Geeridaada ka dib, “dhaxalkaaga” waa in la maareeyaa. Dhaxalkaagu waa hantida aad leedahay iyo deynta lagugu leeyahay. Haddii hantida dhaxalkaaga ahí ay ka badan tahay $75,000 ama haddii aad leedahay guri maxkamada dhaxalka in la aado waa lama huraan. Waa lama huraan xataa haddii aad leedahay dardaaran. Lacagta hawlgabka ama hanti kale oo aad ku qortay qof kale oo manfacle ahi inuu helo kuma jiraan xadka cadadka $75,000 ka ah. Manfacle waa qof aad magacowday oo la siinayo hantidaada kolka aad geeriyooto. Hantida ma guurtada ah macnaheedu waa dhulka dhisan iyo dhulka banaan. Haddii hantida ma guurtada ah uu magacaaga kaliya ku qoran yahay aana manfacleyaal lagu qorin diiwaanada dowladda, kolkaa maxkamad dhaxal in la tago waa lama huraan.
Maxkamadda dhageysata dhaxalka ayaa magacawda “qof wakiilka ah” si u maareeyo dhaxalka. Waxa aad ku magacaabi kartaa dhaxalka Qof Wakiil Kaa Ah, laakiin waa in ay weli maxkamaddu ogolaataa. Wakiilka shakhsiyanka ah waxaa marmarka qaarkood loogu yeeraa fuliye.
Qofka Wakiilka kaa ah waxa uu qoraa liis ku saabsan dhamaan hantidaada oo dhan iyo deynta lagugu leeyahay. Qofka Wakiilka kaa ah ayaa bixiya deymaha, oo qeybiya wax kasta oo ka soo haray dhaxalkaaga.
Haddii aad qortay dardaaran, waa in ay ku cadahay sida aad dooneyso in hantidaada loo qeybiyo. Haddii aadan qorin dardaaran, taas waxaa lagu magacaabaa “qof aan dardaaran ka tagin (intestacy” oo sharciyada u degsan gobolka ayaa lagu maamulaa. Xitaa haddii aadan ka tagin dardaaran, hantidaada waxaa la siinayaa qoyskaaga marka laga reebo haddii aadan laheyn qof ehel kuu ah. Xaaladaas marka ay dhacdo “gobolka ayaa la wareegaya.” Akhri xogta urursan ee Su’aalaha Inta Badan La iska Waydiiyo Dardaaranka.
Maxkamadda dhaxalka waxaa kale oo loo adeegsadaa marka uu muran ku dhex jiro qoyska oo ku saabsan dardaaranka ama loo baahdo amarka qaali si hantida loo qeybiyo.