Ka fikir sida ay suurogal u tahay in lagu geeyo guryaha dadka lagu hayo waa talaabo kale oo muhim ah in aad sii qorsheyso. Guryaha kalkaaliyaasha caafimaadka ee dadka lagu hayo waa kuwo aad qaali u ah. Waxa aad ku bixineysaa hantidaada si aad halkaas u joogto.
Ceymiska Caafimaadka Gobolka (MA) waxa uu bixiyaa marka aanay dadku laheyn hanti la tirin karo ama ay hantida ay heystaan yar tahay oo ay ka soo baxaan shuruudaha. Ceymiska caafimaadka gobolka waxa kale oo uu bixiyaa qaar ka mid ah kharashyada dadka guryaha lagu hayo iyo qaar ka mid ah Adeegga Loogu Qabto Guryaha Lagu Hayo.
Sharcriyada u degsan MA waa kuwo aad u cakiran. Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waa in aadan hantida ku gadi karin wax ka yar qiimaha ay suuqa ka joogaan. Degmada aad ka codsato waxa ay dib u eegaan sida aad ku bixisay dhamaan hantida aad iibisay ama wareejisay 5tii sano ee la soo dhaafay. Waxa aad ku mudaneysaa ganaax haddii aad ilmahaaga siisay guriga adiga oo uga tanaasulay ama aad hantidaada ku gaday wax ka yar qiimaha ay suuqa ka joogto handtidu kuna qorto codsigaaga MA.
Haddii aad si khalad ah ku bixisay lacag ama hanti, waa laguu diidi karaa Ceymiska Gobolka muddo bilo ah ama sanado ah. Taasi waxa ay dhibaato culus ku keeni kartaa qoyskaaga. Waxaa jira qareeno ku takhasusay Sharciyada Dadka Waaweyn. Waxa ay kaa caawin karaan in aad qorsheyso si aad u reebato lacagta ugu badan ee suurogalka ah iyo hantidaada welina aad xaq u yeelato Ceymiska Caafimaadka ee Gobolka. La tasho qareen qaabilsan Sharciyada dadka Waaweyn hadii aad leedahay dakhli fara badan iyo hanti.
Akhri xogta urursan ee Gagaarida Nolosha iyo Guryaha Haynta.