Daminta Ama Goynta/Jarida Kulaylka

Waxaa qoray
Education for Justice
Eegida ama daabicida dukumiintiyada

Hadii aadan iska bixinin kharashka korontada iyo gaaska ee loo yaqaan (utility bills), addeega waa lagaa xidhi ama lagaa goyn. Tani way dhici kartaa xitaa xiliga qaboobaha. Lakiin waxaa laga yaabaa in inta u dhaxaysa Bish 10 (October) 15, ilaa iyo Bisha 4 (April) 15 in lagaa difaaci karo. Qoraalkani wuxuu ku saabsanyahay korontada iyo gaaska hadii looga baahto kulayl. Shuruucdu waxay saameeyaan xitaa guryaha shaqsiyaadku khaas u leeyihiin. Shuruucdu waa isku mid ee kuwa guriyanta dowladaha hoose ay leeyihiin. Shuruucdu ma khuseeyaan kuwa saliida, dhuxusha, iyo qoryaha.