Tag xafiiska cayrta ee degmada ka dibna buuxi codsi.
Degmaddu waa khasab inay kugu siiso balan isqorid 5-cisho oo maalmaha shaqada ah gudahood ka dib kolka ay hesho codsigaaga. Hadii aad qaadan jirtay manfacyada (MFIP ama DWP) 12-kii bilood ee la soo dhaafay, degmooyinku waa inay kuugu baaqaan inay telefanka waraysiga kaaga qaadaan. Hadii aad u baahan tahay in ilmaha laguu hayo (day care) degmaddu waa inay kaa caawiso inaad codsato ilmo hayn xilliga balanta isqorida. Waa in laguu gudbiyaa qaybta ilmo haynta kolka aad hesho la taliye dhanka shaqada ah. Waa inaad ku heshaa la taliye dhanka shaqada ah 1 maalin gudaheed ka dib kolka ay degmaddu go’aansato inaad helayso barnaamijka DWP.
Waa inaad kula kulanto la taliyahaaga dhanka shaqada 10-cisho gudahood si loo sameeyo Qorshe Shaqo (EP). Ma aad heli doontid manfac lacag cadaan ah ilaa iyo inta Qorshahaaga Shaqada laga ansaxinayo.
Waa ra’yi wacan in aad wax walba qorto – aadna la socoto. Ka bilow buuga qoraalka DWP/MFIP Xafid dhamaan warqadaha aad hesho.