Caymiska EMA wuxuu bixiyaa adeega gargaarka degdega ah ee caafimaad. Wuxuu siddoo kale kaloo bixiyaa kharashka foosha iyo umulinta haddii aad uur leedahay. Si laguu siiyo caymiska EMA, waa inay kula soo deristo xaalad caafimaad oo khatar ahi ama ay jiraan xanuuno aad qabtid. Si laguu siiyo caymiskan waa in xanuunka ku haya ama khatarta caafimaad ee ku soo wajahday ay yihiin kuwo hadii aan lagaa dawayn uu caafimaadkaaga iyo xubnaha jirkaagu ay khatar gelayaan.
Hadii ay xaalad caafimaad oo degdeg ahi kugu timaado,caymiska EMA wuu bixinayaa kharashka dawayntaada. Sida caadiga ah waxay bixiyaan dawaynta lagu sameeyo qolka gargaarka degdega ah ama gaadhiga ambalaasta dhexdiisa. Sidoo kale caymiska EMA way bixinayaa kharashka hadii isbitaal lagu seexiyo ama aad dhowaan ka soo baxday isbitaal welina aad u baahan tahay inaad dhakhtar kale aragtid.
Caymiska EMA waad heli kartaa hadii xaga wadnaha ama neefsashada aad dhib ka qabtid hadii, aan mudo 2maalmood guduhooda lagaa dawayna aad dhib culus la kulmaysid.
Inta badan, caymiska EMA ma bixiyo daryeel caafimaad oo ku saabsan cuduro markaa la qabo. Caymiska EMA waxa uu bixiyaa adeegyada daryeelada guriga lagu helo, daryeelada caafimaadka madaxa, iyo daryeelo kale oo caafimaad oo la xiriira dhibaatooyin xagga caafimaadka ah oo aan loo tixgelin inay yihiin kuwa “degdeg ah.”
Laakiin caymiska EMA waa uu bixiyaa daryeelada caafimaad ee qaar ka mid ah cuduradda mudadda dheer la qabo sidda cudurka kansarka iyo cudurradda kalyaha. Caymiska EMA waxa uu bixin karaa kharashka kalyo sifanta, kalyo gelinta iyo adeegyo kale oo la xiriira kalyo gelinta. Caymiska EMA ma bixiyo gelinta jirka xubno kale.
Siddoo kale waxaa dhici karta inaad awoodo inaad hesho kaarka la yiraa EMA haddii adigu:
- aad helayso Adeegyadda ka Reebida ee Waayeelka,
- aad ku jirto rug dadka lagu hayo ama rug lagu daryeelo dadka madaxa ka xanuunsan,
ama - aad ka soo baxday cusbitaal ama qaybta daryeelka degdeg ah ee cusbaal (ER) xaalad caafimaad oo degeg ahina ay kula soo darsi 48-saac ee soo socda haddii aadan adeego degdeg u helin.
Si’aad u heshi macluumaad dheeraad ah oo la xiriira EMA, booqo oo akhri xogta urursan ee Daryeelka Caafimaadka Degdegga ah.