Hadii aadan ku qanacsanayn go’aanka ay ka gaartay hay’ada VRS arrintaada, waxa aad codsan kartaa habka qaadida dacwadaha dow marinta ah ee aan eexda lahayn. Tani waa sida dhagaysiga dacwada maxkamadaha oo kale, laakiin ma aha maxkamadeyn. Dhagaysiga dacwada waxaa qaada xaakim maamulka sharciga qaabilsan.
Qoraal ahaan ku waydiiso habka qaadida dacwada dow marinta ah ee aan eexda lahayn, 120-cisho gudahood laga bilaabo maalinta qoraal ahaan lagugu soo ogaysiiyo go’aanka la taliyaha. Warqadaada waa in lagu hagaajiyaa:
Program Specialist for Consumer Services
Vocational Rehabilitation Services
332 Minnesota Street, Suite E 200
St. Paul, MN 55101-1349
Dhagaysiga dacwada waa khasab in lagu qabto 60-cisho gudahood kolka aad codsado. Waxa aad xaq u leedahay inuu wakiil kaa noqdo taakuleye. Qareen ka socda xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa wakiil ka noqonaya hay’ada VRS xilliga dhagaysiga dacwada.
Waxaad la imaan kartaa wixii akhbaar ah ama makhraatiyaal ah ee aad is leedahay waa ay caawin karaan arrintaada.
Dhagaysiga dacwada ka dib, xaakimka maamulku waxa uu soo saaraa go’aan qoran
- Dib u eegida gudoomiyaha ee go’aanada hay’ada ALJ da: 20 -cisho gudahood ka dib kolka la soo saaro go’aanka qoraalka ah, labada qolo tii rabta ayaa waydiisan karta Gudoomiyaha Waaxda Shaqada iyo Dhaqaalaha ee Minnesota inuu dib u eego go’aanka. Waxaad kaloo soo diri kartaa akhbaar kale xilligan hadii aad is leedahay waxaa dhici karta inay caawiso arrintaada.
Gudoomiyahu ma uu burin karo go’aanka xaakimka maamulka aan ka ahayn inay jiraan “cadeymo shaki la’aan ah” oo ah in go’aanka ay “iska cadahay inuu khaldanaa (uusan qumanayn).” Gudoomiyahu isaga ayaa go’aanka kama dambaysta ah ku gaara 30-cisho gudahood laga bilaabo maalinta la codsado dib u eegida. Go’aanku waa inuu qornaadaa waana khasab inuu ku jiro warbixin buuxda oo ah xukunka iyo asbaabaha go’aanka.
- Dib u eegida dacwada: labada qolo kii raba ayaa dacwo madani ka furi kara maxkamad gobol ama mid dowlada dhexe leedahay si ay dib ugu eegto go’aanka gudoomiyaha. Dacwada madaniga ah waa khasab in lagu xareysto 30-cisho gudahood kolka go’aanka kama dambaysta ah la soo saaro.
Waxaa fiican inaad si degdeg ah ugu hesho caawimaad dhanka sharciga ah dacwadahan oo kale. Waqtiyada xareysiga dacwadahan caynkaan ahi waa qariib.
Go’aanka kama dambaysta ah ee gudoomiyaha wali waa jiri inta dib u eegida dacwadu socoto. Taa macnaheedu waa adiga iyo VRS ba ma xareysan kartaan dacwo madani ah si aad uga hor tagtaan go’aanka kiiskaagu inuusan dhaqan gelin.