Magaalooyinka qaarkood, guri ma kireyn kartid hadii aadan haysan shatiga kirada. Waxa aad u baahan tahay caymis mulkiile guri oo gaar ah si aad u hesho kirestayaal. Ka hubi magaalada taa. Hadii aadan haysan waxyaabahaa laakiin lagaa rabo, waxa aad geli kartaa baxar. Waxaa dhici karta inaad u baahanto inaad la tashato qareen si aad u ogaato in sheegashada xiriirka mulkiile/kireste ay tahay ra’yi wacan iyo in kale.
Marmarka qaarkood, waxaa fiican inaad leedihiin xiriir mulkiile/kireyste. Marka horeba cadee waxa laga rabo labada dhinacba qorna dhamaan wixii heshiis ah.
Sida sharcigu qabo qolada gurigu waa inay siiso qofka ogaysiis muddo bil buuxda ah si uu u guuro. Hadii aan kiro la bixineyn, mulkiilahu waa inuu siiyo qofka 3 bilood oo uu ku guuro.
Tusaale ahaan: Hadii qofka kula joogaa uu ku siiyey bil karadeed Juun 1, waa inaad siisaa ogaysiis qoran ka hor Juun 30 keeda si ay u guuraan Luulyo 31 geeda.
Hadii qofka kula joogaa uu wali sii joogo ka dib Ogoosto 1, waxa aad xareysan kartaa dacwo guri ka saarid ah. Hadi aad dacwadaa ku guulaysato maxkamadu waxa ay soo Amar Guri soo Celin “Writ of Recovery.” hadii uu qofka kula joogaa wali uu diido inuu baxo, u qaado Amarka xafiiska Shariifowga ee Degmadaada. Askari ayaa kolkaa imaan oo qofka saaraya. Xasuusnow. Ka xareysiga dacwada maxkamadu waxa uu diiwaan u gelin qofka in guri hada ka hor laga saaray. Taasina waxa ay adkayn kartaa inuu qofka kula joogaa helo meel kale oo uu ku noolaado.
Kala har nuqulo dhamaan ogaysiisyada iyo heshiisyada aad l agasho qofka kula jooga si aad dacwadaada maxkamada uga cadeyso. Ka hor inta aadan dacwo maxkamad ka xareysan ku qor lambaro albaabyada qolalka si kolkaa shariifowgu uu ogaado qaybta guriga ee qofka guriga laga eryayaa uu ku nool yahay. Waxaa dhici karta inaad u baahato inaad wacdo quful sameeye si aad u bedesho qufulada ka dib kolka bilaysku kaa saaro qofka. Hadii aad qufulada bedesho ama aad alaabtooda aad dibada u dhigto ka hor inta aan bilaysku kaa saarin waa ay ku dacawayn karaan.