Hadii aad ka yar tahay 18 sanno, waxaa dhici karta inaad ka heli karto caawimaad barnaamijyada manfacyada dowlada iyadoo hadba ku xiran xaaladaadda. Barnaamij walba waxa uu leeyahay xadad dhanka dakhliga ah. Taa macnaheedu waa lacag badan kuma soo geli karto wax badan oo hanti ahna ma lahaan kartid.
Hadii aad la nooshahay waalidkaa, ama qof sharciyan mas’uul kaa ah (amar maxkamadeed), ama ehelkaa ah, aadna ilmo haysto waxaa dhici karta inaad heli karto:
- Lacagta cadaanka ah ee MFIP oo bil walba ah (Minnesota Family Investment Program)
- SNAP (Barnaamijka Gargaarka Kaabida Nafaqada – cuntada ah)
- MA (Kaar Caafimaad)
- WIC (Haweenka, Dhallaanka, Ilmaha). Waad heli kartaa WIC hadii aad uur leedahay.
Dakhliga iyo hantida waalidkaa ayaa la xisaabiyaa barnaamijyada qaarkood kolka la go’aansanayo xaq u yeeladka barnaamijyada.
Hadii aad la nooshahay qof aan qaraabo kula ahayn ama aan mas’uul kaa ahayn, waxaa dhici karta inaad hesho:
- SNAP (Barnaamijka Gargaarka Kaabida Nafaqada –cuntada ah)
- MA (Kaar Caafimaad)
- WIC (Haweenka, Dhallaanka, Ilmaha). Waad heli kartaa WIC hadii aad uur leedahay
Waxa dhici karta inaad heli karto waxyaabahaa ilmo hayso ama ha haysane. Hadii qofka aad la nooshahay uu haysto Ku Wareejin Mas’uuliyadii Waalidka (DOPA), laakiin aydnaan qaraabo ahayn, kama heli kartid lacagta cadaanka ah ee bil walba la isa siiyo MFIP.
Hadii aad meel kale oo aan guriga ahayn aad ku nooshahay aadana ilmo haysan, waxaa dhici karto inaad hesho:
- Lacagta cadaanka ah ee bil walba la isa siiyo barnaamijka Gargaarka Guud (GA)
- SNAP (Barnaamijka Gargaarka Kaabida Nafaqada – cuntada ah)
- MA (Medical Assistance)
Hadii aada tahay dhowr iyo toban jir ilmo haysta oo qoyskaaga dibada uga nool iyadoo ay sababtu tahay tacadi jirka ama niyada ah oo uu geystay waalid, qof sharciyan mas’uulkaa ah ama ku haya, waxaa dhici karta inaad ka hesho:
Hadii aada tahay dhowr iyo toban jir aadna doonayso inaad hesho manfacyada MFIP ka, waa khasab inaad la nooshahay waalidka ku dhalay ama ku soo korsaday, qof mas’uul kaa ah, ama dad kale oo waaweyn oo ehelkaa ah, ama deegaan dad waaweyni maamulo, aan ka ahayn:
- Inaadan ogayn meesha ay jiraan waalidkaa, qofka sharciyan mas’uulka kaa ah ama qabaabadaada kale
- Waalidkaa, qofka sharciyan mas’uulka kaa ah ama qabaabadaada kale ee dadka waaweyn ahi aysan kuu ogolayn inaad la noolaato iyaga.
- Aadan la noolayn waalidkaa iyo qofka mas’uulka kaa ah ugu yaraan muddo 1 sanno ah ka hor dhalashada ilmahaaga ama codsiga manfaca MFIP
- Meel aad ku noolaato oo dad waaweyn oo ku gargaarayaa ay joogaan aysan ka jirin degmada aad ku nooshahay
Wixii kale ee la saamaxay, kala xiriir Barnaamijka Sharciga Dhalinyarada youthlawproject@mylegalaid.org
Waxaa iyana dhici karta inaad hesho hayn ilmaha ah oo kharashka lagaa caawiyo inaad bixiso.
Hadii adiga ama ilmahaagu uu naafo yahay, waxaa dhici karta inaad ka hesho manfacyada naafada Maamulka Sooshal Sakuuratiga (Social Security Administration), Waxaa jira 2 nooc oo barnaamijyada naafada ah:
- Kaabaha Dakhliga Danyarta (SSI)
- Caymiska Naafada, Hawlgabka, Nolol ku dambeeye (RSDI).
Hadii aad xaq u yeelato mid ka mid ah barnaamijyadaa waxa aad ka heli kartaa manfac lacag cadaan ah oo bil walba ah. Waxaa iyana dhici karta inaad hesho SNAP (Barnaamijka Gargaarka Kaabida Nafaqada – cuntada ah) iyo MA (Kaar Caafimaad)
Hadii aad qaadato SSI aadna ilmo haysato, waxa aad ka heli kartaa manfac lacag cadaan ah bil walba ah Barnaamijka Maalgelinta Qoyska ee Minnesota ee (MFIP). Hadii ilmahaagu uu qaato SSI, waxa aad ka heli kartaa manfac lacag cadaan oo bil walba ah MFIP.
Hadii labaada waalid midkood uu geeriyooday, waxaa dhici karta inaad ka hesho manfacyada Hawlgabka, Nolol ku Dambeeyaha, Barnaamijka Caymiska Naafada (RSDI) da ee Maamulka Sooshal Sakuuratiga (Social Security)