Dhiqlaha Gogosha
Warqadan xogta aruursan ahi waxay ka hadashaa guud ahaan wax ka qabadka dhiqlaha gogosha gala adigoo kirayste ah.
Waxaa Maxay Dhiqlaha Gogashu?
Dhaqlaha waa cayayaan yar oo aan garbo lahayn oo quuta dhiiga xayawaanka jirka kulul leh, sida dadka oo kale. marka uu dhasho waxa uu le’eg yahay iniinta ubaxa yaryar. Dhiqlaha gaamuray waxa uu dhererkiisu gaaraa ¼ inji. Waa uu wada cadaan karaa ka dib kolka uu xuub siibto. Ka dib waa bunni, dahabi dhalaal xiga, ama jaalle gubnood oo kale ah. Kolka ay wax quutaan waxa ay ku yeeshaan bar guduud ah ama madow bartanka jirkooda. Kolka lagu sharqamo waxa ay ka raadsadaan meel ay ku gabadaan tararada iyo dilaacyada.
Dhiqlahu waa uuu jecel yahay kulaylka. Dhiqlahu waxa inta badan uu qaraabtaa habeen barkii kolka ay dadku hurdaan. Laakiin waa ay soo baxaan maalintii hadii ay gaajoodaan.
Dhiqlahu inta badan waxa uu u jirsadaa 7 fiit cuntadiisa. Waxa uu noolaan karaa dhowr bilood cunto la’aan. Dhiqlahu aad buu u yaqaan “ku dhagida”. Waxay ku dhagaan dharka, kabaha, waxay kaloo ku dhuuntaan kuraasta, shandadaha, iyo kaartoontada kagu guuro si ay ugu socdaalaan meel ay ka heli karaan cunto. Tani waa sida dhiqlahu loo geyn karo goobaha sida, shinoomooyinka, dukaamada dharka iyo saraha dhaadheer ee la dagan yahay.
Sidee ayaan ku ogaan karaa in gurigaygu dhiqle leeyahay?
Dadka intooda badani waxa ay ku ogaadaan in gurigoodu dhiqle leeyahay ka dib kolka dhiqkagu uu qaniino. Kolka ay xoqaan meesha la qaniinay, waxaa dhici karta in meeshu ay nabar noqoto. Qaniinyada dhiqlahu badanaa waa 3 ilaa iyo 5 qaniinyo oo firiiric ah. Cid walbaa ma dhibsato qaniinyada dhiqlaha ama ma yeelato nabaro ka dib qaniinyada. Tani waxa ay ka dhigtaa wax adag in la helo meesha dhiqlagu ka soo baxayo ee guriga.
Dhiqlahu qaniinyada ka dib waxa u ka tagaa wax u eg bar dhiig ah oo qalalan. Marka hore eeg go’yaasha sariirtaada. Ka dibna eeg joodariyada, gaar ahaan, dawaarada daafaha. Ka eeg dhibco yaryar oo bunni guduud xige ah. Waa aad arki kartaa dhiqlaha waaweyn , gaar ahaan ka dib kolka ay wax cunaan.
Dhiqlahu inta badan banaanka iskama socsocdaan hadii aysan ahayn raxan weyn oo wada socota. Waxa ay jecel yihiin inay ku dhuuntaan meelaha sida joodariyada, isbuunyada dhexdeeda, iyo dil-dilaacyada iyo gogosha dhul la dhigto ilaa iyo kolka ay diyaar u noqonayaan inay wax cunaan mar kale.
Fatashada guryaha ee deegaankaaga ayaa imaan kara gurigaaga kana fatashi kara dhiqlaha guriga. Ama waxa aad qabsan kartaa shirkad aqoon u leh maareynta dulinka (ciribtireyaal) si ay u fatashaan. Waxa ay ku siin qoraal oranaya in dhiqle uu ku jiro gurigaga kirada ah iyo in kale.
Kolka aad ogaato in gurigu dhiqle leeyahay, waa inaad degdeg wax u sameysaa si aad uga ilaaliso inuu sii faafo aadna uga takhalusto.
Gurigaygu waxa uu leeyahay dhiqle. Maxaan sameeyaa hadda?
Ka taxadar inaad lacag ku kharash garayso sunta lagu dilo dhiqlaha ee dukaamadu gadaan. Waxaa wacan in dad aqoon u lehi ay ka takalusaan. Ugu sheeg qoraal ahaan qolada guriga markiiba kolka aad is tiraa gurigaagu wuxuu leeyahay dhiqle. Uga dir nuqul warqadan xogta aruursan qolada guriga iyadoo ay weheliso warqad aad ku waydiisanayso qolada guriga inay ka takhalusaan dhiqlaha.
Hadii qolada gurigaagu aysan wax ka qaban dhibaatada dhiqlaha, waxaad haysataa waxyaabo aad kala dooran karto.
- Waxa aad wacan kartaa fatashaha guriga ee deegaankaaga si uu uga fatasho guriga dhiqle. Farashaha guriyagu waa uu ku ganaaxi karaa qolada guryaha u ogolaanta dhiqlaha sarta, waxa uuna u sheegi karaa qolada guryaha inay wax ka qabtaan dhibaatada.
Fatashahu waxa uu bixiyaa muddo arrinta wax looga qabanayo. Hadii mudaddaasi ay gudubto aysana qolada guryahu waxba sameyn, kolkaa waxaad xareysan kartaa dacwo kiro rahmid ah.
- Waa aad bilaabi kartaa dacwada rahmida kirada ah fatashaad la’aan. Hadii 14-cisho ka soo wareegtay waqtigii aad warqada u diray qolada guryaha walina dhiqlihii uu guriga ku jiro, waxa aad bilaabi kartaa kiro rahmid.
- Waxa aad bilaabi kartaa fal dacwada degdeg ah oo u cawil-celinta kiraystaha ah haddii ay jirto gelid dhiqle gogosha ee guriga oo weyn. Waxa aad u diri kartaa warqad qoladda guriga waxa aadna sugi kartaa 24-saac. Haddii qoladda gurigu aysan qaadin talaabooyin ay uga takhalusayaan dhiqlaha gogosha waxa aad bilaabi kartaa dacwadda la yiraa ETRA. Sharcigu ma uu sharxo waxa gelida dhiqlaha ee weyn ee gurigu ay tahay, laakiin waxay u badan. tahay in taa macnaheedu yahay in dhiqlaha gogoshu uu ku jiro dhowr meelood oo guriga ah.
Eeg warqadayada xogta aruursan ee Ka Helida Qolada Gurigu Inay Hagaajiso Wixii Halaysan baro sidda loo xareeysto kiis kiro rahmid ah.
Eeg warqadayada xogta aruursan ee Dhibaatooyinka Dayactirka ee Degdegga Ah baro sidda loo xareeysto kiis kiro rahmid ah ETRA.
Ogow: Qolada guriga iyo dadka taakuleeya kiraystahu mar walba iskuma raacsana waxa ay tahay in qolada gurigu ay sameyso si ay uga takhalusto dhiqlaha. Qolada gurigu waa inay isticmaasho habab taabogal ah si ay u disho dhiqlaha. Laakiin kiraystahu kuma khasbi karo qolada guriga inay isticmaalaan hab gaar ah oo ay is leeyihiin waa kan ugu fiican.
Qolyaha guryaha qaarkood iskuma dayaan gabi ahaanba inay ka takhalusaan dhiqlaha, xataa hadii sharcigu leeyahay waa mas’uuliyada qolada guriga in guriga la hagaajiyo. Waa ay cadahay inay jabinayaan sharciga Minnesota.
Cirib-tireyaasha Xirfada leh
Qolyaha guryaha intooda badani waxa ay qabsadaan cirib-tireyaal xirfad leh si ay ugu takhalusaan dhiqlaha. Ka takhalusida dhiqlahu waxa ay qaadan kartaa asbuucyo badan iyo saacado badan oo diyaar garow ah.
Waxa aad u baahan tahay inaad si buuxda ula shaqeyso habka looga cirib-tirayo dhiqlaha gurigaaga. Tusaale ahaan, nadiifo gurigaaga isna tuur waxyaabaha aan loo baahnayn hadii ay ku firirsan yihiin guriga. Dilidu dhiqlaha uma badna inay shaqeynayso hadii gurigaagu cooshad badan leeyahay. Hadii aadan ku dadaalin intii aad awoodo inaad la shaqeyso habka, dilida dhiqlahu waxay u badan tahay inaysan shaqeyn iyo/ama in qolada gurigu ay hesho sabab ay guriga kaaga saarto.
Ciddee ayaa bixin?
Waa cadahay in qolada gurigu ay khasab tahay inay hagaajiso guriga wixii ka halaysan. Taa waxaa ku jirta ka cirib-tirka dulinka sida dhiqlaha. Qolada gurigu waa inay bixisaa cirib-tirka in kastoo qaarkood ay diidaan.
Marmar badan, qolada gurigu waxa ay bixisaa kharaska ka cirib-tirka dhiqlaha guriga, laakiin ma ay bixiyaan kharashka u diyaarinta guriga in dhiqlaha laga cirib-tiro. Ama ma ay aqoonsadaan in isticmaalkaaga gurigu la yareeyey xilliga asbuucyada cirib-tirka ayna tahay in kiradaada loo yareeyo sababtaa awgeed. Arrimahaasi waa kuwo ay maxkamadi go’aansan karto.
Hadii aad u baahan in lagaa caawiyo diyaarinta gurigaaga sabab caafimaad awgeed, qolada guriga waxaa dhici karta inay u baahato inay ku siiso caawimaadaa sida uu qabo sharciga Xaqqa Guryaha (Fair Housing Act) iyo kan Xaquuqda Aadnaha ee Minnesota (Minnesota Human Rights Act). Ku waydiiso codsiga qoraal ahaan kalana har nuqul aad haysato adigu. Eeg Warqadayada Xogta Aruursan ee, U Fududeynta Suuro Galka Ah: Ma Dooneysaa In Kireystuhu Sameeyo Isbedel Waayo Waxa Aad Tahay Qof Naafo Ah.
Indhahu ha u furnaandaan wax astaan dhiqle ah!
Ka takhalusida dhiqlahu muddo ayey qaadataa. Gurigaaga waxaa dhici karta inuu u baahdo dhowr goor oo sun ku buufin ah ka hor inta dhamaan dhiqlaha oo dhan uusan dhamaan. Dhiqlahu waxa uu noolaan karaa muddo dheer, waxa ay u badan tahay inay ukxan dhaleen kuwaa oo dillaaci doona. Ku talagal in alaabtu daboolnaan doonto aadna sii wadi doonto sameynta waxyaabaha kale ee aad sameyso si aad u dhamayso dhiqlaha ugu yaraan hal sanno. Waxa aad u baahan tahay inaad sii wado wax walba aadna la shaqeyso cirib-tiraha xirfada leh. Raac talaabooyinka daryeelka ah ilaa inta ay kaaga sheegayaan in ku dhalashadii guriga ee dhiqlahu ay dhamaatay.
Maxaan sameyn karaa si aan uga ilaaliyo in dhiqluhu sii faafo?
Waxay u badan inaysan suurtagal ahayn inaad ka takhalusto dhiqlaha adigu. Laakiin waxaa jira waxyaabo aad sameyn kartid si aad uga ilaaliso inuu sii faafo.
- Kulaylka xad dhaafka ahi waa uu dili karaa dhiqlaha. Dharka waxaa looga dili karaa kulayl gaaraya 97-99 digrii. Ku dhaq dharka iyo maryaha gogoshada heerkulka ugu badan ee suurta galka ah (adigoo wax yeelayn dharka) ka diba ku qalaji qalajisada ‘kulul” ee dhar qalajisada ugu yaraan 45-daqiiqo. Sidoo kale waxa aad gelin karaa qalajiso kulul hadii aadan awoodin inaad ku dhaqdo dharka heerkulka aadka u kulul.
- Gali dharka iyo maryaha gogosha ee nadiifka ah baco xiran oo balaastiko ah si aad uga ilaaliso inaan dhiqlahu dib u galin. Sidoo kale geli dharka iyo maryaha gogosha baco xiran oo balaastiko oo aan la isticmaalin ka dib kolka aad soo saarto qalajisada. Soo hel maryaha daboolka joodariyaasha ah ee loogu talagalay inay ka ilaalinta joodariyada dhiqlaha.
- La hadal dariskaaga kolkaa aad ogaato in gurigaagu dhiqle leeyahay. Hadii aad ku nooshahay sar dheer oo guryo badan leh ama qowlad, waa muhiin inaad markiiba talaabo qaado si aad uga hor tagto in dhiqlahu sii faafo. U sheeg dariska inaad gurigaaga ka heshay dhiqle, si ay u ogaadaan in dhib ka jiro sarta. Tani sidoo kale waxay ku siin adiga fursad aad ku waydiiso dariska inay og yihiin in hada ama horey uu sarta ama gurigooda uga jiri jiray wax dhibaatooyin ah oo la xiriira dhiqlaha.
- Ha soo qaadan kuraasi dad kale iska tuureen
Iska ilaali soo qaadasahda alaab sida joodariyaasha iyo kuraasta looga tago haamaha qashinka agtooda ama wadada geeskeeda la dhigay si qashin ahaan loogu qaado. Cid walba oo iska tuuraysaa waxa ay isaga tuuri sabab.
Hadii aad ka soo gadato kuraas, joodariyo ama dhar dukaamada alaabta jaban gada ama kuwa alaabta duuga ah gada, si taxadar leh uga fatash wax astaamo ah oo muujinaya dhiqle ka hor inta aadan guriga keenin.
Maxaan ku sameeyaa kuraasta dulinku ku dhasho?
Qaar ka mid ah kuraasta waxaa ka ilaalin kara dhiqlaha cirib-tireyaasha xirfada leh. Hadii dulin ku dhalashadu ay aad u xun tahay waxaa roon in la iska xooro. HA KU tuurin kuraasta dulinku ku dhashay meel ay dad kale ka qaadan karaan. Tani waxay keeni kartaa sii faafid kale oo dhiqlaha ah.
Kuraasta dibada uga bixi gurigaaga qaab aan u ogolaanayn in dhiqlahu uu ku sii faafo meelo kale oo sarta ka mid ah.
Waydiiso qolada gurigaaga ama cirib-tiraha caawimaad ah tuurida kuraasta dhiqlahu ku dhashay.
Waxa aad ka heli kartaa akhbaar kale iyo khayraadyadaba shabakada ah: https://www.health.state.mn.us/diseases/pests/bedbugs.html