Wadanka United States, guurku waa sharci kolka aad ka codsato dowlada warqad nikaax ka dibna aad qabato xaflad meher oo u hogaansanta xeerarka cayiman.
Gobolka Minnesota waxa aad ka codsan warqada nikaaxa degmada. Kolkaa meherka waa inuu sameeyo qof loo ogal yahay inuu sameyn karo. Kolkaa ka dib waxa aad heli warqada nikaaxa.
Hadii uu nikaaxa uu sameeyo qof loo ogol yahay inuu sameyn karo, ka dib xeerarka diintaada laakiin AADAN codsan warqada nikaaxa, guurkaagu kolkaa kama sharciyeysna Monnesota.
Badanaa furiinku sharci ma ah hadii aan labada qof ee is furaysaa aysan maxkamad wada tagin. Warqado ayaa laga xareystaa maxkamada caadiyana labada qof oo is furaysaa waa khasab inay la kulmaan xaakim, Xaakimka waxa uu saxiixaa foom oranaya waa aad is furteen.
Maadaama gobol walbaa uu leeyahay sharciyo ka duwan kuwa gobolada kale oo u gooni ah, guurka ama furiinku waa inuu u hogaansamaa sharciyada gobolka meherka ama furiinku ka dhacay.