Way adagtahay in la ogaado in ay jirto ogolasho maxkamadeed in lagu xiro oo ku timid xaqiraad aad ku samaysay amarka maxkamadda dacwad madani ah ee amaah qabe. Waxaa jira laba siyood oo aad ku ogaan kartid.
Waxaad waci kartaa xafiiska booliska degmada. Weydii qaybta Banaynta Maxkamadda. Waa in ay telefoonka kuugu sheegi karaan haddii ay jirto.
Waxaad kaloo ka hubin kartaa mareegta maxkamada Minnesota Tag halka: www.mncourts.gov.
- Guji hel diiwaanka dacwada (dusha sare ee taxda).
- Guji Degmada “Minnesota District )Trial) Court Case Search” (Minnesota (maxkamad qaadid) baar dacwad maxkamadeed)
- Hoos u wad wax yar ka dibna riix santuukha ay ku qoran tahay “MPA Remote” (MPA Fog). Akhri (heshiiska iyo shuruudaha) “terms and conditions” ku yaal bogga xigga. Haddii aad aqbasho shuruudaha heshiiska, riix (Waan Aqbalay Heshiiska & Shuruuda Kor Ku Xusan), “I Accept the Above Terms & Conditions” ee santuukha ku hoos jira.
- Waad ka tegi karta “ Meesha” , baraha ay dhacdo All MNCIS. Guji halka Madani, Qoys, iyo Diiwaanka Dacwad amaah ka saarid qof dhintay). Waxaad kaloo fiirisaa halka hoose ee baarista xukunka. Midka dooro, “Cidda” halka “baarista”sanduuqa hoos u dhacaya ee dusha sare si aad magacaaga u gelisid.
- Haddii ay jiraan dacwado halkaas ku taxan, guji baar dacwada si aad u aragtid in u kuugu jiro amar ogolaasho maxkamadeed ah.
OGOW: haddii aan magacaagu ku jirrin diiwaanka, weli waxaa suurta gal ah in xukun maxkamdeed oo cusub oo lid kugu ah oo aan weli la gelin diiwaanka maxamadda.
Haddii ay jirto bananyn maxkamadeed saba la xiriirta in aad buuxbuuxin weyday Foomka kashifaadda dhaqaalaha, wac maxkamadda bixisay banaynta. Waxay inta badan noqon kartaa maxkamadda degmada. U sheeg karaaniga in aad u baahantahay in aad samaysid foomka kashifaad dhaqaale. Waxaaa laga yaabaa in ay kuu soo diraan.
Waxaa ku lifaaqan Foomka Kashifaadda Dhaqaalaha. Waxaad kaloo ka heli kartaa si xiriirsan mareegta www.mncourts.gov. Guji halka Foomka, Guji halka Fulinta Xukunka, Guji Kashifaad, Guji Kashifaad Dhaqaale.
Buuxi foomka kana samay koobi. Koobi u dir amaah bixiyaha loo xukumay ( Cidda kugu leh amaahda), koobi kalena adigu hayso. Maalin ama laba maalmood kadib, wac maxkamadda oo ka hubi in la joojiyey ogolaashaha maxkamadda.