Daryeelada Caafimaad ee Dadka Aan Muwaadiniinta Ahayn
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa barnaamijyada kaararka caafimaad ee Minnesota ee dadka aan muwaadiniinta ahayn, iyo sidda caawimaad looga helo iyaga.
Ma u heli karaa daryeel xaalad caafimaad haddii aanan ahayn muwaadin Mareykan (US) ah?
Gobolka Minnesota waxaa ka jira 3 nooc oo caymiska caafimaadka ah oo loogu tala galay dadka dakhligoodu hooseeyo. Hadii aadan haysan dhalashada Maraykanka waxaa laga yaabaa inaad caawimo ka heshid mid ka mid ah barnaamijyadan, laakiin waxay ku xiran tahay inta dakhligaaga yahay, sharciga aad wadanka ku joogtid nooca uu yahay iyo taariikhda sharciga lagu siiyay.
Barnaamijyadani waxay kala yihiin:
- Caymiska caafimaadka gobolku bixiyo (MA)
- Caymiska caafimaadka ee gobolku qayb kabo(MNCare)
- Caymiska caafimaadka ee gargaar degdeg ahaan loo bixiyo (EMA)
Caymiska Caafimaadka ee Gobolku bixiyo (MA)
Caymiska Caafimaadka ee Gobolku bixiyo (MA)
Caymiska koobaad ee gobolka MN waa caymiska gobolku bixiyo ee MA. Caymiska MA wuxuu bixiyaa inta badan adeegyada caafimaad ee muhiimka ah. Hadaba si’aad u heshid caymiska MA, waa inaad tahay qof dakhligiisu hooseeyo , waa inaad buuxisid shuruudaha lagu helayo, iyo inaad leedahay sharci buuxinaya shuruudaha laanta socdaalka.
Shuruudaha
Hadaba si’aad u heshid caymiska MA, ugu yaraan waa inaad buuxisid mid ka mid ah shuruudahan soo socda:
- Hadii gabadhu uurleedahay
- Hadii aad ka mid tahay qoys qaata caydh MFIP ama haysta caruur aan qaan gaadhin
- Hadii aad ka yar tahay 21 jir
- Hadii aad tahay naafo ay aqoonsatay hay’adda sooshal sakuuratiga ama gobolku.
- Hadii aad jirtid 65 sano ama ka wayn tahay
- Hadii aad jirtid 21 sano ama aad ka wayn tahay isla markaana ayna wax caruur ah oon qaan gaadhin ayna guriga kugula noolayn
Dakhliga lagaa rabo inta uu noqonayaa waxay ku xiran tahay,da’da aad jirtid, inaad caruur haysatid iyo inkale,hadii aad naafo tahay,ama in gabadhu uurleedahay. Keliya dadka waayeelka ah ama “naafada ah” ayay shuruudi ku xiran tahay inta ay le’egtahay hantida guud ee ay haystaan si’ay u helaan MA.
Hadii aadan buuxin mid ka mid ah shuruudahaas siday u badan tahay laguma siinayo caymiska MA.
Hadii aad buuxisid mid ka mid ah shuruudaha kor ku qoran , sida caadiga ah waxaa kale ood “xaq u leedahay” wax kasta oo ay helaan dadka aan dhalashada haysan iyadoo la raacayo sharciga dawladda dhexe.
Waad buuxisay “shuruudihii” caymiska lagu siinayay dadka aan dhalashada haysan hadii:
- Hadii aad haysatid deganaanshaha rasmiga ah (green card). (Taa macnaheedu waa waxaad haysataa shrciga deganaanshah rasmiga ah ee dalka ama loo soo gaabiyo( LPR).
- Hadii aad tahay qaxooti. (qaxootinimada waxaa ka mid ah hadii aad tahay qof asal ka soo jeeda “Koonfur bari qaarada aasiya” isla markaana aabahaa ahaa qof dhalashada Maraykanka haysta oo Koonfur Bari Aasiya joogay sanadihii uu socday dagaalkii Fiitnaam, hadii aad ka timid wadamada sida Kuuba ama Heyti , ama aad tahay qof ka yimid Afqaanistaan ama Ciraaq oo laanta socdaalku siisay magangelyo khaas).
- Ama aad tahay qof magangelyo la siiyay.
- Ama Xabsi maraykanka gudihiisa ah lagaa sii daayay halkii sanana uuna kaa dhamaanin.
- Ama si ku meel gaadh ah loo hakiyay masaafurintaada ama si buuxda loo joojiyay masaafurintaada.
- Ama lagu siiyay nooca fiisada loo yaqaan T-visa ee la siiyo dadkaay dhibta xun ay u gaysteen dadka bani’aadamka ka ganacsadaa.
- Ama sharci lagu siiyay ka dib marka qofkii ku keenay kugu dhibay ama kaala noqday sharciga.
- Ma ku nooshahay wadanka Mareykanka (US) adigoo adeegsana Barnaamijka la yiraa “Heshiiska Xulafada Xorta ah” “(Compacts of Free Association).” Taa macnaheedu waxa aad u dhalatay wadamada Palau, Micronesia, ama Marshall Islands.
Whakhtiga 5-Sano ee sugi taanka ah
Xataa hadaad tahay qof “shuruudihii buuxiyay” oo aan dhalashada haysan, Waxaa laga yaabaa inaad sugtid 5 sano (oo laga soo tiranayo taariikhdii lagu aqbalay eed “shuruudaha buuxisay”) si’aad u heshid camiska MA. MA SUGAYSID 5 sano hadii aad buuxisid mid ka mid ah shuruudaha soo socda:
- hadii aad qaxooti tahay
- hadii aad tahay qof magangelyo la siiyay
- hadii aad tahay qof laga joojiyay masaafurin la masaafurin lahaa
- hadii aad tahay qof ka tirsanaan jiray ama hadaba ka tirsan ciidamada Maraykanka
- ama aad tahay xaaska/ninka ama ilmo uu dhalay qof ka tirsanaan jiray ama hadaba ka tirsan ciidamada Maraykanka
- Hadii aad tahay dadka wadamada Palau, Micronesia, ama the Marshall Islands.
Maxaa dhacaya haduu qof kale wadanka ikeenay?
Intooda badan dadka Maraykanka yimaada waxaa keena dad qaraabadooda ah oo Maraykanka gudihiisa ku nool. Dadka qaraabada ah ee dadkooda keenaa waa kuwo haysta dhalashada Maraykan ama haysta sharciga deganaanshaha rasmiga ah ee LPR. Qofka wadanka ku keenay wuxuu ogolaaday inuu mas’uuliyadaada qaado marka aad maraykanka soo gashid, sidoo kale wuxuu laanta socdaalka ee USCIS u balan qaaaday inuu xaga dhaqaalaha kaa caawin doono, hadii ay dhaqaalo xumo kugu dhacdo.
Hadii aad Maraykanka soo gashay wixii ka dambeeyay bishii December 19, 1997 oo ay qaraabadaadu ku keentay, dawladu waxay u tixgelinaysaa in dakhligaa iyo hantida qofka ku keenay iyo lamaanihiisu inay yihiin dakhli iyo hanti aad adigu leedahay waana laguu xisaabinayaa. Hadii dad ka badan hal kafiil uu wadanka ku keenay, kafiilka kale dakhligiisa iyo hantidiisa waxaa loo xisaabin dakhli ahaan. Dakhliga iyo hantida kafiilka wadanka ku keenay waa la xisaabin ilaa iyo inta aad ka noqonayso muwaadin Mareykan ah (U.S.), kafiilka ku keenay uu ka dhimanayo ama uu si rasmi ah uga tagayo Mareykanka (U.S.), ama aad adigu shaqeysay 10 sanno laagana jaray canshuurta la yiraa (FICA) lacagtaada shaqada.
Xisaabinta kafiilka wadanka ku keenay dakhligiisa iyo hantidiisa waxaa dhici karta inay kaa kor mariso xadka dakhliga iyo hantida ee xaqqa loo yeesho barnaamijka MA. Waxaa jira nidaamyo gaar oo gobolku leeyahay oo kolkaa uusan gobolku xisaabin kafiilka wadanka ku keenay dakhligiisa iyo hantidiisa muddo 12 bilood ah hadii aad tahay dhibane tacadi loogu geystay qoyska dhexdiisa aad u baahan tahay daryeel caafimaad. Waa khasab inaad cadeyso xiriir weyn oo ka dhexeeya tacadiga laguu geystay iyo baahidaada aad u qabto daryeel caafimaad. Haddii uu dakhligaagu –iyadoon lagu darin dakhliga kafiilka wadanka ku keenay – uu ka hooseeya habraacyada lagu aqoonsado saboolnimada, waxaa dhici karta inaad hesho kaarka MA.
Fiiro Gaar ah: Dakhliga qofka ku keenay LOOMA XISAABINAYO Dumarka uurka leh iyo Caruurta.
Fiiro gaara: Dakhliga iyo hantida kafiilka wadanka ku keenay waa la xisaabiyaa kolka MA la bixinayo laakiin lama xisaabiyo kolka la bixinayo kaarka MNCare. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa in dakhligaagu ka bato intii laguugu ogolaan lahaa caymiskaMA, laakiin uu ka yaraado intii aad ku heli lahayd caymiska MNCare. Hadaba si dhibtan lagaaga caawiyo,gobolku wuxuu sameeyay barnaamij lagugu “bad baadinayo”. Barnaamijkani wuxuu ogolaanayaa inaad labada caymis midkood heshid MA ama MNCare, waxayna ku xidhan tahay inta lagu qiimeeyo dakhligaaga sanadku inta uu noqon doono. Akhri macluumaadka ku saabsan barnaamijka Badbaadada ee ku qoran qaybta ka hadlaysa MNCare hoosteeda.
Waxaa jira 2 Caymis oo gaar ah oo MA leeyahay
- Nooc MA ah oo ay bixiso hay’adda daryeesha dhibanayaasha Jidh dilka loo gaystay
Minnesota waxay leedahay miisaaniyad gooni ah oo loogu talo galay in lagu bixiyo caymis khaas ah oo MA leeyahay. Caymiskan waxaa loogu talo galay keliya dadka adeega ka hela hay’adda daryeesha dhibanayaasha jidh dilka loo gaystay ( CVT) ama barnaamij la mid ah.halkan ka gal barta internetka ee hay’adda daryeesha dhibanayaasha jidh dilka loo gaystay CVT’s) bogga www.cvt.org.
Hadii aad kaalmo ama adeeg ka heshid hay’adda CVT ama barnaamij la mid ah , waxaad buuxisay shuruudihii lagu helayay caymiskan khaaska ee MA bixiyo.Uma baahnid inaad buuxisid “shuruudaha” loogu ogolaado dadka aan dhalashada haysan. Xataa uma baahnid inaad buuxisid shuruucda caymiska MA lagu helo. Sidoo kale muhiim ma aha inuu dakhligaagu hooseeyo iyo inta ay le’egtahay hantida aad haysataa!
- Caymiska MA ee Dumarka uurka leh iyo Caruurta – Barnaamijka Caymiska Caafimaadka ee Caruurta(CHIP)
Caruurta sida sharciga ah ugu nool wadanka Maraykanka waxay xaq u leeyihiin Caymiska MA. Caruurta caymiskan la siinayo waxaa ka mid ah kuwa loo ogolaaday inay si ku meel gaadh ah wadanka ugu noolaadaan(TPS) kuwaas oo dalbaday sharciga iyo magangelyo laakiin aan weli la aqbalin,iwm.Uma baahna inay buuxiyaan “shuruudaha” loogu ogolaado dadka aan dhalashada haysan. Caymiska MA ee la siiyo caruurta aan “shuruudaha”buuxin waxaa maal geliya Barnaamijka caymiska caafimaadka caruurta ee CHIP.
Hadii aad uur leedahay, waxaad heli kartaa caymiska MA mudada aad uurka leedahay oo dhan iyo mudo 2 bilood ah umushaada ka dib ah. In Caymiskan lagu siiyaa kuma xirna nooca uu yahay sharciga aad wadanka ku joogtaa. Caymiskan MA waa lagu siinayaa xataa hadii aad wadanka sharci daro ku joogtid. Kharashka ku baxaya caymiska MA waxaa bixinaya barnaamijka caymiska caafimaadka caruurta ee CHIP.
giving Ogow: Laga bilaabo bisha Luulyo 2, 2022, hooyaddu xaq waa u yeelan karaa kaarka MA muddo 12 bilood ah ka dib kolka ay umusho.
Caymiska Caafimaadka ee (MNCare)
Caymiska Caafimaadka ee (MNCare)
Caymiska caafimaadka ee labaad ee gobolka MN leeyahay waa nooca dawladdu qayb kaa kabayso oo la yiraa (MNCare). Hadii aadan buuxin shuruudihii MA lagu helo oo dakhligaagu aad u sareeyo waxaad dalban kartaa caymiska MNCare. Caymiska caafimaadka ee MNCare bil walba waa inaad lacag bixisid. Caymiska MNCare lacagta aad bixinaysaa waxay ku xidhan tahya hadba inta dakhligaagu yahay. Sidoo kale MNCare waad heli kartaa hadii aadan buuxin shuruudihii MA lagu helayay, iyo hadii aad weli ku jirtid mudadii 5-sano ee loogu talo galay in caymiska MA la sugo ama aad tahay qof aan “shuruudihii buuxin” oo aan dhalashada wadanka haysan.Caymiska MNCare ma bixiyo adeega caafimaad ee gurigaa laguugu imanayo.
Ma heli karaa Caymiska MNCare?
Waad heli kartaa caymiska MNCare hadii aad sharci sax ah ku leedahay wadanka Maraykanka si rasmi ahna ugu nooshahay wadanka gudihiisa. Waxaa laguu tixgelinayaa inaad shari wadanka ku joogtid hadii xaaladaada sharci tahay mid ka mid xaaladahan soo socda ama kuwo la mid ah:
- Qof la siiyay sharci ku meel gaadh ah oo uu wadanka ku joogo
- Qof weli ka war sugaya magangelyo uu codsaday ama si ku meel gaadh ah wadanka ku jooga ama laga joojiyay masaafurin
- Qof wareegto madaxweynuhu soo saaray ku jooga,ama laanta socdaalku ka joojisay masaafurin,ama masaafurin sugaya
- Qof xaalad bani’aadminimo darteed lagu sii daayay
- Qof sharci dalbaday oo sugaya jawaabtii laanta socdaalka
- Qof loo ogolaaday inuu si ku meel gaadh ah wadanka ugu noolaado(TPS)
- Qof haysta nooca fiisada ee (U-visa) fiisadan waxaa la siiyaa dadka iyagoo Maraykanka ku nool dhibaato jidh dil iyo bahdil ah loo gaystay
- Qof isagoo caruur ah wadanka sharci daro lagu keenay oo loo ogolaaday inuu si ku meel gaadh ah wadanka ugu noolaado (DACA).
Caymiska MNCare miyuu leeyahay sharci u degan oo ku saabsan dakhliga qofka ku keenay iyo mudada sugitaanka?
Wuu ka duwan yahay MA, waayo caymiska MNCare ma kuu xisaabinayo dakhliga qofka ku keenay. Sidoo kale, ma jirto wakhti 5-sano oo aad sugaysid MNCare.
Barnaamijka Caymiska caafimaadee badbaadada
Sida badan, si qofku si’uu u buuxiyo shuruuda lagu helayo caymiska MNCare dadka aan dhalashada Maraykanka haysan ee ku nool wadanka Maraykanka gudihiisa waa in dakhligoodu yahay inta u dhaxaysa 137% ilaa 200% Iyadoo la raacayo sharciga fakhriga ee ay dawladda dhexe u dejisay fakhriga (FPG). Sababtoo ah caymiska MA wuxuu xisaabinayaa dakhliga qofka ku keenay laakii caymiska MNCare kuuma xisaabinayo, qofka aan dhalashada haysan waxaa laga yaabaa in dakhligiisu ka bato kii MA lagu helayay isla markaana ka hooseeyo kii uu ku heli lahaa MNCare. Inta uu noqonayo heerka dakhliga lagaa rabaa inuu income levels noqdaa waxay ku xiran tahay inta ay tahay tirada dadka gurigaaga ku nooli. Sababtaa uu qofku labadii dhinacba seegayo darteed , gobolka wuxuu u sameeyay dadka xaaladani soo wajahdo barnaamij lagu badbaadinayo oo qofku helaya caymiska MA ama MNCare, waxayna ku xiran tahay inta lagu qiimayo dakhligooda sanadka.
Caymiska Cafimaad ee Gargaarka Degdega ah (EMA)
Caymiska Cafimaad ee Gargaarka Degdega ah (EMA)
Caymiska EMA waa barnaamijka caymiska caafimaad ee sedexaad ee gobolka MN leeyahay. Caymiska EMA waad heli kartaa, nooc kasta oo sharciga aad haystaa yahayba iyo hadii aadan wax sharci ah lahaynba, laakiin, caymiska EMA adeegyada uu bixiyaa way kooban yihiin.
Ma heli karaa caymiska EMA?
Si laguu siiyo caymiska EMA, waa inaad buuxisaa ugu yaraan shuruud ka mid ah shuruudahan soo socda:
- inaad uur leedahay,
- a inaad ilmo yar tahay ama aad ku nooshahay guri ay joogaan ilmo aan qaan gaadhin
- naafonimo la aqoonsan yahay
- inaad tahay 65 jir ama aad ka wayn tahay
- inaad tahay 21 jir ama aad ka wayn tahay gurigana ayna kugula noolayn ilmo aan qaan gaadhin
Caymiska EMA muxuu bixiyaa?
Caymiska EMA wuxuu bixiyaa adeega gargaarka degdega ah ee caafimaad. Si laguu siiyo caymiska EMA, waa inay kula soo deristo xaalad caafimaad oo khatar ahi ama ay jiraan xanuuno aad qabtid. Si laguu siiyo caymiskan waa in xanuunka ku haya ama khatarta caafimaad ee ku soo wajahday ay yihiin kuwo hadii aan lagaa dawayn uu caafimaadkaaga iyo xubnaha jirkaagu ay khatar gelayaan.
Hadii ay xaalad caafimaad oo degdeg ahi kugu timaado,caymiska EMA wuu bixinayaa kharashka dawayntaada. Sida caadiga ah waxay bixiyaan dawaynta lagu sameeyo qolka gargaarka degdega ah ama gaadhiga ambalaasta dhexdiisa. Sidoo kale caymiska EMA way bixinayaa kharashka hadii isbitaal lagu seexiyo ama aad dhowaan ka soo baxday isbitaal welina aad u baahan tahay inaad dhakhtar kale aragtid.
Caymiska EMA waad heli kartaa hadii xaga wadnaha ama neefsashada aad dhib ka qabtid hadii, aan mudo 2maalmood guduhooda lagaa dawayna aad dhib culus la kulmaysid.
Sida caadiga ah caymiska EMA ma bixiyo xanuunada qofku mudo dheer qabay dawayntooda. Laakiin caymiska EMA wuu bixinayaa dawaynta qaar ka mid xanuunada qofku la noolyahay, sida kansarka iyo cudurada kelyaha ku dhaca. Caymiska EMA ma bixinayo adeega caafimaad ee qofka guriga loogu tegayo, dawaynta xanuunada maskaxda, ama adeegyada kale ee caafimaad ee la xiriira xaalado caafimaad “oon- degdeg ahayn.”
Si’aad u heshi macluumaad dheeraad ah oo la xiriira EMA, booqo oo akhri xogta urursan ee Daryeelka Caafimaadka Degdegga ah.