Dal-Ku-Galka (Passport) Ilmaha Ku Dhasha Mareykanka (U.S.)
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa u helida dal-ku-gal (Passport) ilmaha ku dhasha Mareykanka (US).
Warqadan xogta aruursan ahi ma i caawin kartaa aniga?
Ilmaha ku dhasha wadanka United States waa muwaadin Mareykan ah (U.S.) waxa uuna u helaa dal-ku-galka Mareynka (U.S.) cadeyn ahaan ah muwaadinimadiisa. Dal-ku-galka Mareynka (U.S.) ku sidoo kale waa loogu baahanay u socdaalka dibada Mareykanka (U.S.). Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay kuu sheegi adiga sida loogu helo dal-ku-gal ilmahaaga. Adigu martabada sharciga ah ee aad haystaa arrintan ma ay quseeyso.
Warqadan xogta aruursan ahi kuma siinayso adiga akhbaar ku saabsan sida loo cadeeyo muwaadinimada ilmaha ugu dhasha dibada Mareykanka (U.S.) waalid muwaadiniin ah, ama ilmaha ay u qaataan muwaadiniin Mareykanka (U.S.) ahi in ay korsadaan.
Hadii aad rabtid inaad cadeyso muwaadinimada ilmaha waalidka dhalashada muwaadinimada qaatay, eeg warqadayada xogta aruursan ee Dhalashada Muwaadinimada Mareykanka (U.S.) Cadeynta Muwaadinimada Ilmahaaga.
Foomka aad u baahan tahay waxa ay ku jiraan khadka (online) ka. Hadii aadan haysan kumbuyuutar, waxa aad isticmaali kartaa kuwa yaal maktabadaha dadweynaha. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa foomamka rugta codsiga dal-ku-galada (passport). Si aad u hesho rug kuu dhow gal Shabakada: http://iafdb.travel.state.gov.
Dal-Ku-Galka (Passport) Buuga ah ama Dal-Ku-Galka Kaarka ah (Passport)?
Waxaa jira 2 nooc oo dal-ku-galyo ah – dal-ku galka buuga ah iyo dal-ku-gal kaarka ah. Waxa aad u codsan kartaa isku si. Labadaba waxa ay u shaqeeyaan muddo 5-sanno ah ilmaha 16-sanno ka yar, ilmaha 16-sanno jira ama ka weyna waxa ay u shaqeeyaan muddo 10-sanno ah.
Dal-ku-gal buuga ah waxaa loo isticmaalaa safarada caalamiga ah ee diyaarad, badda ama dhulka ah.
- $145 weeye qiimaha codsadayaasha 16 jir ka ah ama ka weyn ($110 waa cusboonaysiinta)
- $115 weeye qiimaha codsadaha ka yar 16
Dal-ku-galka (passport) kaarka waxaa loo isticmaalaa in Mareykanka (U.S.) looga soo galo xaduudyada dhulka ah iyo dakadaha badda ee Canada, Mexico, Caribbean, iyo Bermuda. Looma isticmaali socdaalada dayaaradaha ee caalamiga ah.
- $65 waa khidmada codsadayaasha 16 jir ka ah ama ka weyn ($30 waa cusboonaysiintu)
- $50 weeye khidmada codsadayaasha ka yar 16
Siddee ayaan u codsan karaa ilmahayga dal-ku-galkiisa (passport)?
Mar labaad, habka codsiga dal-ku-galka buuga ah iyo dal-ku-galka kaarka ahi waa isku mid. Waxa aad u baahan tahay Foomka DS-1 ee codsiga dal-ku-galka Mareykanka (U.S.) Form DS-11: Application for a U.S. Passport. Waa aad dooran kartaa hadii aad rabto inaad ku buuxiso khadka (online) ka ama waa aad daabacan kartaa nuqul banaan (PDF). Ku sameynta khadka (online) ka waxa aad ku marin hanaaan talaabo-talaabo ah.
- Riix “waxaan u baahnahay dal-ku-gal’ “I need a passport” ka dibna dooro da’da aad rabto
Ama waxa aad ka heli kartaa foom rugta codsiga. Qaar badan oo ka mid xafiisyada boostada ee Mareykanka (U.S.), rugaha dowlada hoose, ama xafiiska laysinka darawalku waxa ay fidiyaan adeegyo dal-ku-galka (passport) ah si aad u hesho rug kuu dhow gal Shabakada, http://iafdb.travel.state.gov ama wac 1 (877) 487-2778.
- Ku buuxi foomka akhbaarta shakhsiyanka ah ee ilmahaaga ku saabsan sida meesha uu dhashay, da’da, akhbaarta waalidka, iyo ciwaanka.
- Waxaa kalood u baahan tahay inaad sii qaadato dukumiintiyo kale iyana. Tilmaamaha foomka waxaa ku qoran waxa aad u baahan tahay waxa ayna bixisaa faahfaahino iyaga ku saabsan. La tag foomka la buuxiyey iyo dukumiintiyadaa rugta codsiga.
Da’da ilmahaygu shaqo ma ku leedahay codsiga dal-ku-galka (passport)?
Ilmaha 18 ka sanno jirka ama ka weyn waxa ay codsan karaan mid iyaga u gaar ah, iyagoo raacaya talaabooyinka kore.
- Dal-ku-galka buuga ah qiimahiisu waa $145 (cusboonaysiintuna waa $110). Kaarka dal-ku-galka qiimahiisu waa $65 (cusboonaysiintuna waa $30). Waxana u shaqeyn 10-sanno.
Ilmaha 16 ama 17 sanno jirka ah waxa uu uga baahan yahay ogolaanso waalidka ama weliga mas’uulka ah si uu u codsado dal-ku-gal waa khasab in asagoo goobta codsiyada xaadir ku ah uu codsado.
- Waana khasab inay la tagaan ogolaansho qoran oo nootaaye leh oo labada waalid midkood ah ama waliga ay ka keenaan, nuqul ah aqoonsiga (I.D.) waalidkooda, iyo aqoonsigooda (I.D.), rugta codsiga. AMA waalidka ama weli ayaa raaci ilmaha tusina kara aqoonsiga (I.D.).
- Dal-ku-galka buuga ah qiimahiisu waa $145. Kaarka dal-ku-galka qiimahiisu waa $65. Waxana ay shaqeyn 10-sanno.
Ilmaha ka yar 16 sanno waa khasab inuu tago rugta codsiga si uu u codsado isagoo xaadir ah.
- Adiga iyo dhamaan waalidka ama weliyada kale waa khasab inaad adina tagtaan rugta. Adiga iyo waalidka/weliga kale waa inaad tustaan rugta aqoonsiyadiina (I.D.)
- Dal-ku-galka buuga ah qiimahiisu waa $115. Dal-ku-galka buuga ah qiimahiisu waa $50. Waxana ay shaqeyn 5-sanno.
Ka Waran hadii labadayda waalid mid ka mid ahi uusan tagi karin rugta codsiga?
Hadii adiga ama waalidka kale aydnaan u raaci karin, ama aynaan u raacayn ilmahaaga goobta codsiga dal-ku-galka, waalidka aan raaci karin ilmahu waxa uu u baahan yahay inuu buuxiyo Foomka DS-3053 Oraahda Ogolaanshaha – Siinta Dal-ku-galka Ilmo ka Yar 16. Form DS-3053: Statement of Consent - Issuance of a Passport to a Minor Under Age 16. Kan kuma aad buuxin kartid khadka (online) ka, waxa kaliya oo daabacan kartaa foom banaan.
Ka Hel Foomka DS-3053 (Form DS-3053) khadka (online) ee ah http://travel.state.gov/content/travel/en/passports.html
- Hoos u riix falaarta oo tag “waxa aan rabaa foomka “(I want a form)”
- Riix “La soo bax ama Buuxi Foomkayga (“Download or Fill Out my Form”)
- Hoos u riix falaarta oo tag Foomama Xaaladaha Gaarka ah” (“Forms for Special Situations”)
- Riix “Oraahda Ogolaanshaha: Siinta Dal-ku-gal Ilmo DS-3053” [“Statement of Consent: Issuing a Passport to a Child (DS-3053)”]
Waxaad sidoo kale aad ka heli kartaa DS-3053 rugta codsiyada dal-ku-galka. Foomka la buuxiyey waa khasab in lagu hor saxiixo nootaayaale.
Waxaad kaloo u baahan tahay nuqul ah labada dhinac ee aqoonsiga labada waalidka kan maqan.
La tag foomka buuxsan iyo nuqulka aqoonsiga rugta codsiga. Foomka cadeynaya ogolaanshaha waalidka kale ma noqon karo mid da’diisu ay weyn tahay 3 bilood.
OGOW: hadii waalidka kale uu geeriyooday, la imow warqada cadeynta geerida ama warqada dhaarta geerida.
Hadii adiga kaliya laguu xukumay inaad sharciyan ilmaha mas’uul ka tahay, uma baahnid waalidka kale. LAAKIIN waa inaad cadeysaa inaad haysato xukunka ah inaad kaligaa ilmaha sharciyan mas’uulk ka tahay. La imow amarka maxkamada ee oranaya adiga kaliya ayaa ilmaha haysanaya. Hadii adigu aad tahay hooyada ilmaha, aabaha ilmaha dhalayna aydnaan isqabin, waxaad kale oo cadeyn kartaa arrintan hadii aad la imaado warqada dhalashada ilmaha taa oo hooyada kaliya uu magaceedu ku qoran yahay.
Gobolka Minnesota, hadii labada waalid aysan isqabin kolkii uu ilmahu dhashay ama calool galay, kolkaa hooyada ayaa kaligeed ilmaha sharciyan mas’uul ka ah. Arrintani waa jiri kartaa xataa hadii aabahu uu ku qoran yahay warqada dhalashada. Hooyada aan la qabani waxa ay isku dayi karaa inay hesho amar maxkamad qoys oo oranaya iyada kaliya ayaa sharcigan ka mas’uul ah ilmaha si ay u jirto cadeyn warqad ku qoran oo la hayo. Eeg warqadayada xogta aruursan ee Aabanimada iyo Hayshada Ilmaha.
Hadii aadan haysan cadeyn, buuxi Foomka DS-5525: Oraahda Dhaqsaha/Duruufaha Gaarka ee Qoyska - Siinta Dal-ku-galka Ilmo ka Yar 16. DS-5525: Statement of Exigent/Special Family Circumstances - For Issuance of a Passport to a Minor Under Age 16 si aad isugu daydo inaad sharaxdo xaaladaada. Akhbaar kale ee foomkan ku saabsan ayaa ku jira qaybta soo socota.
Ka waran hadii AANAN haysan kaligay haysashada sharciga ah ee ilmaha laakiin waalidka kale uusan saxiixi karin ama uusan doonayn inuu saxiixo foomka?
Hadii aadan haysan haysasho sharci ah oo kaligaa ah oo ilmaha ah, waalidka kalena uusan saxiixi karin ama uusan doonayn inuu saxiixo Foomka DS-3053, kolkaa waxa aad siin kartaa xafiiska dal-ku-galka (passport) oraah nootaayeysan ama Foomka DS-5525 (Form DS-5525.) Oraahda ama foomku waxa uu sharxaa sababta waalidka kale aan loo heli karin.
Tusaaleyaal ah sababta waalidka kale uusan u saxiixi karin warqada waxay noqon karaan waxyaabaha sida: waxaa jira amar amaan siin ah ama ha la soo xiriirin ah oo laga haysto, ama ma taqaanid meesha uu jirto waalidka kale. Ama waxaa dhici karta inay iska diidayo inuu saxiixo.
Ka hel foomka DS-5525 khadka (online) ka ee: http://travel.state.gov/content/travel/en/passports.html.
- Hoos u riix falaarta oo tag “waxa aan rabaa foomka “(I want a form)”
- Riix “La soo bax ama Buuxi Foomkayga (“Download or Fill Out my Form”)
- Hoos u riix falaarta oo tag “Foomamka Xaaladaha Gaarka ah” (“Forms for Special Situations”)
- Riix “Oraahda Daruufaha Gaarka ah ee Qoyska (DS-5525)” “(Statement of Special Family Circumstances (DS-5525)”
LAAKIIN wakiilka codsiga ee qabanaya foomkaaga ayaa go’aansada in la ansaxiyo iyo in kale. Ma jiraan wax hubaal ah oo ah in sharaxaadaada la aqbali doono. Xarumada codsiyada ee kala duwani waxaa dhici karta inay qaataan go’aamo kala duwan oo ku saabsan isla codsi. Sida ugu hubaalsan ee la isaga dhowri karo u baahnaanta saxiixa waalid kale waa inaad isku daydo inaad ku hesho hayashada sharciyanka ah ee ilmaha ee kaligaa ah amar maxkamad qoys.
Ka wadan hadii labada waalid uusan midna tagi karin rugta codsiga?
Qolo-sedexaad ayaa codsan karta dal-ku-galka ilmaha. Waxa ay qolada sedexaad u baahan tahay oraah nootaayeysan inay ka soo qaadaan labada waalidka/mas’uulka oo oranaysa wax ay u haystaan ogolaansho inay u codsadaan ilmaha dal-ku-galka. Oraahda waa khasab inay ku jiraan sawiro ah aqoonsiga labadaba waalidka oo horey iyo gadaalba laga sawiray.
Hadii ogolaanshahu uu yahay mid laga helay hal waalid/mas’uul, qolada sedexaadi kolkaa waa khasab inay keento cadeyn ah in waalidku uu yahay kan haysta haysashada sharciga ah ee kalida ah. Warqada nootaayada lehi ma noqon karto mid da’deedu ay weyn tahay 3 bilood.
Ka waran hadii aanan haysan qaar ka mid dukumiintiyadaa loo baahan yahay ee dal-ku-galka (passport)?
Hadii aadan ka heli karin nuqul warqada dhalashada ee ilmahaaga, hel qof xaadir ahaa kolkii ilmahaagu uu dhalanayey si uu u buuxiyo Foomka DS-10 ee Dhaarta Dhalasho Ogaadaha Form DS-10 Affidavit of Birth.
Ka hel Foomka DS-10 shabakada (online) ka ee https://eforms.state.gov/
- Riix DS-0010 (“DS-0010”)
La imow wixii dukumiintiyo ah oo aad heli kartid ee cadeynaya magaca ilmaha, taariikhda dhalashada, iyo wax magacyada waalidku ku wada qoran yihiin. Kuwaasi waxay noqon karaan sida waxyaabaha:
- Warqad xalaalayn ah
- Warqad dhalasho oo cisbitaal
- Qoraalka tiro-koobka
- Warqadaha jaraa’idka
- Qoraalada kaarar caafimaadka
- qoraalada tacliinta hore
- qoraalada kitaabka masiixiga
- qoraal dhaqtar oo ah daryeel dhalashada ilmaha ka dib ah
Waxaad kaloo u baahan tahay dukumiintiyada aqoonsi (I.D.) ah ee dadka waaweyn. Kuwaa waxaa ku jiri kara waxyaabaha sida:
- laysinka gawaarida oo shaqeynaya
- aqoonsi ciidan bixiyey
- aqoonsi dowladi bixisay
- dal-ku-gal (passport)
- shahaadada muwaadinka ama dhalashada, ama
- kaarka deganaanta rasmiga ah
Hadii aadan haysan wax dukumiintiyadaa aqoonsiga (I.D.) ah waa khasab inaad haysato noocyo kale oo aqoonsi ah IYO makhraati cadeynaya qofka aad tahay. Makhraatigaagu waa khasab inuu:
- inuu noqdo qof ugu yaraan ku yaqaaney 2-sanno,
- noqodo muwaadin Mareykan ah (U.S.) ama dagane rasmi ah,
- haysto aqoonsi shaqeynaya iyo
- inuu ku hor buuxiyo Foomka DS-71: Dhaarta Makhraatiga Wax Cadeynaya, wakiilka xafiiska dal-ku-galka. Kama aad heli kartid Foomka DS-71 khadka (online) ka. Qofka makhraatiga kuu ahi waa inuu kuu raacaa rugta codsiga dal-ku-galka. Halkaa ayey ku hayaan foomamka.
Ka waran hadii aan qabo su’aalo kale ama dhibaatooyin ku saabsan dal-ku-galka ilmahayga (passport)?
Wac Hay’ada Dal-Ku-Galka ee Minneapolis hadii aad dhib la kulanto ama laguu diido dal-ku-galka. Sidoo kale wac iyaga hadii aad is leedahay kiiskaagu waa dhib badan yahay aadna doonayso inaad iska dhowto inaad kala kulanto dhibaato rugta codsiga ee deegaankaaga. Waxa ay qaabilsan yihiin kiisaska la dadajinayo (dhaqso). Waxa ay dadka ka qaadaan khidmadaha caadiga ah ee dal-ku-galada iyo waliba $60 oo siyaado ah.
Kolka aad wacdo waxa ay ku oran waa khasab in aad lahaato baahi socdaal oo degdeg ah, laakiin, ma aad lehid taa adigu. Ka sameyso balan. Waxaad sidoo kale ka sameynsan kartaa balan khadka (online) ka ee: https://passportappointment.travel.state.gov.
Hay’ada Dal-Ku-Galka ee Minneapolis: (877) 487-2778
(Minneapolis Passport Agency)
212 Third Ave. S.
Minneapolis, MN 55401
Ka waran hadii aan ka baqayo ilmahayga waalidkiisa kale inuu u qaado dal-ku-gal (passport) iyaga aniga oo aan ogayn?
Iyadoo ay sababtu tahay khaa’inimo ku saabsan dal-ku-galada ilmaha iyo arrimo kale oo ku saabsan ogolaanshaha, ayaa waxaa jira barnaamij cusub oo la yiraa Barnaamjika Feejignaanta Bixinta Dal-Ku-Galka Ilmaha (CPIAP). Hadii aad tahay waalid ay qofkii ay isabeen ay kala baxeen ama ay isfureen, waxa aad codsan kartaa inaad ka qorto ilmahaaga liiska digtoonaanta ee kiisaska ah furiinka, kala baxa, ama xaaladaha kale ee haysashada sharciganka ah ee ilmaha ee ay labada waalid wadaagaan. Barnaamijkani waxa uu xayiraa dal-ku-galka ilmaha yar ilaa iyo inta uu ka xaqiijinayo ogolaansho inay bixiyeen labada waalidba. Hadii waalidka kale uu isku dayo inuu u codsado dal-ku-gal ilmahaaga adiga oo aan ogayn, waa lagula soo socodsiin arrintaa. Wixii kale ee akhbaar ah iyo sida la isu qoro barnaamijka gal shabakada: https://travel.state.gov/content/travel/en/International-Parental-Child-Abduction/prevention/passport-issuance-alert-program.html