Hadii aad tahay macmil ama codsade adeegyada hay’adaha VRS ama SSB, waxa aad wici kartaa Mashruuca Gargaarka Macmilka (CAP) si aad caawimaad uga hesho, hadii aad qabto su’aalo, walaac, ama ashtako ku saabsan adeegyada tababarada xirfadaha. Hay’ada (CAP) ma bixiso adeegyo tababaro xirfadeed ah oo toos ah, sida, tacliin, tababarid, ama qalab. Eeg warqadayada xiga aruursan ee Mashruuca Gargaarka Macmilka.
CAP waxa ay qayb ka tahay Xarunta Sharciyada Dadka Naafadda ee MN [MN Disability Law Center (MDLC)]. Wixii akhbaar ah ee kale ee ku saabsan (CAP) ama sida loo codsado adeegyada (CAP), ka wac:
- (612) 334-5970 (agagaarka beledyada)
- 1-800-292-4150 (gobolka oo dhan)