku dir. Fakiska xafiiska racfaanka ee gobolka waa (651) 431-7523. Meel dhigo caddaynta fakiska.
Waxaa fiican in aad koobi racfaanka ah u dirtid shaqaalaha maaliyadda.
Xog Dheeraad ah fiiri xogta urursan, Racfaan U Qaadashada DHS (Racfaan Ka Qaadashada Gargaarka Dadweynaha).