Guri ka xirashada ama ka Goynta Biyaha iyo Korontadu waa Sharci-darro
Warqadan xogta aruursan ahi waxay ka hadashaa guri ka xirashada, koronto iyo biyo goynta sharci-darrada ah iyo waxa la sameeyo hadii tani ay kugu dhacdo adiga.
Waa maxay guri ka xirasho ama ka goyntu?
Ka xirashadu waa marka qolada gurigu ay guriga khasab kaaga saarto iyagoon maxkamad tagin marka hore, sida hadii ay bedelaan ama ay la baxaan qufulkaaga. Waa sharci-darro. Hadii ay qolada gurigu isku dayso inay guriga kaa saaraan iyagoo kaa goynaya biyaha, kulaylka, ama korontada, taasi goyn waana sharci-darro.
Qolada gurigu waxa kaliya oo ay guri kaaga saari karaan iyagoo xareysta dacwo maxkamadeed, oo la yiraa dacwada guri ka saarida. Hadii ay tani dhacdo, waxaa laguu keeni warqado maxkamadeed. Maxkamaddu kolka ay dhacayso waxaa heli fursad aad ku sheegto dhinacaaga sheekada.
Hadi maxkamada lagaaga adkaado, ama aadan maxkamada tagin, qolada guriga waxay heshaa amar la yiraa Amarka Soo Celinta (Writ of Recovery). Shariifka ayaa ku dhajin albaabkaaga Amarka ah inaad guriga uga baxdo 24-saac gudahood. Hadii aadan guriga uga bixin waqtigaa, shariifka ama bilayska ayaa soo noqon kara si ay guriga kaaga saaraan, ama ay u bedelaan qufulka ayna u kormeeraan inaad laabtaada rarato.
Qolada gurigu marna ma kugu khasbi karto inay guriga kaa saarto la’aanta Amar mas’uul sharci. Qolada gurigu ma bedeli karaan qufulada, kaama goyn karaan korontada iyo biyaha, dibada kuuma dhigi karaan alaabtaada, safiitana ma gelin ay guriga albaabadiisa iyo daaqadihiisa, mana sameyn karaan wax kale oo keeni kara inaad baxdo. Qolada gurigu waxa ay ku waydiisan kartaa ama kuu sheegi kartaa inaad guurto, laakiin qolada gurigu kuguma khasbi karto inaad guurto hadii aysan maxkamad tagin.
Hadii adiga iyo qolada gurigu aad saxiixdeen liis, laakiin qolada gurigu aysan kuu ogolayn inaad guriga u soo guurto, taa iyana noqon kartaa guri ka xirasho sharci-darro ah.
Ka waran hadii qolada gurigu ay iigu hanjabto inay guriga iga xiranayaan?
U sheeg qolada guriga inaad og tahay in guri ka xirashadu ay sharci-darro tahay, ayna tahay inay guriga kaa saaraan si ay kugu khasbaan inaad guurto. Hadii qolada gurigu ay kuugu hanjabayso inay guriga kaa xiranayso, mar walba sido aqoonsiga (ID) nuqulada waxyaabaha cadeynaya inaad guriga iminka degan tahay. Kuwaasi waxay noqon karaan waxyaabaha sida nuqul ah liiska guriga, nuqulada warqadaha lacagta korontada, rasiidyada kirada. Waa ay fiican tahay in kuwaa la haysto lacala hadii guriga lagaa xirto oo ay noqoto inaad bilayska wacdo si aad guriga u gasho.
Maxaan sameeyaa hadii guriga la iga xirto?
Wac qolada guriga. U sharax in guri ka xirashadu ay dambi tahay ayna xabsi aadi karaan ama la ganaaxi karo iyadoo la cuskanayo (Minnesota Statutes 504B.225 and 609.606). Waydii in laguu ogolaado guriga. Qaado warqadan xogta aruursan ah si aad u tusto qolada guriga hadii loo baahdo. Mar walba is deji. Hadii aad la kulmayso qolada guriga qof makhraati ah soo wado.
Hadii qolada gurigu diido, wac bilayska. U sharax waxa dhacay. Sheeg inaad og tahay in guri xirashadu ay dambi tahay. Waydii inay wacaan qolada guriga ayna kula kulmaan adiga iyo qolada kale guriga si ay kuugu ogolaadaan inaad guriga gasho. Tus warqadan xogta aruursan ah kolka ay yimaadaan gurigaaga. Tus cadeyn ah inaad guriga ku nooshahay, sida aqoonsi (ID) warqada lacagta korontada ama liis.
Hadii ay taasi shaqeyn waydo ama aad heli waydo qolada guriga, wac qareen. Hadii aad danyar tahay, wac xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid), badanaa, wicid uu waco qaraan qolada guriga ayaa xalisa dhibaatada.
Sidee ayaan maxkamad uga xareystaa dacwo guri ka xirasho ah?
Hadii aad leedahay qareen iyo hadii kaleba, waxa aad tagi kartaa maxkamad waxa aadna degdeg ku heli kartaa amar aad dib ugu noqonayso gurigaaga. Qaar ka mid ah maxkamadahu waxa ay leeyihiin foom ah sida kan halkan ku lifaaqan. Waxaad kaloo ka heli karaa mid khadka (online) ka (ingiriisi kaliya). Buuxi foomka maxkamada ama kan halkan ku lifaaqan ka dibna la tag maxkamada degmadaada. Soo qaado wax cadeynaya inaad guriga ku nooshahay, sida liiskaaga, laysinka, ama warqadaha lacagta korontada. Waydiiso inaad xaakim u aragto si degdeg ah.
Hadii aad danyarta tahay, waydiiso maxkamada in lagaa saamaxo khidmada maxkamada ama foomka la yiraa “awoowid la’aanta bixinta” (IFP). Foomkani waxa uu waydiistaa maxkamada inay saamaxdo khidmadaha.
Waxa aad ka abuuri kartaa mid khadkan create an IFP online (ingiriisi kaliya) adigoo isticmaalaya wareysiga talaabo-talaabada ah.
Gal shabakada Forms (ingiriisi kaliya).
- Riix “Court Fee Waiver” (IFP)" (ingiriisi kaliya)
Kolka aad maxkamada tagayso la imow cadeyn dakhligaaga ku saabsan, sida, jeeg dabadood, ama cadeyn ah inaad hesho gargaar dowladeed.
Qolada gurigu waxaa dhici karta inay ku andacooto inaad guriga cidlaysay. Hadii alaabtaadu ay wali guriga taal aadana ku oran qolada guriga waa baxayaa, kolkaa ma aadan cidlayn guriga. Qolada gurigu waa khasab inay ka xareystaan dacwo guriga ka saarid ah maxkamad ka hor inta aysan alaabtaada rarin ama aysan qufulada bedelin.
Waxaa dhici karta iyana inaad xaq u leedahay in guriga laguu ogolaado inaad gasho xataa hadii aadan wali guriga soo degin. Hadii aad saxiixday liis aadna lacag kiro ama dabaaji ah aad siisay qolada guriga, qolada gurigu waa inay kuu ogolaato inaad guriga soo dagto maalinta liisku bilaabmayo. Hadii qolada gurigu ay diido inay kuu ogolaato inaad guriga soo dagto, kolkaa waxaad xaq u leedahay inaad bilwdo dacwo guri ka xirasho ah gurigana laguu ogolaado.
Xataa dadka guryaha ku meelgaarka ah ku nool lagama xiran karo guryaha. Waxa aad xaq u leedahay inaan guriga aa ku jirto aan lagaa xiran xataa hadii guriga aad ku jirtaa uu yahay guryaha dadka nolosha lagaga gargaaro, guriga dabiibka khamriga, gabaadyada dadka hoy la’aanta ahi ku baryaan iyo noocyo kale oo guryaha ah. Qolyaha guryaha noocaa ah leh ama maamulaa waxaa dhic karta inay yiraahdaan waa ku bixin karnaa iyagoon marin guri ka saaritaanada maxkamada. Waa ay khadlan yihiin. Xataa hadii ku nooshahay guri ku meelgaar ah, waxa aad leedahay xaquuqdan ku qoran warqadan xogta aruursan. Waxa aad ka codsan kartaa maxkamadu inay amarto in shariifku kaa caawiyo inaad degdeg guriga ugu noqoto.
Waxaad kaloo ka codsan kartaa maxkamada inay qabato balan dacwo dhagaysi ah si ay u go’aansato in qolada gurigu ay tahay inay adiga ku siiso wax lacag ah (qaan) oo ah guri ka xirashada. Maxkamadu waa inay saxiixdo amarka aad ula tagayso shariifka. Shariifka ayaa kuu ogolaanaya inaad guriga dib ugu noqoto, xataa hadii ay ka maarmi waayaan inay jabiyaan.
Qaantaadu waa wixii lacag ah ee kaaga dhumay ama aad ay noqotay inaad kharash garayso xirashada guriga awgeed. U sheeg maxkamada wixii alaab ah ee aad leedahay ee wax noqday, shaqo gafid, balamo gafidyo, biilalka hudheelada iyo kharashyada cuntada, ama wixii kale ee kharash ah ku galay. Xafido rasiidyada maxkamadahana u soo qaado.
Waxaad kaloo heli karaa qaan sedex jibaarana h (qaantaada oo 3 lagu dhuftay), ama $500, labada hadba kii badan, iyo waliba bixinta khidmada qareenka, hadii:
- Qolada guriga ay korontada, biyaha, ama gaaska ay kaa goyso AADNA u sheegtay qolada guriga, laakiin qolada gurigu aysan isku dayin in korontada dib laguugu soo celiyo waqti macquul ah gudihii..
AMA
- Qolada gurigu ay ku dhaqmaysay “laqdabo.” Laqdabada badanaa macnaheedu waa been sheeg, khaa’inimo ama ogaanta in arrini ay khalad tahay laakiin ay iska sameeyeen.
Hadii laguu xukumo xaq lacageed, waydii maxkamada inay kuu ogolaato inaa lacagtaa xaqqa ah aad ka jaran karto kiradaada. Ka hel nuqul amarka. Hadii qolada gurigu ay kaa xareysato dacwo guri ka saarid ah oo ku saabsan kiro aan la bixin, tus xaakimka amarka dacwada guri ka xirashada ah.
Hadii aadan maxkamad tagin si aad guriga dib ugu noqoto, waa aad ka dacaweyn kartaa qolada guriga ha dhow Maxkamada Qaamaha yaryar (Conciliation Court). Hubi inaad haysato dhamaan daliilahaaga aadna raadiso cidii makhaari ah. Degdeg ugu dhaqaaq arrintan. Xasuunow, hadii ay qolada gurigu ay wax lacag kugu leeyihiin adiga, iyana “waa ay kuu sheegan karaan” qaan ah wixii ka baxay hadii ay dacwo xareystaan. Eeg warqadayada Xogta aruursan ee Maxkamadaha Dacwadaha Madaniga.
Tips for Filling Out the Form
Your landlord may claim that you abandoned the apartment. If your things are there and you did not tell the landlord you are leaving, then you did not abandon the apartment. The landlord must file an eviction case in court before moving your things or changing the locks.
You might have the right to be let in the property even if you never moved in. If you signed a lease and gave money to the landlord for rent or a security deposit, the landlord must let you move into the property on the date the lease starts. If the landlord refuses to let you in, you have the right to start a lockout action and be let into the property.
Even people who live in temporary housing can’t be locked out. You have the right not to be locked out of your home even if your home is in an assisted living building, a sober house, some homeless shelters, and other types of housing. The landlords who run buildings like these might say they can make you leave without going through an eviction. They are wrong. Even if you live in temporary housing, you have the rights in this fact sheet. You can ask the court to order the sheriff to help you get back in right away. If you aren’t sure if your temporary housing is protected from lock-outs, contact your legal aid office right away.
You can also ask the court to set a hearing to decide if the landlord should pay you money (damages) for locking you out. The court should sign an order for you to take to the sheriff. The sheriff can let you back in, even if they have to break in.
Your damages are the money you lost or had to spend because of the lock-out. Tell the court about any damaged property, missed work, missed appointments, motel bills, gas and food expenses, or other costs. Keep receipts and bring them to court.
You can also get triple damages (3 times your damages), or $500, whichever is more, plus attorney’s fees, if:
- The landlord shuts off your electricity, water, heat, or gas AND you told the landlord about it, but the landlord did not try to get your utilities turned back on within a reasonable time.
OR
- The landlord acted in “bad faith.” Bad faith usually means lying, cheating, or knowing that something is wrong but doing it anyway.
If you win money damages, ask the court to let you collect it by taking it off your rent. Get a copy of the order. If your landlord files an eviction case against you for unpaid rent, show the judge the lockout case order.
Can I sue my landlord later?
If you don’t go to court to get back in, you can sue your landlord later in Conciliation Court. Be sure to save all your evidence and keep track of any witnesses. The sooner you act the better. Remember that if you owe your landlord any money, they can “counterclaim” for their damages if you file a case. See our fact sheet Conciliation Court.