Laakiin Sharciga xilliga qaboobaha kaliya waxa uu kaa ilaaliyaa goynta haddii goyntu ay korontada ama gaasku ay saameyso kulaylkaaga.
Shirkad kasta oo bixisa adeega korontada iyo gaaska, waxaad la geli kartaa heshiis ah inaad si tartiib ah biilkaaga u bixisid:
Qorshaha biil bixinta
Waxaad heshiis qorshaysan oo xagga bixinta biilka ah la geli kartaa shirkadda korontada iyo gaaska si aad ugu heshiisaan inay qiima go’an oo aadd bil walba bixisid kuu gooyaan inta wakhtiga qaboobaha lagu jiro. Qiimaha biilka ee aad bixinaysaa wuxuu noqon karaa wax ka yar biilka lagugu soo dalacay. Qiimaha aad bixinaysaa waa inuu yahay mid macquul ah marka la fiiriyo dakhligaaga ku soo gala. Adeega lagaama goynayo hadii aad biilka bixisid wakhtigii aad ku heshiiseen. Hadii aad bixin kari waydid qiimihii aad ku heshiiseen waa inaad wacdid shirkadda korontada iyo gaaska si aad qorshe cusub u wada gaartaan.
Dhamaan shirkadaha korontada iyo gaaska ee dawladdu sharcigooda dejisay shirkadaha(sida Xcel ama CenterPoint) adeega kaama goyn karaan hadii aad ku bixisid 10% oo dakhliga bishii ku soo gala ah biilka korontada iyo gaaska:
Qorshaha 10%
Adeega lagaama goynayo bilkasta oo aad ku 10% oo dakhligaaga ah ku bixisid biilka adeega ama aad bixisid dhamaan biilkii kaaga korontada iyo gaaska kolba kii kuu raqiisan. Caawimada lagaa caawiyo biilka korontada iyo,gaaska iyo looma xisaabinayo inuu yahay dakhli ku soo galay. Hadii aad laba shirkadood oo kala duwan midna gaaska ka heshid midna korontada 10% ka waxaaa loogu kala qaybinayaa laba isle’eg.