Hadii aad xaq u leedahay adeeygada tababarada xirfadaha waxaa dhici karta inaad dhaqaalo hesho si aad u noqoto iskii-u-shaqeyste ama aad u bilowdo ganacsi yar hadii aad ka soo baxdo dhamaan shuruudaha hoos ku xusan. Kharashka bilowga hawsha waa in si faahfaahsan loogu daraa qorshahaaga Shaqada ee qoran (EP).
1. La taliyahaaga xirfadeyntu waa khasab inuu go’aansado in aad ka bixi karto iskaa-u-shaqeysi iyo in kale. Si uu go’aankan u gaaro, waxaad u baahan tahay inaad sameyso qiimeyno nooc kale ah. Qiimaynahu waa khasab inay cadeeyaan inaad awoodo iskaa-u-shaqaysi aadna maamuli karto ganacsi yar.
2. Waa inaa qortaa qorshe ganacsi. La taliyahaaga ama qof khibrada u leh ganacsiyada yaryar oo beesha ah ayaa kaa caawin kara qorshahaaga ganacsiga.
Waxaad sidoo kale ka heli kartaa akhbaar ku saabsan qorshayaasha ganacsiyada iyo bilowga ganacsi yar Xoghayaha Gobolka: https://mn.gov/deed/business/starting-business/. AMA raadso rugo kale oo deegaanka ah oo caawiya ganacsiyada yaryar.
Qorshahaaga ganacsigu waa inuu lahaadaa:
- Tilmaam ganacsiga ah
Oo ay ku jiraan: - wax soo saarka iyo/ama adeega uu fidinayo
- nooca uu ganacsiga yahay oo uu ku sharciyeysan yahay (sida magaca loo bixiyey ama shirkad qaan u sheegadkoodu uu kooban yahay, iwm.)
- goobta
- saacadaha shaqad
- Akhbaarta dhaqaalaha
Oo ay ku jiraan: ilaha maalgelinta (meesha ay lacagtu ka imaanayso)- Liiska qalabka ganacsiga (qor qalabka aad u baahan tahay)
- warqada isu dheelitirka xisaabaadka
- daraasada is gaarida dakhliga iyo kharashka
- saadaalinaha dakhliga saafida ah iyo kan guud
- saadaalinaha lacagta cadaanka ah ee ganacsiga soo galaysa
- Darsida suuqa.
Oo ay ku jiraan: tartarnada ganacsiyada - Tilmaam ah khibrada farsmado iyo maamulka macaamiisha
- Sooraynta, shatiyada, canshuuraha, iyo shuruudaha caymiska
- Dhaqan gelin ama jadwal xasilin
Oo ay ku jiraan: bilowga hore ama kharashaadka xasilinta
- Liis ay ku qoran yihiin khataraha suurta gal ah iyo dhibaatooyinka oo ay weheliyaan ra’yiyo iyo qorshayaal ku saabsan sida la isaga dhowro ama wax looga qabto.
3. Hadii aad u baahan tahay gargaar farsamo ama adeego la talin ah si aad u gaarto hadafkaaga, hay’ada VRS waa inay ku siiso adiga. Hadii aad u baahan in lagaa caawiyo sameynta hawlaha qiimeynta ama qaabeynta ama qorida qorshaha ganacsiga iyado sababtu tahay naafnimadaada, VRS waa khasab inay ku siiso gargaaro macquul ah.
4. Hadii uu ganacsigaagu yare yar yahay, VRS waxa ay kaa caawin:
- qiimeynta qorshahaaga ganacsi si loo hubiyo inuu dhamaystiran yahay,
- in dhamaan wixii khatar ah la eegay, iyo
- in ganacsigaagu dhaqaalaha ahaan ay suurta gal tahay in lagu najaxo.
Hadii ganacsigaaga yari uu xoogaa weyn yahay, qiimeyntan waa inuu sameeyo hay’ada amaaheed oo gobolka ama wadanka oo dhan ka diiwaan gashan oo xisaabeed ama barnaamijka (Micro-Enterprise).
5. Kolka qorshaha ganacsiga yar la dhameeyo lana ogaado in dhaqaale ahaan ganacsiga lagu najixi karo, waa khasab inaad sameysato Qorshe Shaqo (EP) oo qoraal ah. Waxa aad kala shaqeyn kartaa EP la taliyahaaga xirfadeynta iyo tababarka, ama adiga laftaada ayaa qoran kara ka dibna u soo bandhigi kara la taliyahaaga si uu qoraal ahaan ugu ansaxiyo.
Labada mid kasta ha noqoto, waa khasab inaad cadeyso hadaf tababarid ah oo cayiman oo muujinaya nooca shaqada aad rabto, sida “roog sameeye.” Sidoo kale waa inaad cadeyso dhamaan adeegyada xirfadaha tababarka ee loo baahan yahay iyo kharashka bilowga/xasilinta ganacsiga ee (EP). Eeg warqadayada xogta aruursan ee Qorshayaasha Shaqada.
6. Waa khasab inaad ka caawiso la taliyahaagu inuu raadiyo “manfacyo u dhigma.” Kuwaasi waa ilo kale oo gargaar dhaqaale laga heli karo si loo bixiyo baahidaada, sida hay’ad adeeg bulsho oo beeshaada ka jirta.