After you're done reading this page, take a short quiz to test what you've learned!
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa kolka iyo sidda aad ugu tagi karto dhaqtar iyadoo waalidkaa uusan ku wehelin iyo haddii ay tahay in waalidkaa uu ogaato arrintaa iyo in kale.
aadan la noolayn waalidkaa ama cida mas’uulka kaa ah, aadna adigu maamulato xoolahaaga AMA
aad guursatay AMA
aad ilmo dhashay. Waa aad ogolaan kartaa (fasaxi kartaa) in adeegyada daryeelada caafimaad ah la siiyo ah ilmahaaga yar AMA
ma rabtaa in lagaacaawiyouurka, daryeelidkusaabsancudurradagalmaha (STD) la iskuqaadsiiyo, daryeelidisticmaalkadaroogadda ah, ama inaadheshotalaalkaindha-caseeyaha B (hepatitis B)
Dhaqtar ama xirfadlayaasha kale ee bixiya daryeelada caafimaadku, waxa ay lilaahi u aamini qowlkaaga ku saabsan daruufahaaga, waana ay ku daaweyn karaan iyagoon helin ogolaanshaha waalidka.
Dhaqtar ama xirfadlayaasha kale ee bixiya daryeelada caafimaadku waxa ay u sheegi waalidkaa daryeelada ay kuu fidiyaan ama daryeelada aad u baahan karto hadii ay is-tusaan inaysan amaan ahayn inay ka qariyaan akhbaartaa waalidka.
Qaar badan oo ka mid dhaqtarada qoysku si qarsoodi ah ayey u daryeelaan ilmaha yaryar, laakiin hadii aadan hubin, waydii marka horeba.
Hadii lagu daryeelo aadna u isticmaasho daryeelkaa kaarka caafimaadka ee waalidkaa, shirkada kaarka caymisku waxa ay u dirtaa waalidkaa ogaysiis ku saabsan adeegyada.
Maya, HADII hadii aad ogolaatay in lagu siiyo aadna heshay adeegyo daryeel caafimaad aadna:
aadan la noolayn waalidkaa ama cida mas’uulka kaa ah, aadna adigu maamulato xoolahaaga AMA
aad guursatay AMA
aad ilmo dhashay AMA
ma rabtaa in lagaacaawiyouurka, daryeelidkusaabsancudurradagalmaha (STD) la iskuqaadsiiyo, daryeelidisticmaalkadaroogadda ah, ama inaadheshotalaalkaindha-caseeyaha B (hepatitis B)
Hadii aad ogolaato in daryeel caafimaad lagu siiyo, kharashka adiga ayaa ka mas’uulk ah.
Waa aad tagi kartaa rug caafimaad oo dowladu leedahay si aad u hesho talo qarsoodi ah iyo daaweyn. Rugahaasi inta badan waa ka raqiisan yihiin iyo/ama waxa ay u fududeeyaan ilmaha aan qaan gaarka ahayni inuu bixiyo lacagta.
Waxa aad heli kartaa Kaarka Gargaarka Caafimaadka ee [Medical Assistance (MA)].
Wixii macluumaad ah ka eeg bogga Medical Assistance page ee ah shabakada (website) Waaxda Adeegyada Bulshada ee MN (MN Department of Human Services). Gal shabakada: www.mn.gov/dhs.
Ku riix badhanka falaarta hoos u jeeda ee “Sidee ayaan” (“How do I”)? ee dhinaca kore ee bogga
Riix “Qaybta” (“Services)” ee hoos timaada “Codso” “(Apply for)”
Si aad uga codsato khadka (online): riix Codsiga khadka ee Shakhsiyada iyo Qoysaska “(Online applications for individuals and families)” ka dibna riix linkiga ApplyMN
Codsiga warqada ah ee la daabaco, soo buuxi ka dibna boostada soo dhig: riix “(Paper applications for individuals and families)”