Saacadaha Dheeriga ah
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa lacagta saacadaha dheeriga ah, cidda heli karta, iyo waxa la sameeyo haddii shaqada aad ku leedahay lacag saacdo dheeri ah oo aad shaqeysay.
Ma waxaa jira sharciyo ku saabsan shaqeynta saacadaha dheeriga ah?
Waxaa jira sharciyo quseeya saacadaha dheeraadka ah ee shaqada oo ay dowladda dhexe iyo tan gobolkuba leeyihiin. Waxa ay yihiin Sharciga Xoogsiga Xaqqa ah (FLSA) (Federal Fair Labor Standards Act - FLSA) ee Dowlada dhexe (FLSA) iyo kan Minnesota ee dhigiisa ah ee (FLSA). Sharciga dowladda dhexe waxa uu ogolaadaa bixinta lacagta saacadaha dheeriga ah iyadoo lagu salaynayo saacado ka yar kuwa gobolka uu u aqoonsan yahay waqti dheeri ah waxa uuna quseeyaa shaqaale ka badan inta sharciga gobolku uu quseeyo. Haddii uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada sharci labaduna ay quseeyaan qof shaqaale ah, kolkaa, sharciga dowladda dhexe ayaa inta badan la qaadan. Wixii akhbaar ah oo ku saabsan shaqaalaha soo hoos galiya sharciga dowladdda dhexe (FLSA), ka eeg Warqada Xogta Aruursan ee #14 (Fact Sheet #14) ee Wasaaradda Shaqadda ee Dowladda dhexe (Department of Labor) ee www.dol.gov/whd, qaybta Khayraadyada (Resources).
Hadii aad xaq u leedahay sharciyan in lacagta saacadaha dheeriga ah lagu siiyo, waa sharci-darro in shaqadu ay isku daydo inay waan-waan adiga kula gasho ah inaysan lacagtaa bixin. Arrintani ma quseeyso haddii aad saacado buuxa shaqeeyso ama aad saacado yar shaqeyso. Qolada shaqaddu waa khasab inay siiso qofka shaqaalaha ah lacagta saacadaha dheeriga ah aan ka ahayn in shaqaddu ay cadeyn karto in qofkaa shaqaalaha ah laga “reebay” sharcigaa. Shaqaalaha intooda badan ma soo hoos galaan wax ka reebitaan ah waxaana loogu yeeraa shaqaalaha aan “laga reebin.” Shaqaalaha aan sharciga laga reebin waa in la siiyaa dhamaan xaqqa saacadaha dheeriga ah ee saacad walba oo ay shaqeeyaan. Wixii akhbaar ah ee ku saabsan ciddii laga “reebay” ama “aan la reebin,” sharcigan, ka eeg warqadayada xoga aruursan ee Martabadaha Shaqada iyo Xaquuqdaada.
Mar walba waa ra’yi wacan inaad adigu saacadahaaga iskaa ula socota oo u xisaabsato. Qor kolka aad shaqada bilowdo iyo kolka aad ka baxdo maalin walba. Ku xafid qoraaladan meel amaan ah.
Shuruudaha Sharciyada Dowladda Dhexe iyo kuwa Gobolka
Sharciga Xoogsiga Xaqqa ah (FLSA) ee Dowladda dhexe waxa uu faraa intooda badan shaqooyinka inay bixiyaan lacagta dheeriga ah ee saacad walba wixii saacado ah ee ka badan 40 ka saac ee asbuucii la shaqeeyo. Asbuucii maalmaha la shaqeynayo waxaa dejiya shaqadda. Inta badana waa Axad ilaa iyo Sabti asbuuc walba ama waa muddo taa la mid ah oo asbuucle ah (168 saacadood) markiiba.
Sharciga Minnesota ee (FLSA) waxa uu faraa shaqooyinku inay siiyaan lacagta dheeriga ah shaqaalaha shaqeeya saacado ka badan 48-saac asbuucii. Sharciga Minnesota waxa uu ku quseyn kaliya uun haddii shaqadaadda ama adigu aydnaan xaq u lahayn saacadaha lacagta dheeriga ah kolka la eego sida sharciga dowlada dhexe.
Waa maxay qaar ka mid ah xeerarka ku saabsan saacadaha shaqada iyo bixinta lacagta dheeriga?
-
Saacadaha dheeriga ah waxaa loogu xisaabtamaa asbuuc ahaan. Ma aha kuwo maalin walba ah lagu xisaabtamo. Kolkaa, hadii aad shaqayso saacado ka badan 8-saac hal maalin laakiin aadan shaqeyn 40 saac ka badan asbuuca oo dhan, kolkaa ma aad helaysid lacagta saacadaha dheeriga ah maalinta aad saacadaha badan aad shaqeysay.
-
Saacadaha shaqadda la iskuma celcelin karo. Hadii lacagta shaqada lagu siiyo 2-dii asbuuc oo kasta hal mar, shaqadaaddu kolkaa kuma oran karto shaqee 50 saacadood hal asbuuc, asbuuca xigana kuma oran karto shaqee uun 30 saacadood si ay isaga ilaaliso bixinta lacagta saacadaha dheeriga ah. Waxaa khasab in lagu siiyo lacagta saacadaha 10-saac ee dheeriga ah ee asbuuca koowaad aad ka shaqaysay.
-
Maalmaha asbuuca ee shaqadu waxa ay noqon karaan muddo walba oo 7-cisho oo is-xigta. Waxaana dejiya kolka ay bilaabmayaan ama ay dhamaanayaan qolada shaqada. Lama bedeli karo hadii uusan isbedelku ahayn isbedel rasmi ah.
Ogow: Xeerarku waxaa dhici karta inay saa ka duwan yihiin haddii aad ka shaqeyso rug caafimaad. Maalmaha asbuuca ee shaqada waxaa dhici karta in la dejiyo iyadoo la adeegsanayo jadwalka “8/80.” Shaqaalahaa iyaga ah taasi waxa ay macnaheedu u noqon kartaa in lacag saacado dheeri ah lagu siiyo wixii saacado ah ee ay shaqeeyaan 8-saac ka badan isla hal maalin ama wixii ka badan 80-saacadood ee muddo lacag qaadasho oo 14-cisho ah. Shaqaddu waxa ay xaq u leeahay inay go’aansato inay bixiyaan lacagta saacadaha dheeriga ah iyo in kale iyadoo ku salaynaysa taa jadwalka noocan ah.
-
Haddii aad uga shaqeyso in ka badan hal shaqo isla hal qolo oo shaqo, waxaa aad isku dari dhamaan saacadahaaga labada shaqo oo dhan si aad u xisaabiso inta saacadood oo dheeri ah oo aad shaqaysay.
-
Kaliya saacadaha aad shaqeysay uun ayaa lagu xisaabin saacadaha dheeriga ah. Faystooyinka, fasaxyada iyo lacagta kolka xanuunka lagu maqan yahay la bixiyo looma xisaabiyo sidii saacado la shaqeeyey oo kale.
-
Qolada shaqada ayaa go’aansata hadii aad shaqeynayso saacado dheeri ah iyo hadii kale. Waa lagu ganaaxi karaa ama waxa aad waayi kartaa shaqadaada haddii aad tiraa maya.
-
Qaar badan oo ka mid ah qolyaha loo shaqeeyo waxay kaa rabaan inaad iyaga ogolaansho ka hesho ka hor inta aadan shaqeyn wax saacado oo dheeri ah. Ka hor inta aadan shaqeyn saacado siyaado ah, la hadal kormeerahaaga si aad u hubiso inay hagaagsan tahay inaad taa sameyn karto.
Hadii aad shaqeyso saacado dheeri ah AADANA ka helin OGOLAANSHO shaqeynta saacadahaa kormeerahaaga, qolada shaqadu waa inay mar walba lacagta saacadahaa ku siiso xataa hadii aadan raacin xeerarka shaqada. Laakiin xusuusnow, waa lagugu ganaaxi karaa helid la’aanta ogolaanshaha taasina waxa ay keeni kartaa dhibaatooyin. Mar walba waxaa fiican inaad u hogaansanto xeerarka shaqada aadna waydiiso qolada shaqadda shaqeynta saacadaha dheeriga ah hadii taasi ay tahay mid ka mid ah xeerarka shaqadda.
-
Marba ha shaqeyn iyadoon “garaacan kaarkaaga.” Taa macnaheedu waa mar walba oo aad shaqeynayso hubi inaad kaarkaaga garaacato, ama aad soo sheegto saacadahaaga shaqada si kolkaa laguu siiyo lacagta shaqada aad qabanayso.
-
Haddii aad naafa tahay, waxa aad codsan kartaa in adiga wax lagaaga bedelo wixii shaqeyn khasabka ah ee saacadaha dheeriga ah. Tan waxaa loogu yeeraa maciinada macquulka ah.
Siddee ku ogaadaa inaan heli karo lacagta saacadaha dheeriga ah?
In lagu siiyo lacagta saacadaha dheeriga ee shaqada iyo in kale waxa ay ku xiran tahay inaad tahay shaqaale laga “reebay” ama “aan laga reebin” helida lacagta dheeriga ah. Inaad saacad ku shaqeyso ama aad mushaar ku shaqeyso mar walba shaqo kuma laha arrintan, laakiin shaqaalaha laga reebo arrintan waxay badanaa ku shaqeeyaan saacad. Waydii qoladaada shaqada hadii aadan hubin midka aad tahay.
-
Haddii aad u shaqeyso ganacsi leh ugu yaraan 2 qof oo shaqaale ah iyo gadid ama dakhli ganacsi oo gaaraya $500,000 ama ka badan inta badan waa in lagu siiyo lacagta saacadaha dheeriga ah.
-
Haddii aad u shaqeyso cisbitaal ama ganacsi u fidiya daryeel ama kalkaalin caafimaad dadka ku jira goob, inta badan waxaa khasab in lagu siiyo lacagta saacadaha dheeriga ah.
-
Haddii aad u shaqeyso iskuul, ama hay’ad dowli ah, inta badan waa in lagu siiyo lacagta saacadaha dheeriga ah.
-
Haddii aad ka shaqeyso ganacsi ka kala ganacsada gobolada wadanka (ganacsi alaabtiisa iyo adeegyadiisu ay saameeyaan ganacsi u dhaxeeya ama ka dhaxeeya gobolada), inta badan waxaa khasab in lagu siiyo lacagta saacadaha dheeriga ah.
-
Haddii aad tahay shaqaale guri dad ka shaqeeya (jaariyad, ilmo haye, cunto kariye), inta badan waxaa khasab in lagu siiyo lacagta saacadaha dheeriga ah.
Xaq uma yeelan doontid lacagta saacadaha dheeriga ah haddii lagaa “reebay”
Tusaalooyinka shaqooyinka laga ‘reebay” bixinta lacagta saacadaha dheeri ah waa haddii uu qofka shaqaalaha ahi uu ka soo baxo shuruudaha sharciga ee ka reebitaanka:
-
Shaqaale madax sare ah, maamul ama xirfadle ah oo ku shaqeeya mushaar. Mushaarku waa cadad lacag cayiman ah oo horey loo soo gooyey oo lagu siiyo asbuuciiba mar. Ma aha mid saacadle ah. Inta badan shaqaalaha caynkaa ahi waa khasab inuu helo lacag ah ugu yaraan $684 asbuucii ( ($17.10 saacaddii).
-
Qaar ka mid ah shaqaalaha dukaamada tafaariiqda gata ama adeeggu waxay ku shaqeeyaan in qayb laga siiyo wixii ay soo saaraan.
-
Dilaalayda dibada ah ee aan shaqaalaha ka midka ahayn.
-
Qaar ka mid ka ah shaqaalaha goobaha gawaarida gada ama lagu hagaajiya waxay ku shaqeyaan in qayb laga siiyo wixii ay soo saaraan ama dadaalkooda ayaa wax lagu siiyaa.
-
Qaar ka mid ah xoogsatada beeraha ka shaqeysa.
Waa intee lacagta saacadaha dheeriga ah ee shaqaddu?
Lacagta saacadaha dheeriga ahi waa ugu yaraan “hal saac lacagteed iyo bar.” Taa macnaheedu waa saacadii caadiyan inta aad ku shaqeyso oo lagu daray bar ah inta aad saacadii ku shaqayso. Haddii aad saacadii ku shaqayso $20, wixii saacado ah ee aad shaqayso ee ka badan 40-saac abuucii waxaad lagugu siin $30 saacadiiba ama hal saac iyo bar. Lacagta saacadaha dheeriga ahi waa ay ka badnaan karaan hal saac iyo bar lacagtood. Waxay hadba ku xiran tahay shaqadda.
Sida qaalibka ah, lacagta saacadaha dheeriga ah ee shaqaddu waa khasab inay ku salaysnaadaan dhamaan noocyada kale ee lacagta ah ee aad hesho, ee aysan ahaan uun kaliya lacagta saacadii aad ku shaqeyso. Tusaale ahaan, lacagta dilaalka ah, lacagta lagu qawimo saacadaha caadiga ee galinada la shaqeeyo, iyo burooyinka intooda badan waa khasab in lagu daro lacagtaada saacadaha dheeriga ah.
Ma waydiisan karaan shaqada lacag saacado dheeriga ah oo ay ahayd inay i siiyaan kol hore oo la soo dhaafay?
Haa. Laakiin cadadka ugu badan ee lacagta saacadaha dheeriga ah ee aad sheegan kartaa badanaa waxay ay dib ugu noqon karaa uun 2-sanno. Marmarka qaarkood, haddii la cadeyn karo in shaqadu ay khaa’inimo kas ay sameysay, kolkaa waxay noqon kartaa ilaa 3-sanno.
Ka waran hadii aan su’aalo qabo?
Waa inaad la xiriirto mid ka mid ah hay’ada hoos ku xusan ama qareen sharciyada shaqadda.
Waaxda Shaqadda iyo Nidaamyada Meheradaha Shaqadda ee Minnesota (Minnesota Department of Labor and Industry Labor Standards)
Telefan: (651) 284-5005 ama 1-800-DIAL-DLI (1-800-342-5354 ka dibna taabo 5)
Laanta Saacadaha iyo Lacagta Shaqadda ee Dowlada Dhexe ee Wasaaradda Shaqadda ee Mareykanka (U.S.) (Federal Wage and Hour Division, U.S. Department of Labor)
Telefan: 1-866-4USWAGE (1-866-487-9243)