Hadii aadan baran karin Afka Ingiriiska, taariikhda iyo dowlada sababto ah cudur aad qabto awgii, waxa aad codsan kartaa “Saamixid.” “Saamixida” macnaheedu waa ma aha inaad ku marto wareysiga Afka Ingiriiska ama aha inaad qaadato imtixaanka taariikhda iyo nidaamka dowliga ah.
Ha kuu soo buuxiyo dhaqtarkaagu, Saykolojistahaagu, ama dhaqtarkaaga duugduugu foomka la yiraa USCIS Form N-648. Wac 1-(800) 870-3676 si aad foomkan u hesho. Waxaad kalood ka heli kartaa khadka (online) ka ee shabakada www.uscis.gov. Geli N-648 santiuukha baarida.
Waydii dhaqtarkaaga ka hor inta aadan u dhiibin foomka in caymisku bixinayo arrintan iyo in kale. Waydii dhaqtarka inuu si faahfaahsan u yiraa waxa uu yahay cudurka aad qabtaa iyo sida uu kaaga hortaagan tahay wax barashada.