Guri Raadinta
Warqadan xogta aruursan ahi waxay ka hadashaa waxyaabo muhiim ah oo ay tahay in la xusuusnaado kolka aad guri raadiska tahay.
1. Eeg calaamadaha sheega guryaha kirada ah.
Qaar badan oo ka mid ah mulkiilayaasha guryahu kuma xayeysiiyaan guryahooda banaan jaraa’idka ama khadka (online) ka. Waxaa dhici karta inaad u baahato inaad ku dhex lugayso ama gaari ku dhex marto xaafadaha adigoo raadinaya calaamadaha sheegaya guryaha kirada ah.
2. Raadi Guri aad ka bixi karto Kireydiisa.
Hadii aad dan yar tahay, waxaa dhici karta inaad hesho guri aad kiro yar ka bixiso, kirada “la kabo”. Soo hel liiska guryaha dowlada iyo kuwa kiradooda la kabo ee deegaankaaga. United Way’s 2-1-1 ayaa kaa caawin karta tan. Ka wac 2-1-1 iyaga gobolka oo dhan ama 651-291-0211. Sidoo kale waxa aad ugu diri kartaa dhambaal ahaan (text) ziib kood kaaga wata lambarka 898-211 ama waxa aad kula hadli kartaa khadka (online) ka ee https://www.211unitedway.org/about-211/somali/.
3. Hel caawimaad.
Waxaa jira hay’ado bixiya liis lacag la’aan ah oo ay ku qoran yihiin guryahu iyo caawimaadyo kale oo ku saabsan helida meel la dago. Ka wac 2-1-1 gobolka oo dhan. Waxaad kale oo ka baari kartaa guri khadka (online) ee www.housinglink.org.
4. Marka Horeba u Muuqo Qof Wacan.
Marka aad wacdo qolada guriga, hubi in gurigaagu uusan sharqan lahayn. Si fiican u labiso kolka aad guriga soo eegayso. Hadii aad awoodo, soo hel qof ilmaha aad uga tagato si kolkaa aad xooga u saarto sidii aad qolada guriga ugu muuqan lahayd inaad tahay qof wacan.
5. Ka Feejignow Takoorka.
Waa sharci-darro in qof guri lehi uu takoor kugu sameeyo iyadoo sababtu tahay jinsiyadaadda, ilmahaaga, cayr qaadasho ama naafanimo ama sababo kale. Eeg Warqadayada Xaqaa’iqa, ee Heyb Sooca Guryaha.
Hadii aad dareento wax takoorid ah markiiba waco caawimaad. Waxa aad wici kartaa:
- xafiiska gargaarka dhan sharciyada ee deegaankaaga (aid office) ee 1-(877) 696-6529.
- Waaxda Xaquuqda Aadanaha ee Minnesota (Minnesota Department of Human Rights) ee khadkeedu yahay 1-(833) 454-0148. https://mn.gov/mdhr/intake
- Wasaarada Guryaha iyo Horumarinta Beledka ee (HUD) khadka ah 1(800) 669-9777. http://www.hud.gov/program_offices/fair_housing_equal_opp (ingiriisi kaliya)
- Ama ka eeg caawimaad barnaamijyadda kale ku jira barta: www.lawhelpmn.org/so/providers-and-clinics.
6. Ka hel Warbixin wanaagsan Qolada hadda guriga aad ku jirto leh.
La hadal qolada guriga aad hadda ku jirta leh ka hor inta aadan bilaabin guri raadin. Hubi inaad ka heli karto warbixin wanaagsan. Hadii qolada guriga leh uu dhib idin dhex yaal, isku day inaad dhamayso hadda si kolkaa aysan kaaga bixin warbixin xun. Hadii qolada guriga aad ku jirtaa iska lehi ay kaa bixiyaan warbixin xun, raadi cid kale oo warbixin fiican kaa bixisa. Cidaasi waxa ay noqon kartaa qole kale oo aad horey guri uga jiri jirtay, shaqo, hogaamiye diimeed ama mid beeleed, ama qof kale oo magac bulshada ku leh. Diyaar u ahow inaad sharaxdo sababta qolada guriga aad uga jirtaa aysan kaaga bixinayn warbixin fiican.
7. Ha isaga Dhumin Waqti iyo Lacag Codsi hadii aysan u badnayn inaad Helayso Guriga.
Akhri Codsiga ka hor inta aadan buuxin. Khidmadaha codsiyada waa inay u isticmaasho qolada gurigu inay u adeegsadaan waxyaabaha sida bixinta baarida taariikhdaada kirada iyo kiridhidkaaga. Mar walba waydiiso rasiid inaad ka hesho khidmada codsiga ee aad bixinayso. Qolada gurigu waa khasab inay hal mar uun ku siiyaan. Hadii rasiidku uu qayb ka yahay foomka codsiga, hubi inaad ka hesho nuqul (coby) codsiga.
Ka hor inta aysan qof guri laga kiraysanayaa uusan qaban codsi ama khidmada soo baarida, waa khasab inuu iyadoo qoraal ah ku siiyo liiska shuruudaha (caadiga ah) ee uu isticmaalo si uu go’aansado cidda uu u aqabalyo inay guriga degaan. Liiskan meel dhigo. Waa muhiim waayo qolada guriga leh khasab kuma aha inay kuu soo celiyaan khidmada codsigaaga hadii qofka guriga lehi uu go’aansado inuusan guriga kaa kireyn adiga iyadoo sababtu tahay mid kasta oo ah waxyaabaha liiska ku qoran.
Sidoo kale waa in uu ku siiyo, magaca, telefanka, iyo ciwaanka cida u soo baarta kiraystaha ee uu isticmaalayo si uu u helo akhbaar adiga kugu saabsan.
Hadii uu go’aansado inuusan guri kaa kireyn adiga, qofka guriga iska leh waa khasab inuu kuugu sheego 14-cisho gudahood laga bilaabo kolka uu soo diido codsigaaga. Wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan waxa la sameyn karo hadii lagu diido, ka eeg #10 aad ee hoos ku xusan, “Hadii Lagii Diido, Ogow Sababta.”
Hadii ay jiraan wax ku qoran liiska shuruudaha oo kolkaa kalifi kara in qolada guriga lahi ku diido, u sheeg qolada guriga ka hor inta aadan codsan. Waxa ay noqon karaan kuwaasi guri ka saarid hore, taariikh fal-dambiyeed, kiridhid xumo ama xiriir-xummo idin dhex taalay adiga iyo qole aad horey guri uga kireysatay. Qolada guriga ee fiicani marka horeba waa ay kuu sii sheegi inaysan guri kaa kireynayn adiga sababtaa awgeed.
- Hadii qolada gurigu ay og tahay in guriga aad doonayso in aad kireysato uusan diyaar ahayn kolka aad codsanayso, kaama qaadi karo khidmada codsiga.
- Hadii gurigu uu diyaar yahay laakiin dad kale ay isla gurigaa hortaa codsadeen, qolada gurigu kolkaa waa inay marka hore dadka kale soo baarto.
- Hadii qof kale oo hortaa codsaday uu guriga helo kolkaa waa khasab in qolada gurigu ay kuu soo celiyaan khidmada codsiga.
- Hadii guriga laguugu diido sabab AAN ku qornayn liiska shuruudaha, qolada gurigu waa in ay kuu soo celiyaan lacagtaadii.
- Hadii qolada gurigu aysan u isticmaalin khidmada oo dhan inay kugu soo baaraan iyo waxyaabo kale oo la xiriira hawsha codsiga, waa khasab kolkaa inay kuu soo celiyaan qaybta lacagta ee aan la isticmaalin.
8. Ha bixin “dabaaji liiska ka sii horeeya” heshiis qoran la’aantii.
Qaar ka mid ah qolyaha guryahu waxa ay dadka waydiistaan dabaaji “sii qabashada” guriga ah ka hor inta aysan saxiixan heshiiska liiska guri degida. Tan oo kale waxaa loogu yeeraa “dabaaji liiska ka sii horeeya”. Qolo guri lahi ma qaadi karaan wax dabaaji ah oo liiska ka sii horeeya oo aan ka ahayn inay adiga kula galaan heshiis qaraal ah oo ku saabsan waxa ku dhici lacagtan hadii aadan guriga helin.
Heshiiskan waa wax ka duwan liiska heshiiska guri degida waana khasab in qolada gurigu ay ku siiso warqadan KA HOR inta aadan bixin dabaajiga liiska ka sii horeeya.
Akhri ka hor inta aadan saxiixin. Heshiiskani waa inuu sheegaa:
- Shuruudaha dabaajiga laguugu soo celin doono iyo
- In dabaajiga laguugu soo celin doono 7-cisho gudahood hadii hal ama in kan badan oo shuruudahi ay dhacaan.
Tusaale ahaan, waxaa dhici karta in heshiisku uu dhigayo in hadii qolada gurigu ay ku diido ay tahay inay kuugu soo celiyaan dabaajigaagii 7-cisho gudahood. Ama hesiisku waxa uu oran karaa in hadii qolada gurigu ay go’aansato inay guri kaa kireyso adiga, laakiin aad adigu go’aansato inaadan qaadan guriga, kolkaa khasab kuma aha anay kuu soo celiyaan dabaajiga.
Hadii qolada gurigu aysan ku siin heshiis qoraal ah, waa aad dacaweyn kartaa si aad uga soo ceshato dabaajigaagii. Ciqaabta ay mutaysanina waa ganaax ah cadadkii dabaajiga ah oo lagu daray ½. Hadii aad saxiixdo heshiis liis ah aadna guriga degto, qolada gurigu waa khasab inay lacagta “sii qabashada” guriga ah ay ku daraan dabaajiga. Hadii aadan guriga degin, waxaa dhici karta in lacagtu kaa dhimato. Hadii aad guriga kireysato, qolada gurigu waa khasab in lacagta dabaajiga ah lagu aadiyo kiradaadda.
9. U buuxi si Taxadar leh Codsiyada.
Caadiyan waxaa lagaa rabaa inaad qoro meelihii aad ku noolayd 2 ama 3 sanno ee la oo dhaafay. Hubi inaad saxdo dhamaan ciwaanada iyo taarikhda aadna waxba ka tagin. Xataa meelaha aad joogtay bil ama uun. Hadii aadan saa sameyn, waxaa dhici karta in qolada gurigu ay kugu diidaan been-sheeg ama soo dirid codsi aan dhamaytstirnayn awgood. Samee liis ay ku qoran yihiin meelahaa lana imow kolka aad guriga codsanayso si aadan waxba u hilmaamin.
10. Hadii Guri laguu Diido, Ogow Sababta.
Hadii qolada guriga aad ka rabtaa ay isticmaalaan hay’ad kiridhiyada dadka u soo baarta ama hogaan kiridhid (credit bureau), waa khasab inay kuu sheegaan midka ay isticmaaleen. Wac hay’ada markiiba si aad u waydiisato waxbixintaada nuqulkeeda (koobi) ee lacag la’aanta ah. Hadii aad wax badan sugto, waxaa dhici karta inaad bixiso lacag si aad u hesho warbixinta. Waxa aad xaquuq u leedahay inaad saxdo wixii khalad ah aadna sharaxdo wixii guri ka saaritaan hore ah. Wixii akhbaar ah ee dheeraad ah, ka eeg warqadayada xaqaa’iqa ee, Soo Baarida Kireystaha.
Hadii ay diiwaanka kuugu jirto guri ka saarid hore, waxaa dhici karta in lagaa tir-tiri karo taa. Taa macnaheedu waa in laga saaro diiwaankaaga, eeg warqadayada xaqaa’iqa ee Tirtirada Guriga Ka Saarida.
11. Waligaa ha Kireysan Guri aadan soo Arag.
Ma aha ra’yi fiican in qolada gurigu ku tusto adiga “guri la mid ah.” Hadii qolada gurigu ay isku daydo inay ku dajiyaan guri ka duwan kii aad aragtay, waxaa dhici karta inay taasi tahay astaan takoor. Eeg #5 “ Ka Feejignow Takoorka”.
12. U Fatash Guriga si Taxa-dar ah ka Hor Inta aadan Saxiixin Liiska.
Isticmaal liiska eegida ee halkan ku lifaaqan si aad isaga eegto guriga. Hadii ay jiraan wax dhibaato ahi, ka saxiix qolada guriga liiska eegida hana ogolaadaan inay hagaajiyaan ka hor inta aadan guri soo degin. Xafid liiska eegida inta aad ka guurayso guriga. Waxaa dhici karta inuu kaa caawiyo soo celinta lacagtaadii dabaajiga ahayd. Meel kale raadso hadii dhibaatooyin u baahan in la hagaajiyaa ay jiraan qolada guriguna aysan qoraal ahaan ku ogolaanayn inay hagaajiyaan. Marka hadii ay kireystayaashu guriga soo dagaan, uma badna in qoladu guriga lahi ay hagaajinayaan wixii halaysnaa ka hor inta aan heshiiska la saxiixin, xataa hadii ay mas’uul ka yihiin hagaajintooda. Hadii aad guriga soo degto hel warqadayada xaqaa’iqa, Ka Helida Qolada Gurigu Inay Hagaajiso Wixii Halaysan.
MUHIIM AH: ka taxadar inaad guri ka kireystato qolo sartooda kirada ah lagala wareegayo. Hadii aad degto sar lala wareegayo, waxay u badan tahay inay khasab kugu noqon doonto inaad mar kale dhawaan guuri doonto. Hadii lagu siiyey dhaqaalaha gargaarada degdeg ah, ma doonaysid inaad ku khasaariso goob aadan ku noolaan doonin ugu yaraan hal sanno.
Waydii qolada guriga in guriga lagu leeyahay lacagta amaahda guri ah oo mudadii la bixin lahaa la soo dhaafay ama lala wareegayo. Waxaad kaloo wici kartaa Xafiiska Shariifowga si aad u ogaato in guriga uu horey u xaraashay xafiiska Shariifowgu. Xaraashka Shariifowga macnahiisu waa in guriga lala wareegay ayna u badan tahay inaad ka guurto 6 da bilood soo socota ama mudo ka yar gudahood. Hadii aad ku nooshahay Degmada Hennepin, waxa aad ka ogaan kartaa xaraashyada shariifowga boga (webpage) ee Xafiiska Shariifowga ee Degmada Hennepin. Gal shabakada https://foreclosure.hennepin.us/ForeclosureOnline/foreclosures (ingiriisi kaliya).
13. Move-In Inspection with the Landlord
If you do move in, you have the right to meet with the landlord for a move-in inspection. You and the landlord need to agree on a day and time that works for both of you. The landlord has to tell you about this right within 14 days of moving in. Beware! Once tenants move in, landlords are not likely to fix repair problems that were there before a lease was signed, even though they are responsible for fixing them. If that happens, see our fact sheet Getting a Landlord to Make Repairs.
IMPORTANT: Be careful that you do not rent from a landlord whose rental building is being foreclosed. If you move into a building in foreclosure, you will probably have to move again soon. If you got emergency assistance, you do not want to waste it on a place where you won’t be staying for at least a year.
Ask the landlord if the building is behind on mortgage payments or is being foreclosed. You can also call your county Sheriff’s Department to find out if the building has been through a sheriff’s sale. A sheriff’s sale means that there has been a foreclosure and you will probably have to move in the next 6 months or less. If you live in Hennepin County, you can find out about a sheriff’s sale at the Hennepin County Sheriff's Department's webpage. Go to https://foreclosure.hennepin.us/ForeclosureOnline/foreclosures.
13. Ka Feejignow Qolyaha Guryaha ee Xunxun.
Ha ka kireysan guri qof aan ku siinayn magaciisa oo buuxa. Ha ka kireysan guri qof kuu siiya santuukh Boosto (P.O. Box) ciwaan ahaan. Qolada gurigu waa inay ku siiso ciwaan goobeed. Ha ka kireysan guri qof aan ku siinayn telefankiisa.
Ka feejignow qolyaha guryaha ee tiraa waa inay dad hada guriga degan ka saaraan ka hor inta aad guriga lagu siin. Hadii aad wax shaki ah aad qabto, waydii dariska in qolada gurigu ay fiican tahay. Magaalooyinka qaarkood waxa ay leeyihiin barnaamij shatiyeyn ah oo ku saabsan guryaha kirada ah. Wac xafiiska magaalada ee meesha gurigu ku yaal. Waydii inay leeyihiin barnaamij shatiyeyn ah. Waydii inay ku siiyaan akhbaar ku saabsan qolada guriga.
Ka eeg khadka (online) ka warbixino ku saabsan qolada guriga. Marmarka qaarkood waxa aad ka heli kartaa shabakadaha (website) xayeysiiya guryaha kirada ah. Ama baarid ku sameey shirkada maamulka ama mulkiilaha guriga si aad u eegto inay jiraan wax warbixino ah oo iyaga ku saabsan.
14. Si taxa-dar leh u Akhri Liiska.
Hubi cidda bixinaysa gaaska, nalka iyo biyaha. Hadii ay sartaadu leedahay guro badan aadna bixiso korontada, soo ogow inay jiraan mitir korontada oo u gaar ah guri walba ama in qolada gurigu ay u qaybiso biilka dadka sarta degan oo dhan. Hadii biilka la qaybsado, waa inay kuugu sheegaan qoraal ahaan ka hor inta aadan guriga kireysan inta uu ahaa biilka korontada ee sarta oo dhan sanadkii hore, ka hor inta aadan qorshaysan inaad guriga degto. Sidoo kale waa inay kuu sheegaan goorta biilka aad heli iyo sida kharashka loo qaybsado.
Eeg warqadayada xaqaa’iqa ee Saacadda Biyaha Iyo Korontada ee La Wadaago.
Eeg cidda mas’uulka ah baraf xaarida iyo jarida cawska. Qolada gurigu kuguma khasbi karto inaad sameyso waxyaabahaa hadii aysan kirada kaa yareyneyn. Waa aad waydiin kartaa qolada gurigu inay wax ka bedelaan liiska ka hor inta aadan saxiixin. Adiga iyo qolada gurigu waa inaad saxiix ku dhinac qortaan isbedel walba oo la sameeyey.
15. Mar walba Rasiid hel Hana Dhuminin.
Mar walba oo aad lacag siiso qolo guri aad kaga jirto, ka hel rashiid qoran oo saxiix iyo taariikhduba ay ku qoreen qolada gurigu oo sheegaya cadadka la bixiyey iyo waxa loo bixiyey. Khasab ma aha inay ahaato foom gaar ah. Hayso rasiidyadaa. Qolada gurigu waa inay ku siiso rasiid qoraal ah markiiba, kolka aad lacag cadaan ah u geyso. Hadii aadan lacag cadaan ah ugu geyn cagahaaga, qolada guriga (sida santuukh ugu ridka) waa inay kugu siiyaan rasiid qoraal ah 3-cisho kolka lacagta cadaanka ahi gaarto.
Hadii aad kiradaadda ku bixiso jeega idman (money order), wali waxa aad uga baahan tahay rasiid qolada guriga, waayo dabada jeega idmani kaliya waxaa ku qoran inaad gadatay jeeg idman (money order). Kuma qorna in qolada gurigu heshay. Hay rasiidka iyo dhamaan dabada jeegta idman iyo/ama nuqulada jeegta idman ee la buuxiyey ee sheegaya in lagu qoray magaca qolada guriga.
Waa muhiin inaad xafido dhamaan rasiidyada iyo dukumiintiyada ah wixii la bixiyo iyo heshiisyada. Waxaa dhici karta inaad u baahato akhbaartan hadii qolada gurigu ay ku andacooto inaadan bixin kirada. Xaashiyahaasi waxa ay cadeyn karaan inaad bixisay kirada iyo in qoladu gurigu ay khaldan tahay. Hadii qoladu gurigu ay dacwo guri ka saarida kaa xareysto adigu mar uun, la imow dhamaan rasiidyada oo dhan xilliga dacwada la qaadayo.
16. Sii Ogaysiis Quman Qolada aad hadda guriga uga jirto.
Hadii aad guriga u kireysanayso bil-bil, waa inaad u sheegto qolada aad guriga uga jirto bil buuxda iyo waliba hal cisho ka hor inta aadan guurin, hadii uusan lahayn wax saa ka duwan liiska gurigu. Eeg liiska si aad u hubiso waayo qaar ka mid ah liisasku waxa ay leeyihiin muddo ogaysiin ah oo intaa dheer. U dir warqad nuqulna kala har. Kuma filna inaad qolada guriga aad telefan ama adigoo u taga u sheega inaad guurayso. Qolada gurigu waxay qaadan kartaa dabaajiga ama xataa waxay kugu soo dalici kartaa lacag ka badan dabaajiga iyadoo sababtu tahay ogaysiis la’aan. Wixii akhbaar ah ee kale, ka eeg warqada xaqaa’iga ee Ogaysiiska Banaynta Guriga iyo Joojinta Liiska.
17. Bixi Kiradaada Bisha Guriga kuu Dambaysa.
Uma isticmaali kartid dabaajiga kuu yaal kirada bisha guriga kuugu dambaysa. Hadii aad saa sameyso, qolada guriga lehi waa ay kaa saari kartaa guriga bisha dhexdeeda. Sidoo kale qolada guriga lehi waa ay kugu dacaweyn kartaa kirada, waxa ayna kaa bixin kartaa warbixin xun. Kaliya waxa aad guuri kartaa adigoon bixin bishii ugu dambeysay kiradeeda hadii qolada gurigu ay horey kaaga sii qadintay kirada bishaa. Tani waa ay ka duwan tahay dabaajiga.
Sharcigu sidaa waa uu ka duwan yahay hadii qolada guriga uu guriga bangi kala wareegayo ama qandaraaska guri gadashada ee qolada gurigu ay gashay la joojiyey.
- Hadii qolada guriga bangi kala wareegayo guriga, waa aad u isticmaali kartaa lacagta dabaajiga ah inaad ku bixiso kirada bisha ugu dambeysa ee mudadda guriga lagu jiro.
- Hadii qandaraaska heshiiska guri gadashada ee ay qolada guriga gashay la joojinayo, waa aad u isticmaali kartaa dabaajiga inaad ku bixiso kirada bisha ugu dambeysa ee guriga ka hor inta qandaraaska heshiiska guri gadashada aan la joojin.
Eeg Warqadayada Xaqaa’iqa ee Kolka Qolada Guriga Aad uga Jirto lagala Wareego Guriga: La Wareegida Guriga iyo Joojinta Qandaraaska Guri kala Gadashada.