Waxa aad u baahan tahay:
- inaad ka yar yahay 21
- aadan guursan
- aad ku sugan tahay wadan United States aadna
- iminka ku lug leedahay kiis gobol oo ku saabsan hayntaada ama daryeelkaaga AMA aad doonayso inaad bilowdo kiis aad ku codsanayso in qofka weyn oo aad aaminsan tahay oo nololaasha qayb ka ahi uu ku hayo ama uu mas’uul kaa noqdo.
Amar maxkamad gobol ka soo baxa ayaa ah daliisha laga maarmaanka ah ee aad u baahan tahay si aad u codsato SIJS. Hubi inaad la tashato qareen ka hor inta aadan ka xareyn wax codsi ah oo amar maxkamad gobolku leeyahay ah maxkamadaasi mid kay rabtaba ha noqotee. Tani
ujeedadeedu waa in la hubiyo in amarkaaga laga xareeyo maxkamada gobolka ee saxda ah IYO uuna leeyahay dhamaan hadalka loo baahan yahay.
OGOW: waa KHASAB inaad haysato amar maxkamaddu gobolku soo saartay oo uu saxiixay xaakim AYNA hay’adda USCIS ay hesho codsigaaga SIJS ka KA HOR inta aadan gaarin 21. Haddii hay’adda ay hesho codsigaaga SIJSka gaartay 21 sanno jir, xaq uma yeelanaysid SIJS.
Ka hor inta aadan ka dalban SIJS hay’adda USCIS ka, maxkamadda gobolku waa inay si cayiman ugu go’aamisaa wax kaas ah oo adiga kugu saabsan amar maxkamadeed. Go’aamadaasina waa:
- inuu kugu tacadiyey, ku dayacay, ama uu ku cidleeyey mid laba labadaada waalidba
- Sababta oo ah tacadi, dayac ama cidleyn awgeed inaad dib ugu noqoto inaad la nolaato ama aad dib ugu xiranto mid ama labadaa waalid aysan suurtagal ahayn IYO
- Inaysan maslaxadaada ahayn in dib laguugu cesho wadankaagii ama meeshii ugu dambaysay ee aad ku noolaan jirtay.
Minnesota, waxaa ka jira noocyo kala duwan oo maxkamadaha gobol ah oo arrintani ay ka dhici karo. Waxaa ku jira kuwaa kiisaska ilaalinta kurayda (sidda kiisaska ilaalinta ilmaha), kiisaska maxkamadda qoysaska ee ku taxaluqa waalidka midka loo xukumayo inuu ilmaha haysto, kiisaska kurayda dambiyadda gala iyo “kiisaska mas’uul ka noqoshada kurayda khatarka ku sugan. Warqadda xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa raadinta amarka SIJS iyadoo la adeegsanayo mas’uul ka noqoshada ‘kurayda khatarta” ku sugan.
Kolka aad ka codsato shacriga SIJS hay’adda USCIS, waxaad kaloo u baahan tahay cadeyn sharci ah oo ah goorta iyo meesha aad ku dhalatay. Waxa aad u baahan tahay inaad tan la xareyso codsigaaga. Haddii aad doonayso inaad dalbato sharciga SIJS aadana haysan warqad dhalasho, waa ra’yi wacan inaad mid soo hesho sidda ugu dhaqsaha badan ee aad awoodo. Haddii aadan heli karin warqad dhalasho, waxaa jira cadeymo kale oo noocyo kale oo cadeyn kara da’daadda oo aad siin karto hay’adda . Gal barta https://www.uscis.gov/working-in-US/eb4/SIJ. Riix “Sidda Loogu Dacwoodo Cadeynta SIJ” “How to Petition for SIJ Classification (Form I-360)” si aad wax ugu ogaato waxyaabaha kale ee cadeynta da’da ah ee ay aqbalaan.